Sanad guuradda 1-aad ee Caleemo saarkii Qarniga
ee Xurmadle-
Garaad Jaamac Garaad Cali oo 22/05/2006 ka
Xarunta Gobolka Sool
Laascaanood Markii ugu horeeysay Taariikhda
Caleemo saaridda
Hogaan Dhaqmeedka eey ka soo qeyb
galeen:-Boqoro,Suldaano,Garaado,
Imaamyo,Malaaqyo,Wabaro,Isloowyo iyo Beel
daajiyaal ka socdeey
guud ahaan Qeybaha Dalka
Somaaliya-Jubooyiinka,Gedo,Bay iyo Bakol,
Shabeelooyinka,Gobolka Banaadir,Goboladda
Dhexe,P/Land,S/Land iyo
Zoonka S/Galbeed,Dalka Jabuutiba.
Caleemo saarkaas Taariikhdiga ah ee
Xurmadle-Garaad-Jaamac
Garaad Cali waxaa kalle oo ka soo qeyb galay
Siyaasiyiinka ka kala
Socdeey-Dowladda Federaalka,P/Land iyo S/Land,Shakhsiyaad
Magaca
iyo Maqaam Sare ku leh Bulshada Dhexeeda
sida-Aqoonyahano,Abwaano,
Taariikhdi Yaqaano iyo Culimaa'udiin waaweyn
iyo Kumayaal Dadweyne
ah.
Sida Qurxoon oo Sawirkaas ka muuqda waxaa
loo habeeyeey,loona
Agaasimeey goobta Xafladu ka dhaceeysay si aad
iyo aad heer sarre
u ah,kuna haboon Munaasabadda iyo maqaamka
Caleemo saarka Garaadka
iyo ka Qeyb galayaashii Sharafta lahaa, waxaana
amaanta iska leh
Marka koowaad Raxmaanka iyo Gudigii Qaban
qaabidda Munaasabadaas,
Maanta waxeey ku beegan tahay Sanad guuradii
1-aad ee Munaasabadas
weyn,waxaana xusid mudan wax garadbkii iyo
doorkii weyn ee garaad
Jamaad mudadaas Sanadka ah,Marka runta la
sheego door weyn oo
ahamiyadiisa leg iyo howl waaweyn oo guulahooda
leh ayuu qabtay
Garaadka iyo Golaha Isimadda SSC-ga oo
Hogaamiyo Garaadku waxaa ka
mid ah-Waxqabadkii
dhinayadda-Nabadgelyadda,Mideeynta Bulshadda,
Soo Nooleynta Doorkii iyo Hanaankii Golaha
Isimadda,Dardar gelinta
Wax qabadka Jaaliyadda Qurba jooga iyo ku
xiridda Degaanka iyo
Xoojinta Xiriirka Degaanka iyo Deriskooda iyo
Guud ahaanba howla
ku saleeysan Danta guud iyo Qaran-nimadda
Somaaliyeed.
Hadaba Wax qabadka iyo guulaha uu
soo hooyeey Xurmadle-Garaad
waa kuwo faa'iido weyn ugu fadhiya Ummadda ama
Bulshada Degaanka
Daraawiisha waana kuwo soo nooleeyeey Maqaamkii
iyo wada jirkii
Qoomiyadda Daraawiishita,loona baahan yahay in
halkaas laga sii
wado,anigoo leh-Faanoolle Fari kama
Qodna,Garaadku wuxuu u baahan
yahay wada shaqeyn iyo Taageero joogto ah,gaar
ahaan Jaaliyadda
Daraawiisha SSC-ga oo Garta isla markaana guta
Masuuliya ka Saaran
Dhulkooda Qaaliga ah iyo Dadkooda,lana yimaado
isku duudni iyo wax
Qabad dhab
ah,Aqoonyahanka,Haweenka,Dhalinyaradda iyo Odayaasha
Magaca iyo Maqaamka Sare leh ayaa laga Rabaa
habeenta,hogaaminta
iyo Mideeynta Codka iyo Cudadda Dhaqaalle ee
Jaaliyadda ku Dhaqan-
Qaarada Yurub,W/Mareeykan,Austraaliya,Newzeland
iyo Dunida Carabta
si wax qabadku u muuqdo dhulkana laga darwwmo
horumarka,Daryeelka
Arrimaha Bulshadda iyo Kabocada Dhaqaaleba.
Anigoo ah Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)
waxaa i Sharaf ah in
aan kaalinta wax ku ool ah ka qaatay
Munaasabadii Caleemo sarka
Garaadka,anigoo adeegsanaaya Qalinkeeyga ku soo
bandhigay guud
ahaanba Shebekadda Somaaliyeed Wadaniga ah
Qoraalo qiimo badan
weyn haa-Sidda-Qoraalkii-Caleemo Saarkii
Qarnigga,Maantana waxaa
Sharaf weyn ii ah in aan Halkan uga Soo gudbiyo
Garaad Jaamac iyo
Golaha Isimadda Daraawiishta iyo Guud ahaan
Qoomiyadda Sharafta
leh ee Daraawisha Halbalyo qaali ah kuna
saabsan Munaasabada 1-aad
ee ka Soo wareegay Calaamo Saarkii
Xurmadle-Garaad Jaamac Garaad
Cali Garaadka Guud ee Qoomiyadda
Daraawiishta,anigoo Raxmaanka uga
Rajeeynaayaa Kheeyr badan,Guulo joogto ah iyo
Hanaan Hogaamineed
Wanaagsan oo Ummadda iyo Degaankaba Gaarsiiya
Midnimo,Nabadgelyo
iyo Horumar weyn-Amiin.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)
-England-UK-22/05/2007-