Waxaan marka
hore salaan diiran oo xurmadeeda leh
halakan uga
soo jeedinaayaa dhammaan akhristayaasha
Somaaliyeed oo
sida joogtada ah u daalacda Maqaalada
iyo
Qormooyinka Wata Magaceeyga kuna soo baxa Wababka
Somaaliyeed
intooda badan,kuna saleeysan Danta guud,
Maslaxada
Ummadeed iyo Qadiyadda Jiritaankeedaba.
Taariikhdu
markeey aheyd 03/06/2007 waxaa mudane
Somaliyeed oo
xurmadisa leh ku soo dabacay Somaliweyn
Maqaal dheer
oo Cinwaankiisu ahaa:-Xassan Carab cidi(ciji) miyaa maal ka gashey
mise ciil sukeeya ayaa galay,Magaciisuna ahaa-Mahamaed
Adkeeste,dhaliilona
uga soo
jeedinaayeey Qoraaladeeyda faraha badnaa oo
uu qaarkood
soo xusay,Marka hore Aragtidiisa xormo
ayuu ku mudan
yahay,waana mid loo baahan yahay kala
Duwantaana
Aragtiyeed, Marka Xigana waa La yabkeeda
leh sida uu u
qaloociyeey Ahamiyada iyo Micnaha eey
Qormooyinkaasu
xambaarsanaayeen ugu saleeysan Beel
ama Qolo gaar
ah oo uu Naceeyb u Qabo(Qabyaalad ku
Saleeyn)iyo
Taladiisa ah in aan Taageero Gumeeysiga
iyo Raxanta u
adeegta,waana arrin naxdiinteeda leh.
Mudane-Qoraalku waa Risaalad,waa Masuuliyad waa
Arrin ku
saleeysan Ujeedo cad oo ah Danta guud dadka
iyo Dalka
Somaaliyeed oo aan ka Dhashay,Mudane waxaa
Agteeyda
Mudaan,Xurmeeyn,Qadarin,Sharaf iyo Maamuus
Gobeed ku leh
Qaranimadda,Jiritaanka iyo Hanashadda
Dowlad
somaaliyeed oo Xalaal ah,Hogaan Dacadnimo leh,
kana duuleeysa
Danaha Guud,Maslaxada dalka iyo Aragti
Somaliyeed,waxaana Cadeeynaaya sida Quraxda u Iftimay
Maqaaladeeyda
iyo Qormooyinka Xasan Carab,Ma aha kuwo
loo nisbeeyn
karaayo Qabiil,Qabyaalad,Cunsuriyada iyo
Cudurada
Waweyn oo Dadkeena Halkaas dhigay waana Alle
mahadii in aan
ku Muteeystay Qoraagii Sanadka 2006ka,
Calankaas ayaa
Maqaam Sare leh agteeyda,kuwana midka
Gumeeysiga
ayaa Lulaayaan, Hadalkuna kala Qalan,kala
Mudan
Xoriyadda iyo Gumeeysigu.
Laakiin
waxaa caad ah in eey Dadka Qaarkood ku
arkaan ma
dhibsadaan, maadaama lagu dhaliilaayo kuwa
Dalkooda iyo
Dadkooda khaayimay,kuwa Xasuuqayaa ama
Sida cad u
gumaadaayaa Shacabka Somaaliyeed,Gacan ku
Dhiiglayaasha
Maxkamadeynta Mudan iyo Taageerayaasha
Durbaanka u
garaacaaya,xumaan xeeriya,wanaaga diidan
iyo kuwa
Reernimadu qaadatay,Mudane Waxaan Diideey:-
1-Gumeeysi
Kaba u Qaadidda.
2-Taageeradda
Khaayiniinta.
3-Ku Farxidda
Xasuuqa Dadweynaha.
4-Colaadiinta
Diinta Islaamka.
5-Qabyaal;ad
Adeegsiga iyo Cunsuriyadda.
6-Daneeysiga
Gaar ahaaneed.
Mudane
Khadka aan doortay waan helay Guulihiisii
iyo abaal
marintiisiba,Hadafkeeyguna waa Danta Guud
iyo Gudashada
Masuuliyada Diinteed,Qarameed,Akhlaaqed
iyo Damiireed
oo iga saaran Dalkeeyga iyo Dadkeeyga,
Adiguna
Garashadaada iyo Khadkaaga,Taariikhduna weey
Qorri,weeyna
Xusi Qof Walbaa wanaag iyo Xumaan midkii
uu Muteeysto,
Allah Mahad leh,Rasuulkeenii(CSW) ayaa
Xurmo iyo ku
Dayasho leh,Somaalinimada ayaa Agteeyda ku weyn, Adiguna
Qabyaalada,Taageerida Gumeeysiga iyo
Durbaan u
garaacidda Khaayiniinta kuma heeysto,lakiin
Waxaan
Filaayaa Labadaas Khad kala Wanaagsan,Dadkuna
Waa
Markhaati,Wixii Xumaan ahna ka Raali ahoow.
Allah Mahad
Leh-
-Qorre-Xassan
C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-04/06/2007-