WAR SAXAAFADEED.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-12/04/2007
Ra'yi
 April  12/ 2007
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed ee Nabada,Midnimada Iyo Cadaalada waxeey
Soo dhoweeynaayaan Go'aanka hor-dhaca ah oo eey soo saaran Kooxda
Deeq bixiyaasha oo Shuruudo adag ku xiray bixinta Dhaqaalaha loo
qoondeeyeey Shirka lagu sheegay-Dib u Heshiisiinta Somaaliyeed oo
dhici lahaa 16/04/2007-,laakiin dib loo dhigay,shuruudaha waxaa ka
mid ah:-
 
 
1-In Guud ahaanba la soo af-garo Sharciga Xukunka Deg-dega ah oo
hadda ka jirra Dalka Somaaliyeed, awooda xad dhaafka ahna lagu
Siiyeey Madaxweynaha,Lana oran karo waa hganaanka Siyaasadda ama
Habka Keli Talisnimadda.
 
2-In La Ogolaado in Baaritaan Rasmi ah oo Heer Caalami ah lagu
Sameeyo Falalka Xadgudub,Xasuuqyadda iyo falalka Tacadiyada loo
geeysteey Dadka Rayidka ah ee Somaaliyeed,gaar ahaan kuwa Muqdisho
ku Dhaqan,eeyna geeysteen Ciidanka Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda
Federaalka ah,Sidda:-
*Dilalka Xad dhaafka ah(Xasuuqyadda).
*Weeraradda Waaweyn oo Degaamadda Rayidka ah lagu qaaday.
*Bara-kicin iyo Argagagx gelinta Bulshadda.
*Af-duubka ama Qafaalashadda loo geeysteey-Culimaa'udiinka iyo
Aqoonyahanada Somaliyeed iyo Dadka loo nisbeeynaayo Teegerayaashii
Maxaakiimtii Islaamiga ah.
*Fara-xumeeynta loo Geeysteey Haweenka Somaaliyeed.
*Burburka loo geeysteey Handidda Ummadda.
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda
Waxeey ugu baaqeeysaa Ururadda Caalamiga ah ee Dhanka Illaalinta
Xuquuqdda iyo Xoriyadda Dadka in eey Masuuliyadooda sida ku haboon
u Gutaan,qaadan Ololle xoogaan oo Cadaalada lagu hor-keenaayo kuwo
loo arkaayo in eey geeysteen ama ku kaceen Falal Dembiyeedha heer
Caalami ah(Dembiyo Dagaal)oo ka soo hor-jeeda Nidaamka iyo xurmada
Basharka.
 
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ugu baaqaayaan Jaaliyadda
Somaaliyeed ee Qurba jooga ah in eey Sameeyeen Banaan baxyo eey
ku muujinaayaan,kuna diidan yihiin Falalka Xadgudub iyo Gumaadka
eey geeysanaayaan Ciidnaka Gumeeysiga Itoobiyaanka iyo xoogogga
Dowladda Federaalka,Aduunkana Codkooda gaarsiiyaan.
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 12/04/2007-

Muqdisho soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de

Webmaster@calayaale.com

 

 

_________________________________________________________