Doqon sokeeye ma laha....Waa Been 
 

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
 Decem 24/2007

 
Dadkoodeey Dabkasaarayeen ,Daalumiin Amxaar jecel waaye, Dulmigeey Daadihiyaan,Dagaalka Ehel-kow Ku Farxaa ,Doqomo Deeymo Galay Waaye, .EE  .... Haddaad Amxaar Dalka Keenteen   Nin Ka Damqaayaa Dalka Joogee, soomaali   Waa  magaceey muslim  Waa  asalkeey.
 
Kuba Naase dheer weli waxaa uu ku dhex jiraa burburkii iyo barakicii uu ku hayay dadka uu ka dhashay ee uu sheegto in uu u yahay madax,waxaase xaqiiq ah in uu mar dhaw ka degi doono doonida Tigreega uu xiligaan naaquudaha uu ka yahay Maquuste,k.naase dheer aqoontiisa kama foga aragtida inta calooshiisa eey qaado oo kaliya waxa uu cuni lahaa iwm,ma sidaan ayaa xilka macnahiisu yahay....yaad xukumee haddii aad umada ka dhigtay mid qaxa.mid dhinta,iyo mid xaraarug ah alow sahal umuuraha.waxaa uu dhahay ninkii dagaalka kaga soo horjeeday Tigreega iyo xulufadooda nin goba baan ahoo guni rifaysaaye, xaqiiqdii k.naase dheer waa gun ka soo haray reerka uu ka dhashay burburkana magaca iyo maqaamka ku gaaray,waa kuma k.naase dheer..?????????
 
Waa m.dheere ninka Tigreega u yaqaan,waxaa uu ku soo shaac baxay dagaalkii 91 ee Ceeydiid iyo Cali Mahdi waxaana uu ahaa gacantii midgta ee Ceeydiid xiligii dagaalada uu kula jiray Abgaal,waxaa uu ka dhaxlay magac beesha uu ka dhashay eey u bixiyeen oo ahaa Facaa Tuug taasoo weli aad ka dhex maqleeyso guuxeeda iyo gocashadeeda beesha uu ka dhashay k.naase dheer.waxaa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ku duulo sh/dhexe xili umada degen eey aad uga badbaadeen dagaaladii fosha xumaa,xiligaa waxaa uu ahaa xubin baarlamaan ee dowladii carte suŽaasha weli aanan laga jawaabin waxaa eey tahay yuu ka qabsaday k.naase dheer gobolka sh/dhex..???????? ma cadow mudulood ah ayaa ka talinayay mise waxaa talada iyo maamulka lahaa dadka mudulood....???? qaladkaas ayaa weli waxaa uu ka dhex muuqdaaa g.sh/dhex waxaana xiligaan gacanta ugu hayo wallaalkiis Alow sahal umuuraha.
 
K.naase dheer waxaa uu qeeyb ka ahaa dhismahii dowlada Imbigaati waxaana uu aad uga soo horjeeday in mudulood si simman wax u qeeybsado,waxaa uu ahaa ninkii qorayay cida xaqa u leh xubin-nimada baarlamaanka ee qowmiyada mudulood,somalida waxaa eey dhahdaa :nin waalan tolkiis baa u miir qaba waxaadse moodaa in tolkiis eey ku dhiira gelinayaan qaladka iyo gumadka uu dalka iyo dadka uu ku hayo,balse gumaadkii ugu foosha xumaa abid ayuu ugu shaqeeyaa weli dabadhilifna uu u yahay Maquuste oo xaraarg ah,reerka ninkii ugu weeynaa ee Iimaanka ahaa waxaa uu gatay sharaftiisii waxaana xiligaan xukuma k.naase dheer iyo wax la mid ah.
 
