Maquuste ILaah Ayuu Ku Balan furay
 

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
 Decem 31/2007

 
Maquuste waxaa uu ku balan furay ilaahii abuuray waana kii ku dhaartay in uu dalkan ka difaacayo cadowgiisa danaha qaaska ahne uu ka horumarinayo mida guud ee umada soomaliyeed,waxaa uu ku dhaartay in uu wax ka qabanayo nabada iyo wada noolaanshaha umada somaliyeed soona celinaayo nidaamkii kala danbeeynta,waxaa Ilaaheey uu ku dhahayaa Suurada An-naxl aayada 94 aad: ha ku gadanina balanka ama cahdiga ilaah qiimo yar Ilaah waxaa agtiisa ah ayaa idiin qeeyr roon haddii dadow aad wax ogtihiin.
                                                          وَلاَ تَشْتَرُواْ بِعَهْدِ اللّهِ ثَمَنًا قَلِيلاً إِنَّمَا عِندَ اللّهِ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ 
 
Hadaba  suáasha jirtaa waxaa eey tahay Maquuste iyo kooxdiisa Imbagaati oo Ilaah ku balan furay keenayne cadowga somalia ugu taariikhda fog ee Ethiopia iyo shacabka diidan in la gumeeysto loona keeno cadowgoodii ugu foosha xumaa akhristow miyeed meel wada galaan,waxaa eey noqdeen mid dalkiisa,dadkiisa iyo diintiisa difaacaya iyo Maquuste iyo kooxdiisa Imbagaati oo ku soo hogaamiyay Ethiopia dhulka somalia si eey u gumaadaan shacabkii lahaa sharafta iyo cisiga gaarsiiyay ee 77 tii qabsan laheeyd Addis-Ababa,waxaan weli aanan maskaxda umada somali ka tirtirmin halku dhigyadii 1977 hobolada dalka eey qaadi jireen,akhristow ma xasuusataa Gefka uma dulqaataan, Gardarada ma yeelaan, Geerida ma diidaan, Haddaad garasho leedahay Gumeysiga Gabooboow, Wax dhan baad garaacdoo, Guudka aad ka raratoo, Qori isugu dhiibtee, Garaad laawihiiyoow, Rag ka gilgishay Xumaantii, Geyigooda oo dhacan, Gama' yeeli mayaan.intaba waxaan filayaa in eey ku gelin doonto xusuus iyo wadaninimo ku wajahan sidii umada somalia eey ugu jawaabtay dagaalkii 77,waxaan leeyahay Maquste galbay kukale mooyee.
 
Qofwalba waxaa la gudboon in uu ka xoroobo Qabiilka,waayo wax walba waxaa sabbab u ah Qabiilka oo aad moodo in uu gumeeysi nagu qabsaday ,Maquuste iyo kooxda Imbagaati wallaalayaal waa eey ka gudbeen qabiil balse waxaa eey u guureen oo eey noqdeen Tigree la yaal  gadanaya dhulk,dadka iyo diinta umada soomali,haddii eey damiir leeyihiin Ilaah kuma eeyan balan fureen intaba waxaa eey Ilaah hortiisa kugu dhaarteen in eey umada dhibka ku jiraa eey ka saarayaan nabad iyo wada noolaanshana u horseedayaan umada soomalia,dhaartii eey dhaarteen waxaa eey ku balan fureen Ilaaha abuuray qalqiga oo dhan ogna wax walba.
 
Somalida waxaa eey dhahdaa " Dugsi dhaxanta laga galo miyaa layska dumiyaa"waxaad moodaa in dugsigii dhaxanta laga galayay in eey tahay diinta Islaamka shacabka soomaliyeed waxeey aad u aamineen dhaartii reer Imbagaati eey la galeen Ilaah abuuray balse weerar aan geedka looga soo gaban ku soo qaaday Maquuste iyo kooxdiisa Imbagaati oo weha-shanayo cadowgii dalka Ethiopia ,Qanyare,Muse,Qaybdiid,Xaaraan ku naax iwm waxaa eey ka bilaabeen xamar welina waxaa socda qorshahii eey bilaabeen,akhristo baarlamaanka Inbagaati waa baarlabaan dhamaantiis ku balan furay Ilaaha abuuray waayo dhaamtood waa eey dhaarteen hadaba aaway dhaartii axdigii ilaah lala galay ma jiro mana yaqaanaan in dhaarta eey tahay axdiga aad la galeeysid Ilaah si umada eey kugu aaminto waxa aad u dhaaraneeyid.
 
 
Waxaa quman in aan ka gudubno cudurka qabiilka,ruux walba waa in uu iska xoreeyo qabiilka uu ka dhashay haddii uu dulmi wado,waxaan filaayaa in nimankii la dhihi jiray Mogadishu Warlords ee burburka iyo baabaá ka geeystay Muqdisho xiligaan dhamaantood waxaa eey ka siman yihiin la dagaalanka diinta iyo gadashada dhulkii somalia,waxaana eey ka mid yihiin TFG.Xiligii MMI waxaa israacay dhamaan shacabkii la gumaadayay waxaana eey maalin cad ka saareen Mogadishu Warlords hadaba haddii eeyan umada is raacin gumeeysi ma baxaayo haddii aan is raacnana naguma qaadaneeyso maalin indalkeena aan kaga saarno,nin la sugayow yaad sugeeysaa  
 
In dhawaalaba waxaa eey websidyada reer Maquuste qorayeen in Maquuste uu cisbitaalkii ka baxay kuna wajahan yahay in uu naaquude u noqdo jabhada SSRC da fadhigeedu yahay Bay,waxaase weli umada eey isa suaashay Maquuste maxuu ku socda caafimaadkiisu waa intee ???? howlgab ma noqday sidii Sharoon mise weli rajo ayaa jirta..??????????
 
Maquuste waxaa uu weligiis ku socday daawo jirkiisa ku qasbeeysa beerka uusan laheeyn in uu ku shaqeeyo,waxaa lagu sameeyay waxa afka qalaad lagu dhaho:Organ transplantation,hadaba waxaa qasab ah qofwalba oo lagu sameeyo qaliinka noocaas ah in la siiyo daawo jirkiisa ku qasbeeysa in uu ogolaado cadka( Beerka) dibada ka-ga yimid,daawadaa iyada ah waxaa eey dishaa dhamaan difaaca jirkiisa,haddii hargab ama wax la mid ah uu ku dhacaa qofkaasi waxaa markiiba loola cararaa cisbitaalka,daawadaa waxaa eey bedeshaa maqaarka jirka waxaa uu qofkaasi u ekaadaa sidii maska ama subxaanyada oo kale,waxaa uu Maquuste ku socdaa Morofin oo ah daroogo la dagaaleeysa xanuun walba oo jirkiisa la soo gudboonaado,hadaba Maquuste waxaa uu ku socdaa Morofin.xiligaan Maquuste waa naafo shaqana ma geli karo balse kuwa ayaa weli u haysta in uu wax qaban karo.
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe                                    Hirabe_a@hotmail.com  
 

 

_________________________________________________________