Shirkaas Jabouti ku dhex-marey Dawladda Federaalka ee uu hoggaaminaayay madaale mideeye nabad-doon R/W Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Mas'uuliyiinta kor ku xusan, wuxuu Soomalidu meel-kasta oo ay joogaan bilaabeen ka had-lidda waxa fiican (optimism), meeshii awel 18 sano ku dhowaad looga hadli jirey waxa xun oo kaliya ,
Qurba-joogta Soomaliyeed waxay qireysaa inay dhab ka aheyd hadal uu dhowr jeer ku cel-celiyey Madaale Mideeye R/W Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ahaay " DFKMGS ka daali-mayso nabada Soomaliya inay u foosho geed gaaban iyo geed dheer"
Umad culeys saaran yahay, marka Rabbi ka qaadi rabo culeyskii, waxaa jira calaamooyin lagu garto, sidaas aawadeed wuxuu shacabka Soomaliyeed idid-diilo fiican ka filaayaa Heshiiskii eey dhowaan eey kala sixiixdeen Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo Wafdigii uu hoggaaminaayay Samata-bixiye Madaxweyne Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed oo ay-na ka mid ahaayeen Ra'iisul Wasaareha DFKMGS Prof. Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Baarlamaanka KMGS, Sheekh Aaden Madoobe iyo 400 ergooyin oo ka qeyb-galey shirkii dib u heshiisiinta Qaran ee beelaha Soomaliyeed oo lagu qabtey caasimadda Soomaliya ee Muqdisho bishii la soo dhaafay.
Gabagabaddii, laga soo billaabo heshiiskii DFKMGS iyo reer Xaaji Cumar Caddaan Caamir ku dhex-marey Wadanka aan Walaalaha nahay ee Jabouti iyo kan Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo DFKMGS eey dhowaan ku kala sixiixdeen Jeddah Sacuudi Carabiya, shacabka Soomaliyeed 95% waxey rumeysan yihiin inay dhammaatay shidaddii Soomaliya oo soo jiitamaysay ku dhowaad 18 sano.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota