|
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda waxeey si weyn
u Cambaareeynaayaan Hadalka
Masuuliyadda,Xurmadda iyo Miglo Gobeedka Ummadda
Somaaliyeed ka baxsan, lidka
ku ah hanaanka Wanaagsan ee Dhaqanka,af-lagaada cad
oo sida tooska ah loogu
abaarayo Qeybo ka mid Qoomiyada Somaliyeed oo xurmadooda
iyo Sharaftooda leh.iyadoo la
wada ogyahay in Dadku Walaalo yihiin.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed waxeey sidoo kalle Cambaareeyn Culeeyskeeda
leh
u soo gudbinaayaan Ra'iisal
Wasaaraha Mudane-Proff-Cali Maxamed Geedi,Wasiiradii
iyo Xildhibaanadii Goobtaas
joogeey oo la oran karaayo waxeey raali ka ayaan,kuna
Raacasanaayaan Gefka iyo
Af-klagaadada uu geeysanaayeey Mudane-Jeelle oo ah
Masuul Xil Qaran haya(Xil
ceebeeye),
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed waxeey Cambaareeynaayaan Cidii wadda ama
isku dayeeysa sidii kala
fogeeynta Ummadda Somaaliyeed iyo abuurida Xiisaha
colaad
iyo dagaal sokeeyaba hadii
eey Tahay Dowladda Federaalka Xubnaheeda Sare ama
Xubnaha Golayaasha
Barlamaanka iyo Xukuumada,Hogaan dhaqameedka iyo qeybaha
kalle ee Bulshadda.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed waxeey soo dhoweeyneeysaa
Baaqyada,Talooyiinka
iyo aragtidda wanaagsan kuna
saleeysan Danaha guud iyo maslaxada Ummadeed laguna
hanaan karaayo Nabadgelyo
buuxada,Hanaan Dowladeed oo cadaalad,sinaan iyo xaq
ku dhisan,,Midnimo buuxdda
leh,Taageeradda Aqlabiyaddana heeysata.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed wuxuu si weyn uga Xun yahay in Hadalkaas iyo
wax
la mid ah ka soo yeeraan Masuul ama Wasiir ku xigeenka heer Qaran ah-u
dhaartay
u adeegidda Dadkiisa iyo
Dadkiisaba,waana arrin la yaabkeeda leh,dhaawacday ama
si weyn u dhaawacday Maqaakii
Dowladda Federaalka ah,Sawir xuna ka bixisay kuwa
ah ama Sheeganaaya Masuulin,
Bal Dhegeeysta Hadalka Jeelle(Ceebta iyo Xumaanta
ka Buuxdda).
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud.
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
|