Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan magaalada Rochester ee gobalka Minnesota, intooda ka gudub-tay qabiilka, wax qariba ee u gudub-tay " Qaranimo jaceyl" waxay hanbalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan Xildhibaanyada xilkas-yada ah ee Baarlamaanka Soomaliyeed ee FKMG ah, kuwoodii yiri " xilligaan ma loo baahna Xukuumadda uu hogaaminaayo Prof. Ali Mohamed Geeddi in lala xisaab-tamo" aq-ligal-na ma'aha kubad Dawlanimo oo si dhib badan loo la soo dhaafay difaacyo adkey, Kubaddii oo hadda maraysa diilinta siyeed iyo tobanaad (18) ( linae diciotto) dib ha loo celiyo.
Waxay nala tahay inay Xildhibaanyadda xilkasiinta ah in ay gar-waaq-sadeen Xukuumadda uu hogaaminaayo Prof. Geeddi oo xilka sii wada inay tahay xalka Dalka ee xilligaan adag.
Waxaa kaloon aan hal-kaan hanbalyo iyo taageero buuxda uga direynaa DFKMS ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Abdullahi Yuusuf Ahmed, oo warar aad loogu kalsoon yahay ay sheegayen inay mar kale, Dawladdu CAFIS guud u fidisay dhammaan xubnihii qun-yar socodka ahaay ee ka tir-san-naan jiray Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaliyeed meel-kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibadab, wararku waxay intaas ku daraayeen in xubintii ka faa'iideysata Cafis-kaan guud ay DFKMGS wixii suuragal ah u fududeyn-donto xubin kasta sidii ay ula qabsan lahayd Siyaasadda Dalka ee xilligaan.
Jaaliyadda Soomaliyeed ee magaalada Rochester, Minnesota intooda jecel qaranimo iyo karaamihii Dawladnimo Soomaliyeed waxay si naxariis leh uga codsanaayaan DFKMGS inay fiiriso xaaladda Xabsiyadaha caasimada Soomaliya ee Muqdishu oo aad looga soo dayrinaayo, Dawladaha daneeya arrimaha Soomaliya iyo Hay.adaha caalamiga ah, waa inay ay ka cawinaan DFKMGS halitaanka qalabka lagama maar-maanka u ah Xabsiyadda.
Dhinaca kale waxaan kula talihaynaa kuwa shidadda iyo rabshadaha ka wada guud ahaan Soomaliya, khaasatan caasimadda Soomaliya ee Muqdishu inay sharuud la'aan joojiyaan shiddadda iyo rabshadaha oo ay ku quus-qaataan meeshii ay ku danbeeyeen hor-joogayaashii shiddadda iyo rabshadaha Soomaliya ka soo wadey 17 sano ku dhowaad.
Ugu danbeyntii waxaan halkaan hanbalyo iyo taagero ugu soo jeedihaynaa beeshii loo aqoon jirey" .5 amba ( others)" oo dhowaan loo aqoon-sada beel buuxda balse lees-weydiinayo magacee loo bixin-doonaa??.
Soomaliyey:-
" Is-waabsi socday 16 sano iyo 8 bilood waa ku daal-ney, ee Is-walaashi Soomalinimo maku fiirinaa???."
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota.