Guddoomiyaha Mudulood-ka waqooyiga Ameerika ( north America) Caaqil Haji Mohamoud Ali Jimale ( Koogaar), wuxuu dhowrkii billood ee la soo dhaafay aad ugu mashquul-sanay, sidii uu u xallin lahay khilaaf xoogan oo ka dhex aloosan Muduloodkii ka qeyb-galey shirkii Mudulood ee lagu qabtay Magaalada Rochester gobalka Minnesota June 15 & 16, 2007.
Khilaafka aloosan wuxuu yahay sidii Muduloodka ku nool waqooyiga Ameerika ( north America), looga soo xuli-lahay lix iyo toban ilaa labaatan (16 ilaa 20 ) xubnood oo noqota guddiga Muduloodka north America illaa shirka danbe ee Mudulood oo insha'allaahi dhici-doona June 15 & 16 2008.
Sannadka danbe 2008-ka Shirka Mudulood ( Mudulood Convention) waxaa lagu qaban doonaa gobal ka mid ah goballadda waqooyiga Ameerika ( North America) Insha'allaahi.
Guddoomiye Caaqil Xaaji Maxamuud Cali Jimcaale ( X. Koogaar) oo sumcad qaali ah ku leh bulshada Soomaliyeed dhexdeedda, waxaa loo rejeynayaa in uu ku guuley-san-doono xal u helidda khilaafka ka aloosan sidii loo soo xuli lahay xubnaha kor ku xusan.
Xaji Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minneosta.
CC: Ciddey Quseyso