Ilo wareedyo laga helaayo gudaha iyo dibadaba gaar ahaan, waqooyiga Ameerika, Europe, Asia iyo Afrika, waxaay tibaaxayaan in shantii beri ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed, shantii meel isugu timaad, teleefon isku maqasha amba email@ isu dira , waxay ka sheekey-sanaayeen sheekada aay beryahaan qalabka warbaahinta isku dhaafsanaayeen Halyey Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo sheybka reer shaatiya badan Col. Sheekh Hassan Dahir Aweys.
seddex amba afar shantii qofoodba waxay aad u soo dhoweeyeen mowqifka labada Shariif oo ah" inaysan macquul aheyn in markasta la taagnaado sida aan wax u rabo haddii aan la yeeleyn wax kale Soomaliya kama socon doonaan"
Shacabka Soomaliyeed ee sida ba'an ugu harraadka qaba helitaan qaranimo Soomaliyeed iyo dabar goyn dagaalada soo jiitamaayey ku dhowaad 18 sano ayaa aad ula dhacey mowqifka cad ee aay qaateen laba Shariif iyo mas'uuliyiinta kale ee miisaanka culus ku leh masraxa siyaasadda Soomaliya.
Waxaa xaqiiq ah inaay laba Shariif iyo xubnaha kale ee ku mowqifka ah inaay mar labaad kasban-doonaan kalsoonida Shacabka Soomaliyeed haddii aay noqdaan mucaarid wax dhisaaya amba muxaafidiin feejigan, waayoo waxaa jira wax-yaala badan oo u baahan in wax laga qabto marka lagaaro xilligeeda ku habboon sida wadanka oo laga saarod Ciidamada Ethiopia, dastuurka oo wax laga bedelo iyo Shacabka oo loo ogolaado inaay soo doortaan Xildhibaano bedela kuwa hadda jira oo aan doorasho Shacabka Soomaliyeed ku imaan.
Waxaa muuqaneysa bidhaan ah in Shacabka Soomaliyeed gaarey biseyl siyaasadeed oo ah in la taageero waxkasta oo wanaag u muuqanaaya (good veiw) lagana gudbey riyadii aheyd haddii aan nahey heer hebel amba beel hebel Soomaliya oo dhan ayaan ku qasbi kareynaa wixii aan doonno.
Laba shariif sharaf ayaa u siyaaday shacabka Soomaaliyeedna sheekooyin cusub.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.