Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada iyo
Cadaaladda
waxaan halkan ku muujinaayaan kuna cadeeynaayaan
sida aanu uga
Xunahay go'aanka lagu magacaabay Gacan ku dhiiglaha
weyn M.Dheere
oo lagu abaal mariyeey-Xilka Duqa Magaaladda
Muqdisho,kuwo kalena
Wadada ku soo jiraan-sida-Qanyare,Suudi,Xaaran ku
Naaf,Finish iyo
C/Walaal iyo Xubnihii La dagaalanka Diinta
iyo Xaqa.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo had iyo jeer soo
dhoweeya wixii
Wanaagsan maslaxada qarameed iyo danaha Ummadeed ku
jiraan,isla
markaana dhaceeya,dhaliila sida ku haboona u
Cambaareeya falalka
iyo Talaabooyinka qalafsan,waxaanu halkan ku
cadeeyneeynaa in uu
yahay Maxamed Cumar Xabeed(M.dheere)Dagaal
Ooge,Gacan ku dhiigle
ah, Xasuuqe,Gumaade iyo ku xadgudbe Xuquuqda iyo
xoriyada Dadka
Somaaliyeed,kana masuul yahay dhibaatada sida
gaarka ah uga dhacay
Caasimadda Muqdisho iyo Gobolka SH/Dhexe, Wuxuu
gacanta Gumeeysiga
Itoobiya u geliyeey Culimaa'udiin Somaliyeed,
Siyaasiyiin iyo kuwo
ahaa ama ka mid ahaa Saraakiisha Jabhada wadaniga
ah(ONLF).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey qiraayaan
in M.Dheere yahay
Dagaal Ooge,Dembiile Dagaal mudan yahay
Maxkamadeeyn iyo in la
hor-jeedo Cadaalad,lana saaro Maxkamad Heer Caalami
ah,ma qaadan
Kareeyno, aman ogolaan kareeyno in la abaal mariyo,
loona garto
Xil Qaran-Qabqablle cadeeysteey la dagaalanka
Diinta Islaamka iyo
Xaqa,lana shirkoobeey Sheeydaanka iyo xulafadiisa.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo ah Codka iyo
Damiirka Nool Dadka
Somaaliyeed weliba Wadaniyiinta Xalaasha ah waxeey
cadeeynayaan in
Magacaabida Xasuuqe-M.Dheer micnaheedu yahay in
Dalkeenu gacanta
u galay,hogaamintiisana eey wado Dowladda Addis iyo
Keli-taliye-
Zanaawi,kuwa Midabka Somaaliyeed leh ee Madaxda
lagu Sheegayaan
Yihiin Adeegayaal ama Kaba-qaadyo Khaayiniin
ah,lagu Dan-gaaraayo
waa Shakhsiyaad ku caan baxay-Damiir
laawe-nimo,Danimo xumo iyo
Garashada la'aan.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey cadeeynaayaan
in Ummadda
Somaaliyeed gashay xili madoow, ama la oran karo
weey gumoowdey
waana ayaan daro weyn,waxaana Masuuliyadee4da iska
leh guud ahaan
Shacabka Somaaliyeed,gaar
ahaan-Aqoonyanhan,Siyaasigga,Wadaadada
iyo Qofki waxgarad lagu tilmaami karoba,waayo
mudadii dheereeyd
ee Burburka eeyeey doorkoodii yo Masuuliyada
Qarameed oo Dalkooda
iyo Dadkooda ka saarneeyd dayaceen,Xaalada Maantana
waa mirihii
Dayaca,Garasho xumadda iyo kala daadsanaanta
Ummadda Somaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey dardar
gelinaayaan si weyna
ugu baaqaayaan sidii loo heli lahaa Maxkamad
Caalami ah oo u gaar
ah Dembiilayaasha Dagaalka Somaaliyeed-ilaga soo
bilaabo Xiligii
Rajiimkii Siyaad Barre,Burburka iyo Xiligan
Madoowba,Xaqa Umadeed
iyo Xuquuqda Basharka ayaa dhigaaya in lala
Xisaabtamo kuwa sida
weyn ama Xad dhaafka ah u geeysta Falal Dembiyed
lid ku ah Xurmada
Basharka-Diinta Islaamka ayaa qeexday,diideey
Dulmiga,tacadiga iyo
Fal Gumaad noocadiisaba kala duwanba. Xeerarka
Basharku dhigteena
ma ogola Xasuuqyada iyo Tacadiyada Xanuunka weyn
leh.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey u arkaan
Magacaabidaas mid
ku saleeysan ama eey ka dameeyso ujeedooyin
qarsoon,Dembi laga
Gelaayo Ummadda Somaaliyeed,laguna soo nooleeynaayo
Qabqablayaashi
Awoodoodi Maxaakiimtu Wiiqeen, Ummdda Xalaasha ahna
lagu gelinaayo
Xili cusub oo Dhibaatadiisa iyo murugiisa
leh,laakiin Geedi iyo
C/Laahi iyo Koobahooda-Zinaawi waxeey Illaaween
Awood iyo Xukunka
Raxmaanka,Tawakalkiisa,Isku duubni,niyad
samid,Dadaadal,daacadnimo
iyo Hogaamin wanaagsan oo qiiro iyo dareen
Wadaniyadeed leh ayaa
Guusha lagu gaari doonaa,weeyna Imaan Inshaa
Alle,Dadlkuna hanaan
Xoriyadiisa buuxda,Dadkuna Xurmadooda iyo Maqaamka
Sumcadooda.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 01/05/2007-
