Xogata dhabta ah ee ku aadan
meesha uu mudulood ka taagan yahay dowlada Maquuste
ayaan waxaan jecel nahay in aan ku soo ururino
dhamaan fikirka muduloodka dalka jooga iyo kuwa
qurbaha xiligaan ku sugan,markii aan helnay in ka
badan 1malyen E-mal iyo goàano dhawaan eey qaateen
aqoon yahanada,culumada ,dhalinyarada iyo waayeelka
mudulood waxaa ka soo baxday qodobadaan hoos ku
qoran
1)
Mudulood waxaa uu aad u diidan yahay
joogitaanka ciidamada gumeeysiga Ethiopia dalka
somalia guud ahaan gaar ahaan dhulka Mudulood,sidaa
awgeed Muduloood cid metashaa oo dowlada federaal ah
ma jirto,balse waxaa jira Maquuste oo Majeerteen iyo
harti ma talowaayo haddii eey jiri laheeyd cid
metashaa Mudulood waxaa eey didi lahaayeen in
dhulka Mudulood uu Ethiopian qabsado halka Maquuste
dhulka uu ka soo jeedo eeyan Ethiopiaanka ku haynin
wax xasuuq ah,sida oo kale dhulka
jubooyinka.Somaliland iwm.
2)
Mudulood waxaa uu soo dhaweeynayaa cid walba
oo la dagaaleeysa cadowga Ethiopia ee ku soo duulay
dalka,dadka iyo diinta,waxaana balan qaadeeynaa in
aan wadi doono la dagaalanka cadowga somalia inta
cidi naga nooshahay cadowgana uu joogo dalka somalia
iyo carada Mudulood.
3)
Mudulood waxaa uu diidan yahay dulmiga iyo
gumaadka ka dhacaya xamar,waxaana aan tacsi u
direeynaa dhamaan inta dhibka uu ka soo gaaray
cadowga iyo inta ku dhimatay,waxaana Ilaah ka
baryeeynaa in inta dhibka haysta Ilaah ka qaado
uguna bedelo qeeyr inta dhimatayne naxriistii janada
Ilaah ha ka waraabsho.
4)
Mudulood waxaa uu diidan yahay in loo
nisbeeyo shaqsiyaad dhuun raac ah oo aragtidooda ku
eg waxa eey cuni lahaayeen maanta iyo
beri,shaqsiyaadkaasi waa kuwa u shaqeeya Maquuste
aragna in degaamada Mudulood xiligaan lagu gumadayo
shacab somalia ah oo aanan wax galabsan balse
madfaca Ethiopia loo qeeybinayo dhamaan xaafadaha
Muqdisho.
5)
Mudulood waxaa uu diidan yahay dulmiga ka
dhex jira,Mudulod lamana dhihi karo hal jufo oo
abgaal ah waa Mudulood,balse Mudulood waa in eey
noqdaan garbo simman oo wax wadaagi kara,waayo
Wacdaan,Moobleen Hilibi,Abgaal iyo muduloodka
dhamaan waa in qeeyb ku leeyihiin goàan walba oo la
gaaro sida midka lagu diidan yahay joogitaanka
Ethiopia dhulka somalia guud ahaan gaar ahaan dhulka
Mudulood.
6)
Mudulood waxaa uu qirayaa in eey noqdeen
dabadhilifyo dalka,dadka iyo diinta gatay dhamaan
hogaamiye kooxeedkii ka hano qaaday dalka 1991 iyo
xiliyadii ka horeeyay xiligaana eey dhaamtood
ka-wada simman yihiin u shaqeeynta cadowga somalia
ee Ethiopia,dib u fiiri dhamaan xubnaha
xildhibaanada dowlad ku sheega Imbagaati ee
fadhigooda yahay Baydhabo.
7)
Mudulood waxaa uu aamin san yahay in
dib-heshiinsiinta Somalia eey ka horeeyso in cadowga
dalka,dadka diinta soo weeraray laga saaro dalka
Somalia.
Xog Ururiyaha qowmiyada
Mudulood ee gudaha iyo dibada
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com