SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-05/07/2007
Ra'yi
 July 05/ 2007
Somaaliyeey Xoriyadu Qiimo weyn, qaalisanaa,miraheeduna
Macaanaa, Farxadeeda ,rey-reeyneedu iyo Damaashaadkeeda wacanaa,
Wajiyo farax badanaa, heesaha wadaniga iyo codka Fanaaniintu ku
haboonaa, babashada Calanku qurxoonaa, Dadkuna is jecelaa oo isku
Dhowaa,Ilaa waa munaasabadii Xoriyada,Madax banaanida,Qaranimadda
Qaaliga ee Dalkeena Hooyo 26Jun iyo 1Jullay-Hambalyo-Hambalyo.
 
 
      Markaas laga Soo gudbo ereyadaas macaan,hadalkaas wanaagsan
iyo qiimaha munaasabadda, bal maanta iyo xaalka Dalkeena hala eego
Goobta la yaalo hala eeg,dhibka,rafaadka iyo tacadiyada dhacaaya
hala eego,xanuunka iyo murugada Dalka iyo Dadka hala eego,47-sano
kadib halkee eeynu joogo hala eego,khasaaraha,dib u dhaca,burburka
iyo Dagaalka.colaada sokeye,Nabadgelyo la'aanta iyo ku hoos jirida
Heeryadda Gumeeysiga waa wax wax laga xumaado laga ooyo,qaran jab
iyo ku noqoshadda Gacanta Gumeeysiga cusub,lumitaanka Jiritaankii
Somaalinimadii iyo Dowladnimadiiba.
 
 
     Fanaanad weyn Wadaniyada Somaaliyeed-Xurmo badan Maryan
Mursal Ciise dhaaxeey Codkeeda qaaliga ku qiimaha dalka,ciida,
Calanka,Degaamadda,Bada kheeyraadku buuxa iyo maqaamka Wadda
jirka Ummadeed,weeyna ku mahadsan tahay,Maryan waxeey garatay
isla markaana gudateey masuuliyada Qarameed oo ka saaran Dalka
Hooyo,Allah ha kuu Siyaadiyo Garasho wanaagsan-Amiin,Sidoo kale
Waxaa Xusid Mudan-Xidigta Saado Cali,Fanaan.Bashir Cali Xuseen.
Jooqle,Maki Xaaji Banaadir,Abwaan-Ciyaar Jeceyl,Abwaan-Cabdi
Muxumud Amiin,Fanaan C/Laahi Boqol,Abwaan.Saalx Doonyaale iyo
Intii Garatay Masuuliyada ka saaran Dalkooda hooyo(Bahda Fanka
Iyo Sugaanta Somaaliyeed).
 
       Somaaliyeey Dalka inagaa leh,u dhalanay,una Dhimaneeyna,
Waa sheeyga uga Qaalisan Marka Caqiidada Diinteena laga Yimaado
waa halka Xudunteenu ku duugan tahay,waa hooygii kheeyraadka iyo
Nimcada Alle ku maneeysteey,Xoolaha,Beeraha iyo Badda Camiranba
waa Degaankii Wanaagsan,waa Dhulkeena Hooyo,Walaahi Dhulkeena
Hooyo,waana lama huraan,waxaa loo baahan yahay midnimo dhab iyo
Is duubni Ummadeed,wada tashi iyo hanaan Wada hadal xaq ah,lakiin
Marka hore in Dalka laga saaraa,laga Xoreeyaa Gumeeysiga Codowga
ku soo duuleey xoogna ku heeysta-Qushaashaha Itoobiya,kuwa keenay
waa Dembiilayaal Qaran,Taariikhda ka galay bog Madoow,Somaaliyeey
Xasuuqyadda,Gumaadka,tacadiyada,fara-xumeeynta,dhaca iyo Habka
Argagaxisnimo ee Bara-kicin Bulshadda Caasimadda ku nool waa arr.
Xanuunkeedana waana Qorshe Gumeeysi ujeedo dheer leh,Colaada iyo
Dagaal Jubooyinka waa Dhibaato abuurid hor leh,Somaaliyeed inta
lagu jira Qabyaalad u adeegid,Reernimo buunbuunid iyo kala foganta
Guushu inaga Dheer,dhibkuna waa sii badanaayaa,Somaaliyeed Caqliga
iyo Garashada wanaagsan hala kaashado,Diinteena Xaniifka ahna hala
Raaco,Qaranimadiina hala soo celiyo,Gumeeysiga Saaridiisa ha loo
Midoobo, Haloo Midoobo,Ha loo Midoobo,Guushuna Xaqaa leh,Somaaliya
Somaali baa leh.
 
 
 
Allah Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 05/07/2007-

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

_________________________________________________________