Amaan Iyo Bogaadin Gabdhaha Somaaliyeed(G/Edmilton Kenada) Iyo Shir.Diyaaraha African Ex-press.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-06/10/2007
Ra'yi
 October 06/2007
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda
Taageeraha, u hiiliyada Xaqa,Samaanta, Soo dhoweeyaha Talaabooyinka
iyo guud ahaanba Camal Wanaagsan,ku saleeysan Danta guud,Maslaxadda
Bulshadda Somaaliyeed, Howlaha Gar-gaarka,taakuleeynta, Caawinta iyo
Guud ahaan Adeegayadda Smafaleed.,Waxaan halkan ku soo gudbineeynaa
Dhambaal Amaan,Bogaadin iyo Mahad-celin ah.
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Si Xurmo weyn leh, Qadarin, Maamuus
Maqaam Sarre leh, Farxad weyn leh Waxaanu halkan Amaan.Bogaadin
Iyo Mahad-celin uga soo gudbineeynaa:-Gadhaha Jaaliyada Somaaliyeed
ee Kanadda Iyo Shirkadaha Diyaaradaha ee African Ex-Press oo Deeq
Raashin ah Gaarsiiyeey-Halyeeyada Somaliyeed-Naafada Xoogga Dalka
Somaaliyeed ku Jira Isbitaalka Martiini Muqdisho, Talaabahaas waxeey
ka turjimeeysaa Damiirka Nool,Dareenka iyo Qiirada Wadaniyadeed iyo
Garashadooda Wanaagsan oo Islaam-nimada Iyo Somaalinimada dhabta ah
ku Saleeysan.  Hadii anan dhulkaygoow
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu
ku Tilmaami karaayaa Talaabadaas Garasho iyo Gudasho Masuuliyadeed
ahamiyadeeda leh, Aragti iyo Camal ka soo maasdeey Caql iyo Damiir leh
Sifooyinka Wanaagsan, Caafimad qabka,Hufnaanta iyo Dareenka Xilka
ka saaran Walaalahooda Somaaliyeed oo ku tabaaleeysan Dalka Gudihiisa
sida weyn ugu baahan Gargaarkooda yo taakuleyntooda, Naafada Xoogga
Dalka waa Astaanta Geesinimadda, Xurmadda Wadaniyadda, Tusaale u ah
Gudashada Masuuliyada Koowaad oo ah Difaaca Dalkooda iyo Dadkooda
Hooyo, Naftood Hurayaasha ku soo Naafoobeey Xoreeynta Dhulka Weli
ku Jira Gacanta Gumeeysiga, Naafada Ciidanka Qalabka Sideey waxeey
Mudanyihiin Daryeel Heerka koowaad ah,Laakiin Dalkii ayaa Dayacan
Xiliggan.
Naftiihure   
   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku boorinaayaan Jaaliyadda
Somaaliyeed Qurba jooga ah ku dayashada Talaabadaas Wanaagsan iyo
Kuwa Noocooda ah, Iyadoo la wada ogyahay Duruufaha dhaqaale heeysta
Qeybo badan oo Bulshadda Somaali ah,Kuwa:-Barakacsab,Dan-yarta iyo
Agoomaha Somaliyeedba iyo Naafada Qaranka. Gaar ahaan Munaasabada
Ciida Barakeeysan oo fooda inagu soo heeysa, eeyna haboon tahay in eey
Farxadda, Damaashaadka iyo Rey-reeynteeda inala qeybsan.
 
   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu Raxmaanka ka Tuugaayaa in uu ku
Maneeysto Gabadhaha Jaaliyada Somaaliyeed Kanada(Gobolka Edmilton)
Caafimaad buuxa,Kheeyr badan iyo Guulo If Iyo Aakhriba,  Shirkadda
Diyaaradaha African Ex-Press Guulo Horumar Iyo Nabadgelyo joogto ah,
Shebekadaha  www.somaliweyn.com Weligeed Hormeedka Samafalka iyo
Howlaha Camalka Kheeyrka ah Inshaa Alle.
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda.
Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK-03/10/2007-

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

 

_________________________________________________________