Garoonka Aden Cadde-Xurmeyn iyo Maamus Weyn.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-11/06/2007
Ra'yi
 June 11/ 2007
Alle Naxariistii Jano ha siiyo Xurmadle-El-Marxuum Aden Cade
Madaxeynihii ugu horeeyeey Qaranka Somaaliyeed,Halyeeygii weynaa,
Geesigii Somaaliyeed,aabihii Qaranka,Meydkii ayaa laga soo dejiyey
Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde-Magaciisa lagu Xurmeeyeey.
Geeridu waa axq qofna ma
dhaafaayo maalintii xaqa ah,waana cadaan,waana qiraayaa in Saacadu
Xaq tahay,laakiin dadku kala hormaraayaan,Halyeeyga weyna Saacadii
Jogitaanka Aduunyada eey Dhammaatay, Xurmo,Xaq-dhoowr iyo qadarin
Weyn ka muteeysay Dadkii,Ehel diin ahaa,Maqaam sare gaarey,Wadiyad
iyo Dal jeceyl ku caan ahaa,Xoriyadda iyo qaran-nimada door weyn ka soo qaatay,Kuna amaanan yahay.
 
     Runtii Aniga Xassan Ahaan waxaan si weyn u soo Dhoweeynaaya
Arrinta Magacaabida Garoonka Caalamiga ah Dayuuradha Muqdisho in
la Siiyo Magac halgeenka weyn El-Marxuum-Aden C.Dulle Cusmaan(Aden
Cadde),waana ku faray,waana Talaabo mudnaanteeda leh,Qadarin weyn
iyo Xurmeeyn uu mudan tahay Hayeeygu, Waan Dhaliilaa, si weyna u
Diidanay Heeryadda Gumeeysiga Itoobiyaanka iyo Duulimaadka Qawaan
oo uu Dalkeena ku jooga,una Ololeeyaa habkii looga saari lahaa,iyo
Hanaanka lagu heli karaayo Midnimo,Wada jir iyo Hanaan Siyaasadeed
hab Nabadeed ah oo Qeybaha Somaaliyeed dhex mar lagu saleeyo habka
iyo Hanaan Aragtidda Somaaliyeed,Danaha guud iyo maslaxada Qarank
ka reeban tahay fara-gelinta Dowladaha Shisheeye,si weyn uga xun
Dhibka weyn oo noocyada badan leh oo Ummadda Somaaliyeed gaareey
Xasuuqyadda,Gumaadka,Kara-kiciinta,Fara-xumeynta Haweenka iyo guud
ahaan Tacadiyadda-Af-duubka,Qafaalashadda iyo Qaraxa,Dilka Loo
Geeysanaayo Dadka Somaaliyeed, isla markaana Qiraaya Jogitaanka
Itoobiyaanka yahay Gumeeysi Cusub, Nidaamka jiraana Dhaliilihiisa
leeyahay, kana fog yahay Dadkiisa.
 
     Talaabo Wanaagsan,Farxadeeda leh ku magacaabidda Garoonka ama
ku xurmeeynta Geesigga Somaaliyeed-El-Marxuum-Aden cadde,waana soo
Dhoweeynaayaa Talaabadaas,waxaana u soo jeedinaaya in Ummadu sidda
ku haboon u maamusaan Duugta ama Aaska Aabaha Qaranka,inkastoo eey
Jiraan Dhibaatooyin badan iyo caqabadda Dalka gudihiisa ka jirra
iyo Xiisado Colaadeed oo ka aloosan waqtigan, joogitaanka Itoobiya
Dhibaato weyn yahay, hadana waa in la weyneeyaa Xurmadda Marxuumka
iyo Maqaamkiisaba, Naxariistii Jano Alle ha siiyo-Aamiin,Aamiin,
Aden Cabdulle Cusmaan Somaali dhab ah,halyeey Qaran,Geesi Baal
Dahab ah ka galay Taarikhda Somaaliya, afrika iyo Aduunka oo dhan.
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 11/06/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com

Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________