Waxaan soo xusuustay heestii Doqoneey dab kaa be ( ileen doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa ruux daga ma weydee dabin kama fogaatee markey dalaq tidhaahdey ilmadda daadisaaye doqoney dabkaa be) akhristow halkee ku aragtay nin gumaadaya reerka uu ka dhashay kuna magac raadsanaya,haddii umada eey ka cararaan xamar yaa xukumeeysaa,ninwalba dadkiisa ayuu sharaf ku leeyahay,magac ku leeyahay,dad ku yahay,Maquuste waxaa uu magaca ku helay raadinta xaqa reerka uu ka dhashay,waxaa erayadiisa ka midka ahaa xiligii uu Garowe ka qudbeeynayay: reer Puntlanow tiina idinka ayaa leh tan somalina waxaan ku leenayahay,maantase cidwalba waa eey ogtahay meesha uu u socdo Maquuste iyo waxa uu doonayo,k.naase dheer maaha madaxweeyne dowlad goboleed balse waa gudoomiye iyo duqa magaalada intaas ayuu umada ku gumaadayaa,halka Cade Muuse uu yahay m.dowlad goboleedka Puntland.
 
 
Waxaa  socota silsilad dheer oo taariikh ah,waxaan isweeydiiyay  war mudulood soomaali ma ka madax dheer yahay mise waxaa jira doqon aan dareensaneeyn sharafta mudulood, haddii soomaali eeyan rabain dowladnimo,ninkii  Maquustene uusan uusan rabin maslaxad soomaali maxaan dhaxdooda ugu baaba-eeynaa,maxaan dhalin yaradeena ugu xasuuqeeynaa waxa aanan la hubin,soomaali cadka aan ku leenahay waa mid aan cidi naga dafiri karin,waxaa nala quman in aan isku raadino soomaali haddii aan kari weeynane waxaa quman in aan soomaali la qeeybsano dowlad laáanta.
 
Sida oo kale M:Guuleed gamacdheere oo ah nin ka sii xa-gjirsan Maquuste ayaa beelweeynta H/gidir weli la shireeysa,hade waa kii gumaaday,baro kiciyay,welina aadka u jecel in la laayo H/gidir oo dhan xilkana ku raadiyay gumaadka reerkiisa,alow sahal umuuraha,kaleey waxaa ila quman in laga qabto mujrimka reer xaaji saleebaan,somalida waxaa eey dhahdaa Ruuxba dhiishuu  ruxduu caanaheeda dhamaa ma waxaan soo gaarnay ninka reerkiisa gumaado in uu ugu sharaf bato xilkana ku helo hogaanka dalka,ilaah ayaa na soo gaarsiiyay heerkaa waxaa eeyna ka turjumeeysaa qowlkii : Ilaaheey uu ku dhahy  qoom aniga ma halaago ilaa eey ayaga is-halaagaan maahine,somalia maanta waxaa eey ku jirtaa halaagii ilaahey sheegay,gacnaheena ayaana ku abuurnay markii dadka eey madax u noqdeen kuwa aanan diin iyo dadnimo laheeyn,
Cabdi Qeeybdiid, Gacmadheere, Maquuste,M.dheere iyo wax la mid ah haddii eey dalkaan xukumaan sow akhristow halaaga ma sii soconayo.?????????????????????????????????????????????
 Ilaaheey waa awoodaa in uu aduunka idinku imtixaano inta aan lagaarin aaqiro, waxaanse Ilaah ka baryaayaa in kuwa Tigree la jirka ah rabana in eey dalkaan xukumaan iyagoo ku farxaaya dhiiga umada soomaaliyeed ee daadanaaya in uu Ilaah naga qabto, waxaanse soomaali u sheegaaya in eey adkeeystaan waayo Ilaah ayaa indinku ee-gaaya sabarkiina inta uu la egyay,taariikha saacad walbaa waxbaa ku soo darsama ninwalbana waqtiga ayaa sheegi doona,Carol Jean Hidler ,Joseph Stalin, Musalini intaba tarikhdooda waa eey keedsan tahay. 

 

Dr.Ali.A.Hirabe                        Hirabe_a@hotmail.com

 

_________________________________________________________