Haddii aan-nahay Qabqablayaashii dagaal oogayaashii Muqdisho sidaan u wadnay Dawlad-diidnimo waxay nala gashey Muqaawama, wax ka sii xunna waa duugan yihiin ee waa in la taageero DFKMG ah, sidaas waxaa yiri xildhibaan Xaji Muuse Suudi Yalaxow oo ka qeybgalay shir beeleed lagu taageeraayay DFKMH ah oo dhowaan lagu qabtay hotel Lafweyn magaalada Muqdisho, Soomaliya.
Shir beeleedkaas waxaa kaloo ka qeybgalay Ray'iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Kmg ah ee Soomaliya Professor Cali Maxamed Geeddi, xubno ka tirsan labada Gole, siyaasiin, Aqoonyahano, Culuma'udiin, waxgarad, ururradda bulshada iyo duubab uu ka mid ahaay Imaam Maxamuud Imaam Cumar iwm.
Akhristow, arrinto macnaheetu ma aha in ay dhammaatay shiddaddii Soomaliya, mana rabo in aan argagexiyo ( panic) shacabka Soomaliyeed ee in ka badan 16 sano ku soo jiray shiddo shiddo bedesha balse waxaan ogsoonahay dhowrkii billood ee la soo dhaafay inay jireen ololayaan ba'an aad-na u xooganeyn oo ku saleysney xukun raadis ( power seeking campaign) iyo necbaasho loo qabo mas'uuliyiinta sar-sare ee DFKM ah ee Soomaliya oo ay wadaan aqoon-yahano Soomaliyeed oo aqoontoodu gaarsiisan tahay heer caalami ( Internation level) iyo Siyaasiin caan ah oo soo qabtay xillalka ugu sarreeya qaranka Soomaliyeed
.
Aqoon-yahanadaan Soomaliyeed iyo Siyaasiyiintaan caanka ah waxay ololahooda si xawlinimo ah uga wadaan waddamada dibada oo dhan gaar ahaan wadamada Mareykanka, U.K. , United Arab Emirate iyo Eretrea IWM.
Aqoonyahannadaan iyo Siyaasiyiintaan waxay hogaanka dalka niyeysteen markii ay qab-qablayaashii dagaal oogayaashii Muqdisho ka bexeen masraxa siyaasadda Soomaliya.
Siyaasiyiintaan caanka ah iyo Aqoonyahanadaan heerka caalami ah ee ololaha ugu jira hanashada hogaanka Dalka, waxay wax ku barteen wadamada reer Galbeedka, haddana badankood waxay wax ka dhigaan Jaamacadaha Mareykanka, qaarkoodna waaba hormuudayaal Jaamacadayaal ( Deans), waxayna awood u leeyihiin wixii ay rabaan inay ka dhaadhiciyaan hogaamiyayaasha Dawladaha waaweyn ee reer Galbeedka.
Cilladdu waxay noqon-doontaa mar allaale markii ay Kooxdaan hanato hogaanka Dalka Soomaliya, waxay oran doonaan " meelkasta oo Soomaliya ka mid ah ciddii doonta waa ka dhisi kartaa MASJID, sidoo kale ciddii doonta waa ka dhisi kartaa KANIISADO ( Churches)"
Markaasay billaaban doontaa masiibo hor leh oo ku saleysan DIIN ( Religion clash),Qab-qablayaan qorey waa quusteen, kuwa Qalin wax ku qoraa soo socda.
Dawladaha horuumaray, badankood waa ogol yihiin in waddankooda ciddii rabtana inay ku dhisato Kaniisad, ciddii rabtana Masjid balse Shacabka Soomaliya oo 100% isu haysta Muslim ma ogolaan-doono in qarnigaan 21 tanaad Soomaliya laga dhiso Kaniisado ee waa in marka hore la qaado afti ( referendum)
Runtii, arrinta Soomaliya waxay weli u eek tahay shiddo ka bax ee shido kale gal sida:
Dagaalada ba'an ee ka soconaaya caasimadda Soomaliya, dhibaatada haysata maatida uu barakiciyey dagaalka ba.an ee Muqdisho, si xunna ugu rafaad-san meel kasta ha joogaanee,
kuwii dhibka Muqdisho dhaliyay oo hadda dhahaaya " war maxaa ummadda loo dhibaayaa oo loo barakicinayaa?,"
Dawladda Ethiopia ood moodo inay dan gaar ah ka leedahay Soomaliya,
qaar badan oo fidno wadayaal ah iyo in yar oo sumcad fiican ku leh masraxa siyaasadda Soomaliya ( good reputation and talent) sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isugu tagey wadanka Eretrea, DFKMG ah oo markasta markey ka hadleyso Shirka dib u heshiisiinta qaran, waxaa hadalkeeda laga dhedhen-san karaa inay xaqireyso (despise) xubnihii qun yar socodka ahaay ee midowkii maxaakiimta ee laga itaalka roonaaday dhammaadkii sannadkii tegey, waxey DFKMG ah ku cel-celisaa xubnihii Maxaakiimta ee ahaay qun yar socod Shirka dib u heshiisiinta Qaran ha soo fadhiistaano ayagoo la socda beeshooda, Xubno ka tirsan DFKMG ah oo qalabka warbaahinta ka colaadinaaya shacabkii Soomaleed iwm, waxaas oo dhan waxay muujinaayaan calaamado mugdi ah ( negative symptoms)
Soomaliyey, si aan uga baxno dhibaatadaan ah, Shido ka bax ee shido kale gal, marka hore waa in aan u tawbad keeno Illaahay ( repentant to Alle) cafis guudna lees weydiisto Soomalida dhex-deedda, codsigana waa inayay billaabaan shaqsiyaadkii iyo beelihii billaabey shiddadda Soomaliya ,gaar ahaan shiddadda koonfurta Soomaliya qaasatan tan caasimada Soomaliya ee muqdisho, waana in laga waan-toobo fekradda qaldan ee dheheysa " Indho adeyg waa raasumaal, DFKMG Soomaliyeed waa inay xusuusataa xigmaddii aheyd "xusuustaa ma xariirsho" ee ha fiiriso xaaladda Xamar iyo xagaayaha Roobabka ee billowday, cabashada iyo codadka ka soo yeeraaya Maatiddii ka barakacday dagaalada ba'an ee Muqdisho.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota..