Maalin Madoow, Maalin Murugadeeda Leh.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-06/06/2007
Ra'yi
 June  06/ 2007
Maalin Madoow 05/06/1007,Maalin murugadeeda weyn leh,Maalin bog
Madoow ka geleeysa Taariikhda Ummadeena, Maalin uu ka gil-gisheey Muwaadinka
Damiir,Dareenka iyo Qiiradda Wadaniyadeed leh,Geesiyaasha Diintooda iyo Dalka
Qaaliga ah Maqaamkooda garanaaya, Khaayiniin,Kaba qaadayaasha,Dembiilayaasha
iyo Damiir laawayaashana Farxad iyo rey-reeyn u ah,Maalin lagu soo Xusuustay
Tixdii Wadanigii Somaaliyeed(Barkhad Cas)-Aan Ooyee Albaabka ii Xirra.
gumeytedekeddoon.gif
 
 
 
 
 
Maalinta uu Caga soo dhigay Ciideena daahirka iyo Dalka
Qaaliga ah, Injirlle-Qushaale,Qurunlle-Zinaawe Madaxa
Ciidanka Gumeeysigga Madoow ee Itoobiya oo Hada ku
jooga dhulkeena Duulimaad qaawan,Xadgudub cad iyo
gardaro cadaan ah,waxuuna jabeey Xeerarka Caalamiga
iyo Qawaaninta Aduunyada kala hagaayeey,isagoo ka
Wata Ogolaasho iyo khadka Caraagan Gumeeysiga Cusub ee Aduunka(USA) kuna
Andacoona ama qiilkiisu yahay waxaan caawinaayaa, u gargaaraaya Kooxdda ama
Ku Sheeganaaya Dowladda Somaaliyeed, laakiin ah Kaba Qaadayaasha Gumeeysiga
iyo Xasuuqayaasha Ummadda Somaaliyeed oo eey Hogaamiyaan-Gacan ku dhiiglle-
C/Laahi Yey iyo Cali Dabaal oo Mudan Maxkamadeeyn.
Maalin Madoow, Mugdi ah, Qoraxdii ka Maqnaatay Dalkeena guud
ahaanba, Dadkuununa ciil iyo cadho weyn galeen, Maalin Haweenka Geyaan la'aan
ku Dhacday, Maalin Wadanigu Fadhi iyo Harba diideey, Maalin Wadaadadu ku
Raageen Akhritan Asmaayiinka iyo Belaayo Xijaabka,Anigu ku Raageey Daabicida
Iyo soo saarida Qoraalada ku haboon,Maalin Muwaadiniinta Xalaasha ee Jaaliyada
Somaaliyeed ee England Qoraxdda Kuleelkeeda u adkeeysteen,Mudaaharaadna eey
ku Cabiraayaan Codkooda,Damiirkooda iyo Diidmada Gumeeysiga ku hor taagnayeen
Xafiiska Arrimaha Debeda Dalkan Boqortooyada Bareetaaniya oo uu ka Dhacaayeey
Shir Been been Somaaliya lagu Lugoonaayeey, Kaba Qaadyaduna ku farxaayeen.
 
 
       Ummadda Somaaliyeed inteeda Aqlabiyadda ah Xalaasha diidan Gumeeysigga
iyo Xulufadiisaba waxaan ku boorinaayaa laban laabka dadaalkooda, Midnimadooda
iyo Xoojinta Wax qabadkooda dhabta ah,iyagoo ka duulaayaa ahamiyada Diinta iyo
Dalka, Xurmadda iyo karaamadda Ummadeena, Hanashadda Hanaan Dowladeed oo
Hab Cadaaladeed, sinaan iyo Nidaam Xaq ah ku dhisan,waxaana mudnaanteeda leh
Wacyi gelinta Ummadda, ka fogaanshaha Qabyaalada iyo naceeybka dhaawaciisa
leh, Hogaan wanaagsan, daacadnimo, karti iyo Sumcad wanaagsan leh ayaa Dhibka
jirra looga Gudbi karaayaa, daneeysi iyo Qabyaalad adeegsi maya, dano dowlado
shisheeye maya,Qabqablle-nimo maya,Belaayo iyo xumaan oo dhan maya,maya,
Waxaa inala gudboon ka gudubka been beenta iyo fadhi ku diriirka,Faafinta iyo
Hirgelinta Dacaayadaha iyo waxyaabaha liita oo Dadka kala fogeeynaaya,Waxaana
Mudnaanta leh-Qiiro Wadaniyadeed daacad ah,run ah iyo Tawakalka Alle,Markaas
Guushu weey imaan, isku duubnimadda Ummadeed-Cudud iyo Dhaqaaleba iyo in
la helo Saxaafad iyo warbaahinta Wanaagsan, Xaqiiqadda baahisa,dadkana sida
ku haboon u wacyi gelisa.
 
      Waa Maalin Madoow, waa Maalin Murugadeeda leh, waa Maalin Naxdiinteeda
iyon Wal-walkeeda weyn leh,Laakiin waxeey Mideeyneeysaa Ummadda, dar-dar
gelineysaa Dadaalkooda iyo halgaankooda xaqa ah,kuwa badan oo dib isu dhigayeey
ayeey Wadadda Xaqa iyo Doorka Jihaadka iyo Halgabka ku soo rideeysaa, iftiin u
Noqoneeysaa kana saareeysaa Cuduradda dilaaga ah sida-Qabyaalada, Codoow u
Hiilinta iyo ku Ridoowgga Diintooda Xaniifka ahba- Allah Weyn Ninkii Aaminaa
Awood Leh.Somaaliya Somaali baa leh, Gumeeysiga Tigreega iyo Inta la
Duubana Guul darro iyo xumaan beey ku dameeyn,Ummada ku Ceeboobe,
Xisaabta Allena Meesheedda.
 
 
Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 06/06/2007-
 
 

_________________________________________________________