Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo
Cadaaladda
iyagoo ka duulaayaa Danaha guud iyo maslaxada
Qarameed,Masuuliyada
Akhlaaqeed oo ka saaran Dalka Hooyo iyo
Dadkeenaba,waxuuna halkan
ku cadeeyneeynaa si cad oo dhaq-dhaqaaqu u soo
dhoweeynaayo una
taageersan Olollaha Siyaasadeed,wacyi gelineed
oo eey sida wadda
jirka ah u wadaan Siyaasiinta Somaaliyeed oo
damiirka,dareenka
Nool iyo Qiirada Wadaniyadeed leh uuna
Hormoodka ka yahay-Mudane-
Proff-Cali Khaliif Galeyr.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si weyn
ula duuban yahay,la
mideeysan yahay aragtidda Wadaniyadeed,hanaanka
xaqa ah iyo habka
Siyaasadeed oo toosan kuna saleeysan Danaha
guud iyo Maslaxadda
Ummadeedba,hanaanka lagu gaari karaayo
hanashada Dib u heshiisiin
Rasmi ah,loo wadda dhan yahay, aragtida iyo
rabitaanka Somaliyeed,
Waxaanu ku baaqeeynaa in Risaalada
Siyaasiyiintaasu gaarto Guud
Ahaanba Ummadda Somaaliyeed(Gudaha iyo
Debedaba).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey u arkan
in Olallahan Wacyi-
gelineed oo eey Wadaan Siyaasiyiinta
Somaaliyeed yahay arrin wacan
oo Ahamiyadeeda leh, loona baahan yahay in la
laban laabo,sida ku
Haboona loo taageero, si meesha looga saaro
Cudarka iyo cuqdada ku
kala dhex jirta Dadka Somaaliyeed oo eey
Abuureen Gumeeysigga iyo
kuwa u adeega, Dhibaatadda iyo Belaayada la
kala dhex dhigay Dadka
Walaalaha,Dhiig wadaaga ah,anagoo si weyn u
Tixgelineeyna Aqoonta
iyo waayo raganimada weyn oo Siyaasiyiinta
qaarkood u leeyihiin
Dhibka ka jira Dalkeena iyo Ujeedooyinka ka
dhameeyaba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu ku
bogaadinaayaa Siyaasiinta
Wadaniyiinta ah iyo Bulsahada Damiirka nool leh
in eey la yimadaan
Hanaan Iskaash,wada jir iyo Midnimo Somaaliyeed
oo dhab ah,Codkana
sida ku haboon u cabiraan,Caalankna
gaarsiyaan,Waxaan halkan Amaan
iyo Maha-celin uga soo jeedineeynaa Gudiyada
Magaalooyinka;-Lesta,
Birmingham Iyo London si wanaagsan heerka sare
ah oo eey u soo
Dhoweeyeen Kooxdaas Siyaasiyiinta ah,waana
arrin ka turjumeeysa
Bileeyska Siyaasadeed iyo Dareenkooda
Wadaniyadeed ee Jaaliyadda
Somaaliyeed ee Magaalooyinkaas(Hambalyo).
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 12/04/2007-