Shebekad Cusub Oo Ahamiyadeeda Leh

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-02/06/2007
Ra'yi
 June  02/ 2007
Dagaalka Khasaaraha weyn keenay,naxdiintiisa leh,ayaan
Darada weyn leh oo ka dhacay Magaaladda Buuhoodle ama Degmadda
Dhex maray Dadka ama Beelaha Walaalaha ah waa dhacdo muragadeeda
leh,dhaawac dhiigiisu si Xoowli leh u quranaayo iyo Tallo Xumaan
Taariikhda geleeysa,eeyna Masuuliyadeeda tooska ah leeyihiin Dadka
Hogaamiyada Bulshadda sida-Hogaan Dhaqameedka, Culimaadu-diinka,
Aqoonyahanka,Maamulka Degaankaas iyo Jaaliyada Qurba jooga.
 
 
 
 
 
 
 
 
      Anigoo ah Mudane-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)Muwaadin
Somaaliyeed kana soo jeeda Degaamadda Beelaha Daraawiishta,si weyn
Uga Xun,Kana Murugeeysay Dhibaatadda Xanuunkeeda leh,Khasaaraha
Naf Basharka iyo Raadka Colaadeed oo ka Dhex maray Wlaalaha Dhabta
ah,Diinta,Dhalashadda,Dhiiga,Qaraabaddanimadda iyo Degaankaba sida
wadda jirka ah u Wadaagga,kuwa aan weligood kala maarmeeyn,Midigta
iyo Bixid ah(Degmadda Buuhoodle)Waxaan halkan ka soo jeedinaayaa
Baaq Nabadeed Deg-deg ah(Joojinta Dagaalka,Dhiiga Qubanaaya iyo
Colaada Aloosan),Anigoo u Rajeeyeey Guud ahaanba Ummada iyo Dalka
Nabadgelyo Buuxdda iyo Soo la Soo Noqoshadda Karaamadiisii,Xaqii
iyo Xuquuqdii Qarameedba.
 
 
    Waxaan soo jeedinaayaa in Caqligga la adeegsado,.Qiimaha nafta
iyo Xurmadda Alle siiye la garto,Dhaqanka wanaagsan la xeeriyo oo
Mudnaanta la Siiyo Wadda Dhalashadda iyo Ahamiyadda Nabadgelyada
iyo Xasiloonidda, in la Qadariyo Xeerarka iyo Curfiga Wanaagsan oo
Dadka leeyahay, in Tusaale fiican iyo waayo aragnimo laga qaato
Dhibaatadda dhacday iyo Culeeyska Khasaaraha Walaalaha,si shuruud
la'aan ah, degdeg ah loo joojiyo Dagaalkaas Cawaan-nimadda leh,
Waxaan Raxmaanka uga Rajeeynaayaa Dadkii Geeriyoodeey in uu Janada
ka Waraabiyo,inta Dhaawacana Caafiyo,Colaadana Halkaas ku Dhamaato
oo Caqligu Taliyo-Amiin.
 
 
    Waxaan Halkan Dhaliil Culeeyskeeda leh uga soo jeedinaayaa
Hogaanka Dhaqmeedka,Cuqaasha iyo Culimaa'udiinka Degaanka iyo Guud
ahaan Beelaha Daraawiishta oo Xalinta Arrintaas ku Fashilmay ama
Masuuliyadii la gudbooneeyd ka Gaabiyo,Masuuliyada Dhabitaadaasna
Qeyb weyn ku yeelanaaya.
 
 
 
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 02/06/2007.
-Qorre-Xassan C/Laahi(Xassan Carab)-
-England-UK-01/04/2007-
 

_________________________________________________________