Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,
Midnimadda iyo
Cadaaladda Illaaliyaha heeganka u ah
difaaca Dalka Hooyo,
dhoowraha Xuquuqda Muwaadinka, xoojiyaha
tiirarka Wada
Jirka iyo Midnimadda Ummada
Somaaliyeed,Diidaha Heeryada
Gumeeysiga iyo guud ahaanba fara gelinta
Shisheeyaha.
Dhaq-dhaqaaqu wuxuu Taageeraayaa sida
ku haboona u soo
Dhoweeynaayaa Baaqa Ergeyga Xoghayaha
Guud(UN-ta) Arri.
Somaliya u qaabisan Mudune-Ahmed Ould
Abdalla,soo jeediyey
In la Abuuro Maxkamada Caalamiga
Dembiilayaasha Somaliyeed
Maadaama Dalka eey ka dhaceen Tacadiyo
Xasuuqyo waaweyn
oo la mid ah kuwii ka
dhacay:Bosniya.Ruwanda iyo Dalka Ciraaq
lagama maarmaan tahay in Cadaalada la
hor-keeno Masuulintii
ama Qabqablayaasha iyo guud ahaanba Gacan
ku dhiiglayaasha
Somaaliyeed oo liiskoodu dheer yahay.
Ergeygu wuxuu qirayaa kuna
cadeeyeey
War-bixintiisa in Dalka
Somaaliyeed ka dhaceen weli ka socdan
Xadgudubyo ku lid ah Xuquuqda
Bani-aadamka,ka xanuun weyn
kuwa ka dhacaaya Gobolka Darfuur
ee Dalka Sudaan,Caalamku
Indhaha ka qarsaday,waana mid
Taariikhdu qori doonto.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo
dhoowr jeer ku baaqay helida
ama abuurida Maxkamada
Dembiilayaasha Somaaliyed wuxuu u
arkaa Talaabadaas guul weyn oo u
soo hoyateey Muwaadinka
Somaliyeed, dhibanayaasha iyo inta
Cadaalada u ooman,waana
Arrin farxad gelisay dhammaan
Wadaniyiinta iyo gacantoodu
Dhiiga iyo Dulmiga Dadweynaha
Nadiifta ka tahay,waana mid
si weyn uga nixisay Dhammaan Gacan
ku dhiiglayaasha meel
kasta oo eey joogaan,
Dhaq-dhaqaaqu wuxuu diyaar la yahay
Gacan ka geeysashada Arrintaas.
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed waxeey
ku boorinaayaan Ergeyga
in wuu arrintaas ku dadaalo ka
dhabeeynteeda,Taariikhadna uu
ka geli doono bog dahab ah,Ummadda
Somaliyeedna ma illaawi
doonto abaalkiisa, waxaan ka
Codsaneeynaa Ururada Caalamiga
ah ee Arrimaha Xuquuqda Dadka,
kuwa Wadaniga ah iyo guud
ahaanba Wadaniyiinta Somaaliyeed
in eey arrintaas gacan weyn
ka geeystaan, gutaan
Masuuliyadooda Qarameed Dalkooda ka
Saaran iyo hiilka Ummadoodu uga
baahan tahay, Inshaa Alle
weey Imaan Maalinta Xaqa iyo
Cadaaladu sida qoraxda u shaaci
Qof walba lagu abaal mariin wixii
uu falay wanaag iyo xumaan
Inshaa Alle.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan
Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK- 14/11/2007-
Webmaster@calayaale.com