IFTIINKA DAWLADNIMO HADDII UU DUMMO NIN WALBOW HAKU DEEQO DEEGAANKAAGA

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 Septem 24/2007
 
Nasiib darro, beryahaan danbeeyey waxaa aad iyo aad  looga soo deyrinaayay wada shaqeyn la'aan xooggan iyo khilaf ba'an oo soo kala dhex-gashey labada mas'uul ee ugu serreye DFKMGS Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKMGS mideeye  madaale Prof. Cali Maxmed Geeddi.
 
Khilaf-kaan cusub wixii ka horreeyey, shacabka Soomaliyeed 95% waxaa u muuqanaayay iftiin dawladnimo, haddasa arrinta Soomaliya waxay u eeg tahay"meeshii Cir laga filanaayay Ceer-yaamaa ka timid".
 
Warar kala duwan waxay sheegayaan in labaddeen (2) mas'uul, sii kala fogaadeen ka dib markii nin sheegtey inay isku heyb yihiin Cabdulaahi Yuusuf Axmed, horeyna u ahaan jirey Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu si bareer ah u af-lagaadeeyey Xukuumadda golaha Wasiiradda DFKMGS.
 
Warar kalana waxay sheegayaan in Xafiiska Madaxweynaha laga soo xigtey inay la Taliyayaasha Cabdulaahi Yuusuf kula taliyeen in uu bisha Oktoober 10, 2007, Iska bedelo  Ra'iisul Wasaarahan Aqoontiisu gaar-siisan tahay heer Professor, dibaddeedna uu beelweynta Hawiye ka soo xulo Ra'iisul Wasaare kobo qaad ah ( yes sir)
 
Iftiinka Dawladnimo haddii uu dummo nin walbow haku deeqo deegaan-kaaga.
 
Ha guuleysto qorshaha ah in is-maamul goballeed loo dhiso goballaddii leesku oran jirey Ex- Banaadir.
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester,Minnesota.

jowhar53@hotmail.com

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir