IS-MIIDAAMANTA MUQDISHO IYO MURAADKA LAGA LEEYAHAY

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 July 06/ 2007
 
Waxaan wada ognahay in is-miidaaminta Muqdisho ka dhacda 99.9% kiiba lala beegsado xubnaha sar sare ee ka soo jeeda beesha Mudulood, oo ka mid ah beelaha Soomaliyeed ee fara ku tir-siga ah ee  ukala saaran yihiin far-qiga u dhexeeya  Haq iyo Baadil.
 
Ka dib, baaritaan dheer oo la sameey sababta loo ugaar-sanaayo Mas'uuliyiinta  sar sare ee ka soo jeeda Beesha Mudulood, waxaa soo baxday qisadii aheyd " baroorto ka weyn oor-giga" waxaana soo baxdey in aaney jirin neceyb shaqsiyaddooda loo qabo Mas'uuliyiinta kala ah:  Prof. Cali Mohamed Ghedi,  Prof. Cabdullahi Afrax, Salad Cali Jeele, Prof. Osman Dufle, Eng. Caddow, Maxamed Cumar ( M. Dhere), Xaji Hilowle Imaam, Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Cumar M. Filish, Abdullahi  Ghedi Shadoor, Mohamed Osman ( Dhagaxtuur), Nur M. M. ( Shirbow) ,Nur Dikhle, John Fidow iyo qaar kale oo badan.
 
 
Baaritaanku wuxuu muujinaayaa inay jirto Neceyb ba'an oo loo qabo beesha ayka soo jeedaan ee Mudulood oo loo arko inay hor taagan tahay, Dano qalaf-san oo ay Beelaha Soomaliyeed qaar-kood ka lahaayeen Soomaliya dhowrka Qarni ee soo socdey.
 
 
Baaritanku waxaa kaloo uu muujinaayaa in amarada Is-miidaamintu ka soo baxaan Mucaaradka ku nool Dawladaha Diris-ka la ah Soomaliya,  balse waxaa ah, wax aad looga argagaxo  in lahaqiijiyay  inay isku xirin yihiin,  kuwa bixiya amarka is-miidaaminta, kuwa fuliya iyo qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta sar sare ee DFMKS, waliba kuwooda ka qeyb gala warbixinta Dalka maalin kasta ( Nation Daily brief).
 
Waxaa jira warar aan lahaqiijin oo sheegaaya in la abaabulaayo Dagaalo ahliyeed dhex-mara Mudulood iyo Taageerayaasha DFKMS oo isku dhan ah iyo dhammaan wixii ah Dawlad-diid, sidaas darteed loo ugaar-sanaayo Geesiyaalka Mudulood, laakin kuwa fikir-kaan qaba waxay illow-san yihiin, dagaalkii sokeeye ee 1991kii, Mudulood waxaa  nolol looga qabtay lana diley Marxuun Geesi Ilaahay ha u naxariistee Mohamed Omar Calasow ( Calasow Dheere) Muduloodna waa la mukhuuniwaayey.
 
 
Haddaba, kuwa abaabulaaya Dagaal sokeeye, ee mar labaad ka dhaca caasimada Soomaliya ee Muqdisho, haka waantoobaano fik-raddaas qaldan, waayoo waa tii horey loo yiri " Dagaal Wiil ayaa ku dhinta ee Wiil kuma dhasho".
 
 
Ciddii wax tabaneysa, Cabasho ha u gudubsato DFKMG ah ee Soomaliyeed ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Cabdullahi Yuusuf Ahmed, Ra'iisal Wasaarane uu ka yahay Prof. Cali Mohamed Ghedi amba Xubnaha kale ee ku jira labada (2) Gole.
 
Ciddii wadata Riyo Maal-meed ( Day Dream) haku quus qaadato 16 sano iyo 7dii billood ee la soo dhaafay iyo dhac-dooyinkii Soomaliya.
 
Rabiyoow taageer Ciddii  Toosan, 17 sano noogu filan tac-baanimee.
 
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota.

jowhar53@hotmail.com

 

 

_________________________________________________________