RAMADAAN KARIIM UMMADDA SOMAALIYEED

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-13/09/2007
Ra'yi
 Septem 13/ 2007
Ramadaan Kariim Dhammaan Ummada Muslinka
ah ee Somaaliyeed waxaan halkan uga soo
Hambalyo diiran,Waxaan Raxmaanka ka
Rajeeyneeynaa in uu inoo hibeeyo Raxmada
Barakadda,Naxariista iyo Cadaab ka xoreeynta,In Allah inaga aqbalo Dhammaan
Cibaadada iyo Camalka Suuban,Dalkeena
Iyo Dadkeena ku maneeysto Nabadgelyo iyo
Guulo waaweyn oo farxadooda leh,Wadada
Kheeyr iyo Samaanta inaga toosiyo,Dalka
ka Saaro Cadoowga iyo heeryadiisa dhibka
weyn lehba-Aamiin.
 
 
 
 
 
      Bishan Barakeeysan awgeed waxaanu ku boorineeynaa Jaaliyadda
Qurba jooga ah in eey gacan gargaar,caawineed iyo taakuleyn wax ku
ool ah u fidiyaan Walaalahooda Somaaliyeed kuna tabaaleeysan Dalka
Gudihiisa,gaar ahaan kuwa laga soo bara-kiciyeey Degaamadoodii iyo
kuwa Dan-yarta ah kuna sugan guud ahaanba goboladda Dalka,caawinta
iyo isu gargaarida ayaa ah Waajibaad Diineed/Qarameed iyo Aqlaaqed
waana masuuliyad culeeyskeeda leh,Ajarkeeduna weyn yahay,Miisanka
si weyn u cusleeysa maalinta Xisaabta.
 
          Waxaan Allah ka rajeeyneeynaa in wuu Naxariistiisa,Shafaqada
iyo u gargaarida Shacabka Somaaliyeed oo ku hoos jirra Gumeeysiga
Wayaanaha iyo Kuwa adeegayaasha ah,kana qaado dulmiga,Dhibka iyo
Xasuuqa naxariis daradda oo lagu hayo Bulshadda daalan,Haweenka,
Ubadka iyo Waayeelka xadgudubka joogtada ah lagu hayo,loo diiday
Jiifka iyo nasashadda, si cad loo boobay Hantidoodii,afduubka iyo
Qafaalashada maalin walba loo geeysanaayo,ahna Muwaadiniin Xalaal
ah oo Dalkoodii ku sugan,cidna ku duuliin,cidna weeraro ku qaadin
laakiin lagu colaadinaayo Diintooda,Qaranimadooda iyo kheeyraadka
Dalkood dihin iyo Qabkooda  Weyn oo Somaaliyeed.
 
 
    Sidoo kalle waxaan Munaasabaas Hambalyo,Taageero iyo bogaadin
halkan uga soo gudbinaayaa Shir weyna Asmara iyo Golaha lagu
Dhisay-URURKA DIB U XOREEYNTA SOMAALIYA,Xubnaha Golaha Dhexe iyo
Gudoonka la dooran doono hadii Alle idmo,waana talaabo guusheeda
leh.Farxadeeda leh,Iftiinka Hogaanka Wanaagsan,daacad ah,dib u soo
Noolaanshaha Wada jirkii iyo Maqaamkii Karaamada iyo sumcada Dalka
iyo dadka Somaaliyeed,Guul u dhalatay guud ahaanba Muwaadiniinta
Somaaliyeed-Hambalyo,Hambalyo,Guul iyo Gobanimo Somaaliya.
 
 
 
-Ramadaanka Kariim-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 13.09/2--7-

Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________