MAXAA LOO DUQEEYAY SUUQ BACAAD IYO TOWFIIQ MUQDISHO SOMALIYA??

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 April 05/ 2007
 
Sababta su"aashaan leesu wey-diinayo waxay tahay, dadka degan Suuq Baacad iyo Towfiiq badankood 99% ma'aha Dawlad-diid mana haystaan Hanti dad leeyahay sida:- guryo, beero iyo deegaanyo  ee maxaa loo duqeeyay?.
 
Nasiib darro, jawaabtii waxay noqotay in la xaqiijiyay in Jufo yar oo ka mid ah beelweynta Abgaal Mudulood,   ganacsi waaweynna ku leh Suuq Bacaad inay la safatay kooxihii kacdoonka  iyo fawdadda ( chaos) ka wadey caasimada Soomaliya ee muqdisho, iyagoon wax ashtako ah u gudbin xubnaha labada gole ugu jira Hawiye amba Mudulood sida: Ray'iisul wasaaraha DFKM ah ee Soomaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi,  Prof. Cabdullahi Afrax,  Md Maxamed Maxamuud ( Gacma dheere) ,  Md Salaad Cali Jeelle,  Md Xaaji Imaam Hilowle Imaam Cumar  iyo  Md Cabdullahi Geeddi Shadoor iwm. Amba Mas'uuliyiinta beelweynta Mudulood sida:  Md Cali Mahdi Maxamed,  Dr. Xuseen Xaaji Bood  iyo  Md Xaaji Muxudiin Afrax iwm.
 
Waxaa aad loola yaabey markii Website-yada qaarkood lagu arkey shaqsiyaad beelweynta Mudulood magac ku leh oo dhalleeceyn, cannan iyo talo u soo jeedinaaya xubnaha labada gole ugu jira Mudulood iyo Mas'uulihiinta beelweynta Mudulood, waxaa habboon cidda aadan hureyn markii ay wax xumaadaan in aad la tashato inta aadan wax xumeyn.
 
Haddaba haddii duqeyntii  Suuq Bacaad iyo xaafadda Towfiiq cid lagu dhalleeceyn-naayo waa in dusha looga tuuro jufadii madaafiicda la beegsatay Ciidamaddii DFKM ah ee Soomaliayeed iyo kuwii Ethiopian-ka  ee ka hawl-gellaayay aagga Baar Ayan iyo Stadium Muqdisho.
 
Waxaa wax aad iyo aad looga xumaado ahaay dagaalkii afarta maalmood ee dhawaan ka dhacay caasimada Soomaliya ee Muqdisho oo ayaan darro gallaaftay Naf bani'aadam oo badan waxna aan galab-san, dhaawacyo xad dhaaf ah, bur bur hantiyeed iyo barakicii ugu badnaay 15kii sano ee la soo dhaafay.
 
Sidaas aawadeed, qofkasta oo Soomali ah lehna damiir bani'aadanimo, dhammaan Dawladaha  caalamka iyo hay'adaha caalaniga waa waajib saaran  u istaagida daminta colaadaan ba.an.
 
Laakin dadka ay weli ku jirto damac dheeridii  waqtigeedii dhammaaday waa inay ka tanasulaan kana ay baxaan guryaha dadka iyo kuwa Dawladda isla markaasna loo hogaan-sanaado awaamiirta DFKM ah ee Soomaliya ee lagu soo qeyb-sadey 4.5 Magaalada Nairobi ee Kenya.
 
 
Intaas haddii shacabka Soomaliyeed laga helo gaar ahaan shacabka ku nool caasimada Somaliya ee Muqdisho, Dawladu waa inay si deg deg ah Ciidamada AU da ee nabad ilaalinta u jooga Soomaliya gaar ahaan kuwa Dawladda Ethiopia waa in wadankoodii dib loogu celiyo.
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota.

jowhar53@hotmail.com

 

 

_________________________________________________________