WAR SAXAAFADEED RASMI AH.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-04/09/2007
Ra'yi
 Septem 04/ 2007
Dahq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda
Waxaan halakn Ummadda Somaaliyeed Gudaha iyo Qurbaha joogta u soo
Gudbinaayaan War Saxaafadeed Rasmi ah kuna turjumaayaa Aaragtidda
Ururka iyo Dhacdooyinka Dhulkeena Ka Dhacaaya:-
 
 
      Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Cambaareeyn Culeeyskeeda
leh dusha uga tuuraayaan Maamulka Tigreega u Adeega ee Gobolka
Banaadir Madaxa ah wuuna Gudoomiyaha u yahay-Qabqable-M.Dheere
oo ah Gacan ku dhiigle mudan Maxkamadeeyn iyo Maamulka Ciidanka
Poliiska oo si cad Xaq darro ah u Xasuuqay Dhalinyaro Somaaliyeed
oo Dadoodu aad u yartay,ahna Mustaqbal Dalka,Hadalo aan Munaasib
aheyn Meeydoodkii kaga dul Khudbeeyeey,Abaal marin Lacageedna ku
Bixiyeey Dilkooda,Bal eega Sawiradda Meeydka Muwaadiniinta:-
 
 
          Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxee Masuuliyadda Xasuuqadaas
Dusha ka Saaraayaan Ciidanka Gumeeysigga iyo Meleeshiyaadka kuwa
Dowladda Sheeganaaya oo ah kuwo isku baheeystay Gumaadka Dadka iyo
Dhacidda Hantidooda,Waana arrin ayaan Daradeeda leh,Waxaa kalle oo
Masuuliyadeeda Beesha Caalamka oo Daawadayaal ka ah Dhibaatadda
Weyn oo Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed lagu hayo.
 
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Dhaliil iyo Dhaceen weyn u
soo gudbinaayaan Shir beeneedka loogu Magac daray Shirka Beelaha Somaaliyeed,kuna Dhamaaday Guul daradda iyo Fashilaada Weyn waana
Guul weyn oo Ummadda u soo Hoyateey,Maadaama arrintu aheyd Shir-
Qool iyo Habaabin Shacabka Somaaliyeed,Tallo iyo Aragti Gumeeysi
Duulimaadka ku heeysta Dalkeena Hooyo.
 
 
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo ka Turjumaaya Codka Muwaadinka
Xalaasha ah waxaanu Amaan.Bogaadin iyo Hambalyo u gudbineeynaa
Dalka Sweden gaar ahaan Magaaladda Hjällbo oo kala Noqdatay ama
Diideey Casuumad Rasmi ah oo uu Magaaladaas ku imaan lahaa Duqa
Magaaladda Midka lagu Sheeg-Gacan ku dhiiglle-M.Dheere,Waxaan
Halkan Mahad celin uga soo jeedineeynaa Muwaadiniinta Somaaliyeed
oo Door weyn Ciyaaray Cabashooyinka badana u gudbiyeey Maamulka
Magaaladaas,kuna guuleeystay in Booqasahdaas la joojiyo.
 
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku boorinaayaan Guud ahaanba
Jaaliyadda Somaaliyeed ee Cirafyadda Aduunku ku kala nool in eey
Tusaale Wanaagsan ka Qaataan Tallaabada Geesinimadda leh oo Qeyb
ka mid ah Jaaliyadda Sweden ku Baajiyeen Booqasahaas,ku dadaalaan
Mideeynta Codkooda iyo Cabashooyin Rasmi ah u gudbiyaan Masuliinta
Magaalooyinkooda eey ku diidaayaan in eey Booqasho ama Siyaaro ku
Yimaadaan Xubnaha Rajiimka Gacan ku Dhiiglayaasha Dalalkaas,La soo
Bandhigo Xasuuqyadda,Gumaadka iyo Tacadiyada Lidka ku ah Ummadda
Somaaliyeed iyo guud ahaan Xeerarka Caalamiga ah ee Illaaliya Xaqa
Iyo Xuquuqdda Basharka,Iyadoo la wadda ogyahay in kuwo badan oo ka
mid ah Rajiimkaas Gumeeysiga u adeega eey Heeystaan Dhalashada ama
Sharciyada Qaxootinimo ee Dowladda Badan oo Aduunka ka mid ah,uuna
Qabanaayo Nidaamka ama Sharcigga Dalalkaas ka Jirra.
 
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda
Iyo Cadaaladda.
-England-UK-31/08/2007-

Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________