Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda
Iyo Cadaaladda
waxeey halkan Cambaareen culeeyskeeda leh,kuna
saabsan Tacadiyada
Xad dhaafka iyo Xasuuqa Muwaadiniinta
Somaaliyeed loo geeysanaayo
lidka ku ah Xuquuqdda iyo Xoriyadda Basharka
iyo Shuruucdda Diinta
Islaamka iyo xeerarka Caalamiga ah oo eey sida
joogtadda eey ugu
Kacaayaan Ciidamadda Gumeeysiga Itoobiya iyo
kuwa Kooxdda Dowlad
ku Sheega ah.
Dhaq-dhaqaaqu wuxuu si weyn uga
xumaaday,uguna gilgilanaayaa
Talaabada falka Foosha xun,Tacadiga weyn ee loo
geeysteey Dadka
Reer B/Weyne(G/Hiiraan),laguna gumaaday Dad
madani ah oo isugu
jiray Caruur,haween iyo Dad Waayeelka si
nabadgelyo ugu sugnaa
Guryahooda,waana xadguduub qorsheeysan
ujeedadiisuna tahay Dhibka,
Argagax gelin iyo Duleeynta Muwaadiniinta
Somaaliyeed oo Xalaasha
ah,Iyadoo la wada ogyahay Ahamiyadda
Istiraatijiyadeed ee G/Hiiran
iyo Ahamiyadeeda Marin ahaaneed marka loo eeg
dhanka Taakuleunta
iyo isku xirka Ciidanka Gumeeysiga, B/Weyne waa
Xarun Taariikhdi
Dheer ku leh Halgankii Xoriyadda Somaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqu wuxuu sidoo kalle
Cambaareeynaayaa dilalka iyo
Tacdiyada Joogtadda ah oo ka dhacaaya
Caasimadda Qaranka Muqdisho,
Boobka iyo dhaca Hantiyada
Ummada,Afduubka,Qafaalashada iyo Weliba
Xanibaadda Dugsiyada Quraanka Kariimka ah iyo
Luqada colaadeedka
Masuulinta rajiinka oo ah mid Ummadda
Somaaliyeed sii kale fogeeyn
Naceeyb abuurid ah,Xikmad iyo Dareen
Masuuliyadeed midna laheyn.
Dhaq-dhaqaaqu Wuxuu Dhaliil iyo Dhaleeciin
weyn u soo geedin
Xubnaha Barlamaanka Sawirka ah ee Magaaladda
Baydhabo Maxaabista
ku leh.Lumiyeey Damiirkii,Dareenkii iyo
Qiiradii Wadaniyadeedba
daawadayaalna ka ah Dhibaatadda Ummadda loogu
geeysanaayo Magaca
Dowladeed Gumeeysiga Tigreeguna Hogaanka iyo
Qorshaha u hayo kuna
Fulinaayo Qalinka iyo Qolka kuwo Somaaliyeed
Sheeganaayo,Laakiin ah Adeegayaal,Gacan ku
dhiiglayaal,Xasuuqayaal,Xaaraan Quutayaal
ku ridoobeey Qarani-nimadii Dalkooda
Hooyo,sidoo kale waxaa la
Yaabkeeda leh Hanjabaada iyo Cadaadiska lagu
hayo Koox yar oo ka
Mid ah Barlamaankaas Fadhiidka ah oo Codkooda
Cabirra Sidda:-
Xildhibaanad-Drs-Caasha Axmed C/Dalle,Xildhibaanad-Xalimo
Caamir
Iyo Xildhibaan Jini-Boqor.
Dhaq-dhaqaaa Somaaliyeed wuxuu ku
boorinaayaa kuna dhiiri-
gelinaayaa Ummadda Somaaliyeed intooda
Damiirka.Dareenka Nool iyo
Qiiradda Wadaniyadeed leh,garanaayo qiimaha
Diintooda iyo Dalka
Hooyo,Midnimadda iyo Jiritaanka Ummadeed in eey
ku Dadaalaan oo
Gacmaha is-qabsadaan, kana dhiidhiyaan
Heeryadda Gumeeysiga iyo Tacadiyada Xadgudubeed,iskana Caabiyaan
Gumeeysiga,Codawga Weyn,
Soo jireenk ah iyo Xulafadiisa Adeegayaasha
ah,fulinaaya Qorsahaha
Dameerka Zanaawi iyo Gumeeysiga Cusub ee
Aduunka,Lana Duubtaan oo
Taageero buuxda siiyaan Golaha Mucaaradka
Somaaliyeed oo Shirkooda
Koowaad ka Dhici doono Asmara Caasimadda
Ereteriya Hadii Allah
Idmo 01/09/2007,Tiirarkana loogu Taari doono
Hogaanka Sare iyo
Qorshehooda Howl-galkoodaba.
-Fiiro Gaar ah:-Waxaanu Halkan Mahad-celin
uga soo gudbineeynaa
Weyn loo geeysteey.
-Allah Mahad Leh-
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda
Iyo Cadaaladda.
-02/08/2007-