CAMBAAREEYNTA GO'AANKA SWEDEN EE CELINTA QAXOOTIGA SOMAALIYEED.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-17/12/2007
Ra'yi
 Decem17/2007
 
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo
Cadaaladda Damiirka nool,Qiiradda Wadaniyadeed iyo Indhaha
Heeganka u ah Illaalinta Xuquuqadda Muwaadinka Somaaliyeed
Gudaha iyo Debedaba-Waxaanu halkan ku soo gudbineeynaa
Bayaan Caambaareeyn iyo Diidmo ku Wajahan Warka ka soo
Yeeray ama Go'aanka Xafiiska Socdaalka iyo Magan-gelyadda
Dalka Sweden ku Celin Rabaan Qaxooti Somaaliyeed.
 
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu u arkaa Go'aankaas mid
Xaqiiqadda ka dheer, lid ku ah Axdiga Caalamiga ah ee Dadka
Qaxootiga ah Magan gelyadada loogu ogolaaday,go'aan indhaha
ka Qarsanaaya Xaaladda dhabta oo ka taagan Dalka Somaaliya
Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo ah Meesha lagu celinaayo
Muwaadiniintaas Qaxootigga,iyadoo la wada ogyahay Xaaladda
ka taagan,Xasuuqa,Bara-kiciin iyo Dagaalka Joogtada ah Haben
iyo Maalinta ka dhacaaya iyo Duruufaha Bani-aadaminimoba
TopStory
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Dhaq-dhaqaaqu
Wuxuu u aqoonsanaayaa Go'aankaas mid Cadoownimo weyn ah
iyo Xadgudub ah,una Dhigma Falalka Ciidmada Gumeeysiga iyo
Meleeshiyaadka Rajiimka Fashilan ku hayaan Dadweynaha ku
Dhaqan Caasimada Muqdisho,Go'aankaas ayaa ka soo horjeeda
Warbixintii Cadeeyd ee Ururka Illaalinta Xuquuqda Dadka Yurub
oo Qeexay Xaaladda Amaan Darro ee Muqdisho iyo Xasuuqyada
ka Dhacaaya,kuna Tilmaamay Caasimada Muqdisho Goobta ugu
Nabadgelyo Xun Aduunka Waqtigan.
 
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ku boorinaayaa Dadka
Somaliyeed(Jaaliyada)ku dhaqan Dalka Sweden in eey Arrintaas
Cabasho weyn ka sameeyaan,Banaan baxyo dhigaan,Qoraalo u
Gudbiyaan Xukuumadda iyo Barlamaanka Sweden,Masuuliinta
eey hor dhigaan Cadeeymaha iyo Sawiradda tilmaanta cad ka
Bixinaaya Xaaladda dhabta ee Magaaladda Muqdisho,Waxaan si
Gaar ah u dhiiri gelinaayaa Aqoonyahanada,Waxgaradka diidan
Dulmiga,kuna caanka ah Difaacida Dalkooda iyo Dadkooda wax
ka Qabashada Arrintaas,Fadlan Garta Masuuliyadeena Qaran oo
ka Gil-gisha Go'aankaas Cadaalad daradda ah,Tusa Beesha ama
Ururka Midoowga Yurub Talaabadda Dowladda Sweden-Nin Lagu
Seexdoow ha Seexan.
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK-17/12/2007-

_________________________________________________________