Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dawlada Federaalka Soomaliyeed Prof. Ali Mohamed Ghedi wuxuu billaabay olole xoogan ee dib u heshiisiineed ( Reconciliation campaign) sida kulankii taariikhiga ahaay ee uu Ra'iisul Wasaarihii hore Prof. Ghedi kula yeeshey Wadanka Jabuuti xubno aay ka mid ahaayeen ganacsatadda caanka ah ee Soomaliyeed sida Haji Abuker Omar caddan, Eng. Abdulqadir Mohamed Nur ( Enow), Ahmed Noor Ali Jimale, Bashiir Raage Shiirar, Mohamed Deylaaf iyo qaar kale oo badan.
Olola-haas oo meel fiican maraayey ayaa nasiib darro waxaa isku dhacey Madaxweyne Abdulllahi Yuusuf Ahmed iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Professor Ali Mohamed Ghedi oo aaqiritaankii keentay in uu iscasilo Ra'iisul Wasaarihii hore ee DFKMGS Prof. Ali Mohamed Ghedi oo aad loo jeclaay.
Iyadoo leys-weydiinaayay maxaa dhici-doona beer-kana farta lagu haayay cabsi laga qabay dagaal dhex mara maleesiya taabacsan Professor Ghedi iyo maleesiyo taabacsan Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed ayuu Madaxweyne Yusuf u magacaabey Ra'iisul Wasaare Mudane Nuur Hassan Hussein ( Nuur Cadde) oo ah siyaasi khun yar socod ah ( conservative)
Ra'iisul Wasaare Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde) wuxuu dur-baddiiba soo bandhigey fursad loo wada siman yahay ( equal opportunity) oo ah " Soomaliyeey Wadanka waa wada leenahay ee aan wada hadalno kana heshiino dhammaan wixii qilaafaada ee jira dabaddeedna aan keen-sano Ciidamo shishiiye ee lagu wada kalsoon yahay iskana saarno kuwa Ethiopia"
Muddo sideed iyo toban (18) sano ah waa hadalkii ugu macquul-sanay ee laga maqlo Ra'iisul Wasaare Soomaliyeed laakin waxay ku xiran tahay sida aay u arkaan kooxihii aay ka go'naan jirtay ma yeeleyno wax u dhexeeya " in aan wax gumeysano iyo in Soomali lawada gumeysto"
Fursadaan loo wada siman yahay ee uu soo bandhigey R/W nabaddoon Mudane Nur Hassan Hussein Nuur ( Cadde) haddii laga wada faa"iideysto qof-kasta iyo qoys-kasta ee Soomaliyeed ayey danni ugu jirtaa balse ciddii diidda fursadaan dhibka ka imaan doona meeshey kagasho ayaa laga gelidoonaa.
Ra'iisul Wasaare Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde) waa mudan yahay ( Nobel Peace Prize) ee Soomaliyey ha looga codsado adduun-weynaha.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester MN.
Welcome to Calayaale
Page
Sign kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Read
Akhriso
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota.