Anagoo ah Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika ( North America ) gaar ahaan gobalka Minnesota waxaan si diiran u soo dhoweyhaynaa una taageereynaa xilka loo magacaabay halyey Md Maxamed Cumar Xabeeb ( M. Dheere) oo ah Goddoomiyaha Gobalka Banadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ee Soomaliya.
Sidoo kale waxaan u soo dhoweyhaynaa hadalladda ka soo yeeraaya Ray'iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka KM ah ee Soomaliya Professor Cali Maxamed Ghedi, hadalladdaas oo ah " ma jiri doonaan wax aargoosi ah iyo Qabiil amba qof farta lagu fiiqaayo," waxaa kaloon ku amaaneynaa Xukuumadda Prof. Geeddi iyo Madaxweynihiisaba Md Abdullahi Yuusuf Ahmed daryeelladda kala duwan ee la sheegaayo inay u billawday Maataddii ka barakacdey dagaaladdii ba'aay ee dhowaan ka dhacey caasimadda Soomaliya ee Muqdisho.
Waxaa kaloon aad ugu bognay noona farxay geliyay haddii laga dhabeynaayo hadalka W/ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Md. Salaad Cali Jeele, hadalkaas oo ah " Dawladda ayaa mag dhebeysa wixii bilbilliqo ah oo dhacey 8 maalmood ee dagaalka ba'an ka soconaayay caasimadda Soomaliya".
TALO
Haddii aan nahay Jaalidyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika gaar ahaan gobalka Minnesota, inteynna ka gudubtay Qabiil ee u gudubtay Qaranimo jeceyl waxaan ku talihaynaa mar haddii ay Dawladdaan FKMG ah iyo Ciidammaddii taageeraayay ay ka guuleysteen dhammaan kooxihii la dagaalamaayey, waa in DFKM ah lasiiyaa fursad buuxda oo ay ku shaqeyso ee haddii ay wax wanaagsan sameysana lawada amaano haddii ay wax xun sameysana lawada Cambaareeyo, laakin fursadda lasiinaayo waa inay si weyn uga duwanaato fursaddihii lasiin jiray 16 sano ee la soo dhaafay Dawladdihii ka horreeyay Dawladdaan oo ku saleysney riyo maalmeed ( day time dream) waqtigaas waa dhammaaday sida ay la tahay, waxaa kaloon hal kaan talo ugu soo jeedihaynaa dhammaan warbaahinta Soomaliyeed ee gudaha iyo kuwa dibadaba gaar ahaan Websiyyadda kumiyey kalsoonida shacabka soomaliyeed ee loo yaqaano ( Websiyyadda Fadhi ku diriryadda waa inay isku dayaan inay soo ceshadaan sumcaddii warbaahineed)
Taageeraddaan iyo baaqaan waxaa soo wada saarey dadka kale ah:-
1. Caaqil Xaaji Maxamuud Cali Jimcaale ( Koogaar)
2. Garaad Maxamuud Jaamac ( Xaamuud)
3. Islaw Axmed Islaw
4. Cabdi Noor Abdulle (Goobe)
5. Dr. Osman Maxamed Sheekh
6. Md. Yaasin Xabeeb
7. Sheekh Cali Xuseen ( Jaras)
8. Boqor Xaaji Maxamuud ( Ayrish)
9. Eng. Cumar Sheekh Cali ( Xaafuun)
10. Dr. Maxamed Xassan
11. Md. Abdulle Hassan Nuurow
12. Dr. Cumar Yuusuf ( Dahab Shiil)
13. Dr. Mas'uud Sheekh Caamir
14. Md. Cabdirahman Sheekh Xasan
15. Md. Cali Ciise
16. Nabaddoon Cali Muxudiin M. Weheliye
17. Dr Axmed Maxamed Afrax ( Shutul)
18. Wariye Mukhtar Axmed( Katiitow)
19. Wariye Cabdifatax Maxamed Cabdi
20. Md.Cabdullahi Sheekh Axmed( Gacamey)
21. Sheekh Xasan Cali Calasow
22. Nabaddoon Xaaji Xuesen Jimcaale
23. Md. Suufi ( Brothers Grocery)
24. Xaaji Xasan Nuurow
25. Xaaji Cabdi Muuse Maaxey
26. Marwo Dahabo Hadaafow
27. Marwo Madiino Carey
28. Xaaji Muudey
29. Miss Hanifo Moallim Maxamud
30. Miss Raxmo Maxamuud Ghedi
31. Md. Mahdi Cali Mahdi
32. Md. Mazxamed Cabdi qaac
33. Md. Axmed-noor M. Farah ( Farjaano)
34. Md. Sheekh Nur Qaasim
35. Marwo Madina Maxamed Caddaan
36. Sheekh Cali Hilowle
37. Md. Cali Maxamed Sheekh
38. Md. Maxamed Maxamuud Ghedi
39. Mahad Maxamed Sheikh
40. Mahad Ahmed M. Sheikh
41. Md. Cabey Hiraabe
42.. Xaaji Maxamuud Ghedi Aw Hilowle
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota.