Amaan Iyo Bogaadin-Aqoonyahan-Axmed Ducaale Iyo Drs-Amina Saciid.

By:

                    Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-22/04/2007
Ra'yi
 April 22/2007
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda
oo ah Urur Siyaasadeed u taagan u adeegidda Danaha guud,Maslaxada
Ummadeed iyo soo nooleeynta Midnimadii iyo Qaranimadii Somaaliyeed
qaaliga aheyd.
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo had iyo jeer taageera soona
dhoweeya Talooyinka,baaydda iyo Bayaanada ku saleeysan Wanaaga,
Samaanta iyo danaha Dalkeena iyo Dadkeenaba, ku dayasha mudan oo
laga faa'iideeysan karaayo iyo guud ahaanba Shakhsiyaadka magaca
iyo Maqaam ku leh Bulshadda dhexdeeda(Xidigga Somaaliyeed).
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan uga soo jeedinaayaan
Amaan iyo Bogaadinba Proff-Axmed Ducaale Iyo Drs-Amina Saciid Cali
oo kula nool Dalalka Denmarka Iyo Sweden kana mid ah aqoonyahanka
leh Dareenka iyo damiirka nool iyo qiirada wadaniyadeed,una taagan
u adeegida Bulshadooda iyo Difaaca Dalkooda hooyo, codkooda iyo
Qalinkoodaba ku cabiraaya sheegida Xaqa iyo tusaaleeynta Dadkooda,
Khaas ahaan Waqtigan cakiran oo Dalkeenii qaaliga aha uu ku soo
Duuleeyn Gumeeysigga Madoow(Itoobiyaanka)oo kaashanaaya Kuwo lagu
Sheegaayo in eey yihiin Somaali(Khaayiniinta Waaweyn,adeegayaasha
Gumeeysiga).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey taageeraayaan,
Soo dhoweeynaayaan lana duuban yihiin aragtidda Somaaliyeed, Xaqa
ah oo eey Qabaan, kana dhawaajiyaan Labadaas Aqoonyahan iyo kuwa
Dhigooda ah sida-Proff-Cali Khaliif,Proff-Cabdi Samatar,Prof-Qaadi
Proff-Axmed Samatar iyo Boqolaalka Aqoonyahan oo xiligan u taagan
Illaalinta iyo Difaaca Qaranimadooda, kana gilgishay gumeeysigga
iyo Falalkiisa foosha xun oo eey ka mid yihiin:-Xasuuq,Gumaadka,
Fara-xumeeynta Haweenka Somaaliyeed, Bara-kicinta Dadka iyo Guud
ahaanba Qabsashadda Dalkeena iyo Najaaseenta Ciideena Daahirka.
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey qiraayaan in Wareeysiga wax
ku oolka oo eey siiyaan Shebekadda Wadaniga www.xog-waran.com ka
Turjumaayo Xaqiiqada jira iyo dareenka Wadaniyadeed oo eey ku
Sifoobeen Labadaas Aqoonyahan waana mid eey la qabaan inta leh
Dareenka iyo Damiirka noolba, waana u Sharaf Dhaq-dhaqaaqa in eey
u soo bandhigaan Ummadda Somaaliyeed wixii faa'iidu ku jirto ama
ku saleeysan Danta guud,gaar ahaan Tallooyinka iyo Baaqyadda ku
Saleeysan Xoojinta midnimadda iyo Difaaca Dalkeena Hooyo,waxaan
ku boorineeyna guud ahaan Aqoonyahanka Somaaliyeed in eey gartaan
isla markaana gutaan Masuuliyadooda Diineed iyo Qarameed,Iskaashi
iyo Midnimona la yiimaadaan sida Codkooda iyo Ficilkooduba awood
u yeesho-Waxaanu Amaan u soo gudbineeynaa-Wareiye-Cusmaan Xaaji
Gobdon oo si wanaagsan u qaadan Wareeysigaas-Fadlan Dhegeeysta:-
 
 
Waxaan waresi dhinacyo badan tabanaya  oo xiiso badan la  yeelanay Dr Ahmed Du,alle iyo Drs.Amina Saciid

 Dhageesso   

 

 

-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-Af-Hayeenka Guud-

-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda

Iyo Cadaaladda.

-England-UK- 22/04/2007-

-sharifhassan50@yahoo.com-

 

_________________________________________________________