Xasuuqa Ummadda Somaaliyeed Intee Socon Doonaa.
By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-06/04/2008
Ra'yi
 April  06/ 2008

 Anigoo ah Mudane Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab) kana mid ah bahda Qoraayaasha

Somaaliyeed ee Aaladda Internetka waxaan halkan ku soo bandhigaayaa dareenkeeyga gaarka

ah oo ku aadan Taciyadda xad dhaafka ah iyo gabood falka cad oo loo geeysanaayo Shacabka

Somaaliyeed, arrintaas oo xanuun weyn iyo wel wel joogta ah igu heeysa madaama aan ahey

Muwaadin Somaaliyeed oo damiir iyo dareen nool, dhibka walaalaheey heeystaa si toos ah ii

Taabanaayo, isla markaas wax qabadkeeyga iska Xadidaan tahay.

Dhibaatadda ka taagan guud ahaan Dalkeena hooyo,gaar ahaan Caasimadda Muqdisho iyo

Degaamadda ku xeeran waa qorsho diraasad cad ku saleeysan oo hadafkeedu yahay gumeeynta

Shacabka Somaaliyeed iyo qabsashadda Caasimmadda xudunta Qaranka iyo astaanta jiritaanka

Ummadeed kadibna la xalaaleeysto la wareegidda Dalkeena Hooyo(Somaaliya) waana mid waqti

dheer shaxdeeda la jeexaayeey eeyna ka dameeyaan Dowladaha Aduunka hor booda waqtigan

gaar ahaan Dowladda Mareeykanka Rajiinka Bush,laguna fulinaayo gumeeysiga bariga Afrika

Rajiimka kooxdda Wayaanaha Tigreegga iyo Cawaanta garashadu ka suusheey oo Somaalinimada

nala sheeganaayo(Rajiimka Ilma Doofaareey-C/Laahi Yuusuf hor boodo),Wadada la soo maray ayaa

ah Qabyaaladda cudurka dilaagga ah(Masiibadda Rabaanigga ah oo Somaalida heeysata-Ciqaabta).

Gabood falka heerka Xasuuqo ah oo ka socdda Caasimadda Muqdisho, Hiiraan, Sh/Dhexe iyo

Degaamadda ku xeeran  waa qorshaha Qeybtiisa koowaad oo hadafkiisu ahaa ama yahay in tirada

ugu badan Muwaadiniinta degaamadaas ku dhaqan la xasuuqo,la bara-kiciyo Hantidooda la boobo

Duhar cadna la Bililiqeeysto, Nin doorkana dil ugaarsi ah iyo xoriyad ka qaadis lagu boobo, Tacdigga

yaa gaareey heerkii ugu sareeyeey-Madaafiicda Itoobiyaanka, Gantaalaha ayaa degmo walba oo ka

mid ah Caasimadda gaareey-Baroorta iyo Tacsida ayaa guri walba taal, Isbitaaladda ayaa buux

dhaafay, dowaao la'aan iyo daryeel la'aan ayaa dhaawac heeysta, lama soo koobi karaayto heerka

Dhibaato gaarteey(Iska Caabintuna Heer Sarre oo Amaan Mudan).

Waxaan si Geesinimo leh halkan ugu Cadeeynaayaa in Masuuliyada Dhibaatadaas eey leeyihiin

Rajiimka Doofaareey oo eey Qabqablaha ka yihiin-Col-C/Laahi Yuusuf Yeey/Aden Madoobe iyo

Col-Nuur Cadde Iyo Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya Dhibku diiwaanka ayeey ku duugan yihiin guud

ahaanba Tacadiyada dhacay waana kuwo lagula xisaabtami doono Gacan ku dhiiglayaasha xiligan

ku Faraxsan dhibaatadda Ummadda Somaaliyeed, Waxaan halkan ugu soo jeedinaayaa Shacabka

Somaaliyeed gudaha iyo debedaba in eey la yimadaan isku duubni, wada jir Cududeed/Dhaqaalle

iyo Codba taageero buuxdana la siiyo Halganka lagula jiro gumeeysiga iyo cawaanta shaqaalaha

u ah, xaaladu meel xun ayeey mareeysaa, fadhigga ha laga kaco,hala tooso,Maanta waxeey taagan

tahay yaa Maali jirayeey-Somaaliyeey Toosa tuura heeryadda gumeeysiga iyo Rajiimka Cawaanta

Damiir-laawayaasha ah-Cawaanta caqligii ka Suuleey-Masuuliyadeenu waa Halganka,Gargaarka

Dadka tabaaleeysan iyo xoojinta Midnimadeena qaaligga ah(Wuu dhamaaday iyo Waayihii Keli-

Taliyaasha Qaaradda Afrika Iyo Xukuntii Qorigga ku Saleeysnaa).

-ALLAHA MAHAD LEH-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK- 01/04/2008-

-sharifhassan50@yahoo.com-

 
 
 

_________________________________________________________