Amaan Iyo Bogaadiin Go'aanka Dowladda Eretera.

By:

                    Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-22/04/2007
Ra'yi
 April  22/2007
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda
Golihiisa dhexe,gudigga Fulinta iyo xubnaha iyo Taageerayaashuba
waxeey si weyn u soo dhoweeynaayaan Go'aanka Geesinimadda leh oo
eey Dowladda Ereteriya uga baxday Urur Goboleedka Igad.
 
 
 
 
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo garanaaya,
Qadarinaaya Go'aankaas iyo ahamiyada uu
leeyahay,kana turjumaaya aragtida toosan
iyo Siyaasadda cad ee Dalkaas oo diideey
Heeymanadda ama Daboolidda Ururka oo eey
Qarisay Dowladda Itoobiya oo ku caan ah
Howla Gumeeysiga iyo is-balaariinta.
 
      Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Amaan, iyo Bogaadin u soo
Jeedinaayaan Madaxweynaha,Dowladda iyo Shacabka Reer Ereteriya
oo ah Halgamayaan xaq u dirir ah,geesinimo weyn leh,Xoriyadoodana
si xoog ah uga qaatay Gumeeysiga Madoow,hadana si weyn u diidan oo
ka soo hor-jeeda talaabooyinka Itoobiyaanku ka wadaan Gudaha Dalka
Somaaliya oo eey si xaq daro ah ugu qaadeen duulimaad qaawan,kana
soo hor-jeeda Xeerarka caalamiga ah iyo nidaamka Qaramada Midoobay
Xasuuqyo,gumaad,fara-xumeeyn iyo Bara-kicin weyna u geeysteey
Bulshadii ku dhaqnaa Caasimada Muqdisho.
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku amaanaayaan Dowladda iyo
Shacabka Reer Ereteriya soo dhoweeynta iyo Marti gelinta Kooxaha
diidan hoos joogidda Gumeeysiga iyo kaba-qaadnimadda,hadana ku
sugan Caasimadda Asmara-uuna Hogaaminaayo-Halyeey-Sh.Shariif Sh.
Axmed.
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Xiriir Wanaagsan oo muddo
dheer jiray la leeyihiin Halgamayaasha Gabhadii Xoreeynta Eretera
oo ahaa Mid ugu Horeeysay oo biloowday Halgan-Aniga Shakhsiyaan
ayaa Howlo iyo Abaabul Warbahineed kala qeyb galay-Halyeeyga weyn
Mudane-Idiris Hamadeey oo ahaan jiray Wakiil Ururka ee Dalalka-
Yeman iyo Somaaliyaba,Xoriyadda kadibna noqday-Wakiilka Wasaaradda
Arr.Debedda iyo Shakhsiyaad kaleba.
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey cadeeyneeysaa in ka Bixidda
Eretera ee Ururka Igad yahay Biloowgii Burburka Ururkaas Fashilan
kana jaabiyeey gudashada Xilkiisa loo aasaasay,hadana noqday mid
Magaciisa lagu Xasuuqaayo Ummadda Somaaliyeed,waana ayaan darro
iyo wax laga Xumaado Go'aamadii ugu dameeysay oo Ururkaas ka soo
Baxay,laguna Abaal mariyeey Gumeeysiga Itoobiya.
 
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 22/04/2007-
 

_________________________________________________________