Dhammaan Jaaliyadaha beelweynta beesha Mudulood, meel kasta oo ay kala joogaan, gaar ahaan kuwa ku nool ( North America) waxaa la ogeysiinayaa in Bisha June 15 iyo 16 2007. Shir Mudulood lagu qaban doono.
Magaalada Rochester ee gobalka Minnesota waxaana shirku ka dhici-doonaa, 1625 South Bradway. La Quinta Inn & Conference Center. Rocheste, MN 55904.
Waxaana shirka looga wada hadli doonaa guud ahaan xaaladaha adag ee Dalku ku jiro iyo danaha beelweynta Mudulood Hiraab, sidii leesu waafa jilahey xalligaan adag.
Waxaa kaloo looga hadli doonaa sidii hogaan mideysan loogu sameyn lahay qurba joogyaalka Mudulood ee ku nool Waqooyiga Ameerika ( North America)
Muhiimada ugu weyn ee shirkaan loo qabanayo waa, sidii loo Taageeri lahay DFKMGS, Shirkii Mudulood ee dhowaan ka dhacey Lafweyn Hotel, Muqdisho, Soomaliya. oo uu ka qeyb galay W/R Prof. Cali Mohamed Geeddi iyo Imaam Mohamoud imaam Cumar.
Sidoo kale sidii loo taageeri lahay Shirka dib u heshiisiinta Qaran ee uu guddoomiyaha ka yahey Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.
Soo dhoweyn, dadaalka Dawladda Mareykanka aay ugu jirto sidii xal nabadeed Soomaliya loogu soo dabaali lahey.
Ka soo qeyb gal wacan, dhammaan inta qabta hadafka kor ku xusan.
N.B.
Waxaa dhici karta in Shirka Mudulood ee dhicidoona June 15 & 16, 2007 laga soo saaro go'aan ah in isla Magaalada Rochester MN. Amba Magaalada Minneapolis lagu qeybto Shirweyne ( Convention) isla Bisha June 17, 2007 oo ayka soo qeyb gelaayaan dhammaan Taageerayaasha DFKMGS, gaar ahaan kuwa ku nool Gobalka Minnesota ee Mareykanka iyo Gobalada ku dhaw dhaw.
Wixii Faah faahin dheerad ah ee ku saabsan Shirka Mudulood ee dhicidoona, insha.allaahi June 15 & 16, 2007. Fadlan la xariir:-
Xaaji Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com amba Guddiga Qaban qaabada Shirka ee
Rochester, MN.
wabilaahi Towfiiq
Rochester, MN.