Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaalada
Codka,Damiirka
Nool iyo Caqliga Ummada Somaliyeed
oo Wadaniyiinta
Waxaay halkan
ku soo gudbinaayaan Taageerada
buuxda,Bogaadinta iyo
Hambalyo kal
iyo laab ah oo eey u diraayaan
Ururka lagu Dhisay
Shirkii
Asmara-URURKA DIP U XOREEYNTA IYO
SOO NOOLEEYNTA SOMAALIYA
iyo qaab
dhismeedka Golayaasha
hogaaminta,Sida Doorashadda:-
1-Sh.Shariif Sh.Axmed Gudoomiyaha
Ururka,Isla markaana ah Gudoomiyah
Gudigga Fulinta.
2-Shariif Xassan Sh.Aden Gudoomiyaha
Golaha Dhexe.
2-Doorashadda Xubnaha Golaha Dhexe
ee Ururka.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed waxeey qiraayaan in
maanta Ummadda
Somaalioyeed ee
Xalaasha ah yeelatay Ururka
weyn,Awoodiisa leh,
Hogaan Daacad
ah
leh,Culimaa'udiin,Aqoonyahanada,Siyaasiyiin,
Qurbaha Jooga
Iyo Shakhsiyaad Maqaam iyo Sumcad ku
leh Dalkeena
Hooyo,Diidan
heeryada Gumeeysiga iyo u adeegida
Wayaanaha,u taagan
Xoreeynta
Qaranka iyo soo nooleeynta
Jiritaankii iyo midnimadii
Dalka iyo Dadka
Somaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed wuxuu halkan ku
cadeeynaayaa in uu
Dadka
Somaaliyeed Qoraxdii Xoriyada iyo
Karaamo soo celintan u soo
Baxday,Dulmigii,Tacadigii,Xasuuqyadii
iyo Qabyaalad adeegisigii
Waqtigii
Suulay,14/09/2007-Maalin Baal Dahab
ah ka geleeysa Habka
Taariikhda
Cusub ee Xaqa iyo Runta ku Saleeysan
oo Dalkeenuu
Yeelan
doono-Hadii Alle Idmo.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaliyeed wuxuu u Xaqiijinaayaa
Beesha Caalamka
Ururadda
Umadaha u dhexeeya sidda-Qaramadda
Midoobeey,Midoowga Yurub,Midnimadda
Afrika,Jaamacadda
Carbeed,Shirweynaha Ururka
Islaamiga,Bahweynta Dhex-dhexaadka
ah iyo Urur Goboleed Igad in
Aqablabiyada
Ummadda Somaaliyeed oo ku kala
Sugan-Qaaradaha Yurub
Afrika,Aasiya,Austaraaliya,Mareeykan
si toos ah ula duuban yihiin
Ururkaas
Cusub,Islamarnaana uu yahay midka
Codkooda Metelaaya.
Dhaq-Dhaqaaqa
Somaliyeed wuxuu ku boorinaayaa
Jaaliyada Qurbaha
Joogta in eey
gutaan Masuuliyada Qarameed iyo
Akhlaaqeed ka Saaran
Dalkooda iyo
Dadkooda ku hoos jira Gumeeysiga
Tigreega(Wayaanaha)
Iyo Raxanta u
adeegta oo ah Qaran Dumiyaasha ku
caasi garoobeey
Dalkooda Hooyo
iyo Xurmadda Ummadoodaba,Waxaa loo
baahan in la
Muujiyo
Taageerada buuxda,Ayidaada iyo si
weyn ula- uubanahay
Ururka Dip u
Xoreeynta Somaaliya iyo Hogaankiisa
Sare,Mudaaharaad
Baaxadooda
leh,Cabiridda Codkeena Xorta ah iyo
Gaarsiinta Aduunka
Qadiyadeena
Xaqa ah,Diidmadda
Gumeeysiga,Qabsashada Dalkeena iyo
Tacadiyadda,Xasuuqayadda,Fara-Xumeeynta
iyo Xadgudubyada badan oo
Bulshadeena
lagu hayo.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed wuxuu ku soo
Gunaanadaayaa Baaqan
Dardaraankana:-Somaaliyeey Garta
Masuulidiina Qarameed sida ku
Haboon u
guta,Somaaliyeed Garta Qiimaha
Xoriyadda iyo Jiritaanka
Qarameed,Somaaliyeed Garta Ahamiyada
Weyn oo Midnimadda Iyo Wada
Jirka,Somaaliyeey ka Gudba Xumaanta
iyo Cudarka Qabyaaladda iyo
Naceeyba
Dhexdeena,Somaaliyeed Hiil iyo hooba
siiya Ururka Dip
u Xoreeynta Iyo
Soo Nooleeynta Somaaliya-Hamabalyo
Hogaanka Sarre
iyo Xubnaha
Golaha Dhexe,Somaaliya Guul iyo
Gobanimo.
-Xassan
C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka-Dhaqaaqa
Somaaliyeed,Nabadda,
Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK-14/09/2007-
Muqdisho soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de