Xubnaha Golaha Sheeydaanka(Waqtigoodu Wuu Imaan)

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-03/05/2007
Ra'yi
 May 03/ 2007
 
Hanaanka cusub iyo qaabka adeegsiga ee Dowladaha waaweyn la
soo baxaan waxaa ka mid ah xulashadda shakhsiyaad la jaan-qaadi
akraayo aragtidiooda ama lagu adeegsan karaayo,loona yaqaano kuwa
Caloosha u shaqeeystayaal ma Damiir laawa-yaal,waana kuwa xiligan
Madaxa ka ah Dowladahan:-Ciraaq,Afgaanistaan Iyo Dalka Somaaliya.
 
 
    Sawiraka halkan hoos ka muuqda waxaa ku mideeysan Xubnaha ama
Shakhsiyaad kaba-qaadayaasha ah,xubnaha Golaha Sheeydaanka oo hada
gacanta u geliyeey Dalkeenii Somaaliyeed Gumeeysiga Itoobiya iyo
Hogaanka Daaquutka sheeydaanka(USA)raxantaas oo u hogaamiyo Yey
oo si cad u sheegtay in uu yahay Sheeydaanka ugu weyn sheeydamada
Somaaliyeed,Raxantaas oo qabqablayaasha,Dagaal Oogayaasha, Xaraan
ku naaxayaasha,aabayaasha Xasuuqa,gumaadka iyo af-duubka Ummadda
Somaaliyeed,Waxeey mudan yihiin Maxkamadeeyn iyo in Cadaalada la
Hor-keeno,Ciqaabtooda la mariyo-Jeelna ku dameeyaan iyaga iyo kuwo
Kalle oo dhigood ah kana mid ah Rajiimkii Kacaanka iyo Shakhsiyaad
ka mid ah Jabhadii ka soo hor-jeedeyba iyo Qofkii Fal dembiyeed ka
galay Dalka iyo Dadka Somaaliyeed.
 
Mujrimiinta1.gif
 
 
 
Waxaa ayaan daro weyn ah in Xubnahaasu
Yihiin ama isku magacaabaan Masuulin Sarre,Wasiiro iyo Xildhibaano Qaran oo
eey yihiin kuwa wax laga weeydiinaayo
ama Aduunka ku maraayaan Magaca Qaranka,
waana kuwa Qaranka Somaaliyeed halkaas
dhigay,Xulka Damiir laawa-yaasha,xunaha
Garasho xuma-yaasha,Isu Taga Tuugta iyo
Xaraan quutayaasha,Adeegayaasha waaweyn
ee Gumeeysiga Itoobiya.
 
 
 Weey Imaan Cadaalad,Weey Imaan Maalin
aad shaleeyn doontaan,Ummadda Somaaliyeed si fiican u farxi doonan
Xaqoodana heli doonaan,been beentuna weey dhammaan Inshaa Alle,
Idiinka iyo kuwo noociina ah oo Maamulaha hor-booda,taladana ka
Qaata Keli-taliye-Zanaawi iyo Hormoodka Sheeydaanka,dib u dhac iyo
Curyaan badan Dadka iyo Dalkaba,Waxaan filaayaa in Ciqaabta heeysa
Ummadda Somaaliyeed tahay Taageeradda iyo la duubnida la siiyo
Raxantaas iyo dhigooda,Raxmaankuna waa Caadil,Xisaabtuna Saacadeed
Dulmiguna ma waaro,Guushana Xaqa ayaa leh,Gumeeysiga Madoow iyo Cawaankiisuna ma heeysan karaan Dalkeena,mana Najaaseen karaan
Karaamadeena iyo Ciideena daahirka,Jihaadkuna waa Xaq,waana mid
Waajib ah Maanta,Gudashadiisuna Muqadas,Muqadas,Muqadas.
 
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-02/05/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-
 

_________________________________________________________