Somalida waxaa ku dhacday, inkaaro ama
habaar farabadan oo isugu tagay.
Inkaarta 1aad waxay kaga timid cadaalad la,aanta.
Inkaarta 2aadna waxay kaga timid
Haweenkooda & Caruurtooda.
Inkaarta 3aadna waxay kaga timid is dilka
xaqdarada ah.
Inkaarta 4aadna waxay kaga timid Laaluushka
weydintiisa & bixintiisa. Afartaas xaladood
ee aan soo xusay ayaa aas,aas u ah
dhibaatada baaxada weyn ee ku habsatay,
ummada Somaliyeed.
Ilaa ay ka waantoodo arimahaasina lagama
yaabo in ay caadi ku soo noqoto Somaliya.
(1) CADAALADA
Cadaaladu waxay ogu horeeysaa nolosha Qofka
Bani,aadamka ah oo hadii cadaalad lawaayo
waxaa laweeynayaa nabadgalyo, hadii
nabadgalyo uu Qofka Bani,aadamka ah waayona
wuxuu waayey noloshiisii qaaliga ahayd.
(2) HAWEENKA & CARUURTA
Haweenka Somalida ah waxaay qabaan, dhibab
tiro badan oo aan la koobi karin, kaas oo ay
caado u tahay in la dhibo haweenka Somalida.
Bal wax yar aan eegno arimaha dhibka badan
ee haysta Haweeneeyda Somaliyeed.
Intooda badan ma aha haween shaqeeya oo
gacantooda mishahar ay soo qateen ama xirfad
kaleba kaga ciil baxa oo waxa ay wax ka
sugtaa wuxuu ahaan jiray ninkeeda, kaas oo u
soo tuura hadba wixii uu doono, hadii ay
saluugto ama diido ama ay yara cabato oy
tiraahdo war reerka kuma fila ee sideen wax
yeelaa, waa la bureeyaa bur baa lala dhici
jiray meel ay u ciirsatona ma leh, hadii ay
gadaal jaleecdona gurigoodii ay ku dhalatay
ee ay ka timidba waa noocaasi oo Hooyadeed
ayaaba sidaas ku soo korisay
Ninkii lacagta inta uu jeebka gashto ayuu
ama ku khamaari ama ku Qayili ama hadba
muqaaxi kaga casheeyn isgoo kaligiis ah.
Intaas waxaa u dheer Haweeneeyda Somaliyeed
in ayadoo canug gacanta haysa midna uurka ku
sida midna dhabarka u saaranyahay in uu
nikii oo ama shaqo ka yimid ama khamaar ka
yimid ama Qayilaad ka yimid uu guriga
yimaado Qadadii oo yara daahday uu arko isla
markaas intoo boodo, meel walba jabiyo
Qadada yara daahday awigeed ileyn cadaalad
uu ka cabsado ma jirto,e ciil badaanaa maxay
sameeysaa.
Wakhtigan hada la joogane, waaba ka sii
dartay dhabaatada Haweenka Somaliyeed, oo
wax walba oo culeeys ah ayadii ayey isugu
tageen, masaariiftii reerka ayey ka soo
saaraan shah ay banaanada ku iibiyaan.
Markaasuu inta u yimaado xoog oga qaataa oo
uu rabaa wixii ay sidaas ku soo heshay in uu
ku Qayilo. Hadii ay u diidane bur buu la
dhacaa oo ka fara maroojiyaa ilayn Cadaalad
uu ka baqaayo ma lahane.
Halkaas waxaa ka soo booday inkaar wayn oo
ka timid Haweeneeydii & ilmaheediiba, taas
oo si toos ah ogu dhcday abayaalkii nuucaas
ahaa.
(3) ISDILKA XAQ DARADA AH.
Wuxuu ALLE swt Quraankiisa ku yiri, naftii
naf kale si xaqdaro ah ku disha jasadeedau
waa Jahannammo oo lagu waarinaayo.
Waxaad aragteen nin ama niman dilayo
nimuusan aqoonin ama aysan aqoonin oo aan
wax dambi ah oo uu kagalay aysan jirin
laakiin loo dilayo waa reer hebel.
kaasna Somalida waxaa kaga dhacday inkaar
weyn oo aan ka hareeynin ebad aduun &
aakhiraba.
(4) LAALUUSHKA, QOFNA BIXIYO QOFNA QAATO
Laaluushka wuxuu Somalida u noqday meel ay
joogtabo, wax u banaan oo xalaal u ah.
Waxaad ogeydeen in Laaluushka magacyo loola
baxay sida, hawl fududeeyn oo laga wada
isticmaali jiray xaafiisyada dowlada
dhamaantood, Hay,adaha kalana la bari jiray
isla markay dalka yimaadaanba
Waxaad ogtihiin hadii wadan Laaluush ka
hirgalo wadan, waxaa dhumaya cadaalada hadii
cadaalad dhuntana nolol waa dhuntay.
Ka soo bilaabato 1960kii Waxaan aragnay
Qabaa,ilo Somaliyeed oo u soo guuray Gobolo
ayan deegaan u lahayn, ka dibna ayagoo
adeegsanaaya magac Dowladeed ku degay
halkaasi, Canshuurtii dalkana ku dhistay
daaro Hoteelo, beero moos ah & Ganacsiyo
qaybo badan ayaga oo taasi u adeegsanaya
magaca, Dowladii Somaliyeed oo aan ahayn
Dowlad Somaliyeede, laakiin ah Dowlad Qabiil.
Hadaba akhristoow Daarahaasi & Ganacsigaasi
& maalkaasi sidaas ku yimid ee ahaa ,
Cannshuurtii Qof walba laga qaaday & wixii
kaalmo ahaa ee Caalamka oogu deeqay dhamaan
dadka Somaliyeed, oo hal Qabiil jeebka loo
galiyey oo dadka Somaliyeed u dexeeyey ma
xalaalbaa mise waa xaaraan?
Cudurka & Cadaalad la,aanta dadka Somaliyeed
hada ku dilaacay cardun ma aha ee wuxuu soo
biloowday 1960, wuxuuna dilaacay 1974kii.
Qofkaan garanin waa qushigiis.
Waxaayse su,aashu tahay sidee dadkaasi ku
xalaaloobayaan?
Mase doonayaan in ay is dhahiriyaan hada?
Mase ogyihiin in ay u baahanyihiin, in ay is
dhahiriyaan?