Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo
Cadaaladda
waxeey si weyn u soo dhoweeyneeysaa Khidaabka
Diineed oo xaqa ah
wuuna jeediyeey Jimcihii la soo dhaafay 27/04/2007
Dalka Dooxa.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo qiraaya,
qadarinaaya si weyna
u xurmeeynaayaa Aqoonta Sarre,dadaalka,geesinimadda
iyo damiirka
Nool ee Fadiilat-Sh.Yuusuf El-Qaradaawi
oo ah Caalimka Diinta
Islaamka ama Culimadda Islaamka ugu caansan
xiligan,runta sheega,
Xaqa ku baaqa, Ummadaha Islaamka ku dhaqmida
Diintooda lu dhiiri-
Geliya,kana digga Acfaasha Sheeydaanka Aduunka ku
gaaf wareegaaya
duulimaadka weyna ku ah Ummadaha Islaamka.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si
Buuxdda u taageeraayaan, ula duuban yihiin
Aragtidda xaqa ah ee Sheekhu qeexay,ahna in
Dhibaatadda iyo tacadiyada loo geeysanaayo
Ummadda Somaaliyeed xiligan ka dameeyo oo
Masuuliyadeeda tooska ah leeyahay (USA)oo
tabanaaya dhibaatooyinkii iyo guul-daradii
ka raacday Duulimaadkiisii Somaaliya 1993-
kii iyo khasaarooyiinkii kaga dhacay,waana
Qorshe cad oo lid ku ah Guud ahaanba Dalka
Islaamka ah,waana Taxane dheer-bal
eeg-Ciraaq,Afgaanistaan,Libnaan
Falastiin,Kashmiir,Shiishaan iyo Hanjabaada
joogtada ah oo lagu
hayo Dalalka-Iraan iyo Suuriya,Itoobiyaankuna yahay
Wakiilka
Yuhuuda u fadhiya Qaaradda Afrika.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey
xurmeeynaayaan Aragtida xaqa
ah,runta ku saleeysan ee Caalamku qeexay, waa qoowl
geesinimadiisa
leh, una taageero buuxda ah iyo soo
dhoweeynba,anagoo rajeeyneeyna
in tusaale fiican la qaato, Culimaa'udiinka
Islaamkuna gartaan oo
gutaan Masuuliyada Diineed oo ka saaraan
Shucuubtooda,ka gilgishan
Tacadiyada,xadgudubyada iyo dhibaatooyinka lagu
hayo Dalalka iyo
Shucuubta Islaamka ah,anagoo ku amaaneyna qaar ka
mid ah Wadaadada
Somaaliyeed Fotwooyinka Dhiiri-gelineed iyo
Tusaalooyinka Qiimaha
weyn leh kuna Saleeysan Xaqa-Jihaadka.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan
Amaan,bogaadiin iyo
Salaan xurmadeeda leh uga gudbinaayaan Muftigga
weyn-Sh-Qaradaawi
Halyeeyga Dunida Islaamka,Waxaan rajeeyneynaa in
Ummada ama Dadka
Somaaliyeed weliba intooda Damiir nool iyo Qiiradda
Wadaniyadeed
leh in eey qaataan Dhiiri gelin iyo Tilmaamada
Sh.Qaradaawi oo ah
Xaqa is-difaacidda hadii duulimaad cad cadoowgaagu
kugu soo qaadan
Somaaliduna xaq u leedahay Halgan Muqaawamo
Jihaadeed,Kuwa Madaxda
Sheeganaaya lana duuban ama xulufada la ah
Cadoowguna Khaayiniin
waaweyn,kuna Ridoobeey Diintiooda Xanaafka ah iyo
Xurmada Dalkooda
iyo Xuquuqda Dadkooda,mudan la Xisaabtan iyo
Maxkamadeeyn Xaq ah.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda
iyo Cadaaladda Somaaliyeed.
-England-UK- 02/05/2007-
