Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo
Cadaaladda
waxeey halkan ku soo gudbinaayaan Bayaan rasmi ah
kuna Wajahan
Magacaabida Taliyaha Cusub ee Ciidanka Poliiska
Somaaliyeed oo u
Ra'iisal Wasaare Geedi u Gartay kuna abaal
mariyeey-Cabdi Qeybdiid
oo ka mid ahaa Golihii la gadaalanka Diinta iyo
Dadka Somaaliyeed
Golihii Sheeydaanka.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed waxeey u aqoonsan yihiin
Col-Qeybdiid, Qabqablle,Dagaal Ooge,Gacan ku
dhiiglle ka Masuul
ah xasuuqyo fara badan oo loo geeysteey muwaadiniin
Somaaliyeed
kana dhacay Caasimada Muqdisho iyo Gobolada
Dhexeba,Gaar ahaan
Gaalkacyo Sanadkii 1991-kii.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeey waxeey si weyn u
Cambaareeynaayaan
Xil u magacaabida Qeybdiid iyo shakhsiyaadka
noocisa ah oo mudan
in la horjeeyo Maxkamad Caalami ah, loona
aqoonsado-Dembiille heer
Dagaal ah, Xasuuqe Ummadeed,waana ayaan daro weyn
in Xil Qarameed
loo dhiibo ama lagu abaal mariyo Shakhsi gacmihiisa
dhiigii Dadka
ka Da'aayaan.
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu halkan ku qeexaayaa
in Ujeedada
ka dameeysaa tahay in Gacan ku dhiiglahaa loo
adeegsado Xasuuqidda
iyo gumaadka Dadka, waayo wuxuu ku caan baxay ma
naxeenimadda iyo
Caqli xumadda, waana mid ka mid ah kuwa ugu Magac
iyo maqaam liita
Dagaal oogayaasha, Damiir laawayaasha Dalka iyo
Dadkaba Dumiyeey.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan ku
cadeeynaayaan in Madaxweyne C/Laahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi
yihiin kuwo
la Maqaam ah, la nooc ah,lana Garasho
ah-Xasuuqe-Qeybdiid, waana
arrinta keentay Abaal marintiisa,waayo Shimbirba
noociisa ayuu la
Duulaa,waxaana mideeya-Dhiiga Dadka Somaaliyeed iyo
Gumeeysi u
adeegidda.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn uga xun
yihiin
Dhaawicida iyo u gefidda Magac iyo maqaamka
Sharfeed ee Poliiska
Somaaliyeed oo eey Hogaankiisa Qabteen Shakhsiyaad
ku caan baxay
Aqoon sarre,Xirfad Shaqo,Waayo aragnimo iyo Dareen
wadaniyadeed
Sidda:-Gen-Jaamac Cali Qoorsheel,Gen-Jaamac Maxamed
Qaalib,Gen-
Axmed Jaamac,Gen-Maxamed Abshir Iyo Gen-Cabdi
Saxadriid(Ku Xigeen
ahaan Jiray)ayaan daro Maanta Gacan ku
dhiigle-Qeybdiid.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeey waxeey ku
talinaayaan,sida ku haboon
ugu howl gelaayaan Ololle lagu raadinaayo hanasha
ama helida ama
Abuuridda Maxkamadda Dembiilayaasha Somaaliyeed oo
heer Caalami ah
si loo hor-jeeyo dhammaan gacan ku dhiiglayaasha
sida-Qeybiid oo
kelleba.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 22/04/2007-
