FARIIN CAD KU SOCDDA MAAMULKA P/LAND.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-Feb23/08
Ra'yi
 Feb23/08
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaalada Illaaliyaha Xuquuqda,Xoriyada iyo Xurmada Dadka
Somaaliyeed,Waxaanu halkan Fariin Cad ugu soo jeedineeynaa
Maamulka Dowlad Goboleedka P/Land Gaar ahaan:-
 
-Madaxweyne Maamuulkaas-Gen-Cadde Muuse.
-Ku Xigeenkiis-Ing-Xassan Daahir Af-Quruc.
-Wasiirka Arrimaha Gudaha.
-Wasiirka Garsoorka.
-Taliyaha Ciidanka Boliiska.
-Xeer-illaaliyaha Guud ee Maamulkaas.
-Ururdda Illaalinta Xuquuqdda Dadka.
-Culimaa'udiinka Waaweyn.
-Hogaan Dhaqameedka Waaweyn.
-Gudoonka Golaha Ganacsatadda.
-Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Degaanka.
 
     Fariintaas ayaa ah mid ku saleeysan Illaalinta Xuquuqadda,
Xoriyada iyo Xurmada Muwaadidiinta Somaliyeed iyo in Sidda
Ugu Dhkhasaha badan loo sii daayo Shakhsiyaadka Jeelka ku
Jirra loguna eedeeynaayo Qaraxayadii Dhowoon ka dhacay ama
lana beegsaday Dadkii ka Soo Jeeday Dalka Itoobiya boosaaso
ku sugnaa,sida aanu xaqiijinay Xirigga Muwaadiniintaas ayaa ku
Saleeysan Tuhin keliya,ma jiraan wax cadeeyn ah oo arrintaas
loo hayo,Xabsi ku heeyntuna waa mid khilaafsan dhaqanka iyo
Shareecada Diinta Islaamka,Heerka Nidaamka iyo Milgada Xaqa
Basharka.
 
 
   Sida Marku nagu soo gaaraayo waxaa Qaraxyadaas Jeelka
ugu jira Dadka Gaaraaya ilaa 10-Qof una badan Ganacsato iyo
Odayaal degaanka Magac iyo Maqaam weyn ku leh,Labo ka mid
ahna ka soo jeedaan Koonfurta iyo Nin Odey ah oo si weyn
looga Yaqaan Degaanka Bosaaso,Anagoo qireeyna in Dadka
Somaaliyeed yihiin Walaalo dhab ah,wuuna Muwaadinku degi
karo Gobolkii iyo Degmadii wuu doono,xaq u leeyahay Helidda
Soo dhoween,Nidaamka iyo Sharcigana loo siman yahay(hadii
wuu yahay mid Cadaalad ku saleeysan),waxaanu si weyn ugu
Xuman Xabsi ku heynta Muwaadiniintaas iyo kuwa kalle oo ka
Buuxa Jeelasha Maamul Goboleedka P/Land,iyadoo cabasho iyo
Eedo badan laga soo sheeganaayo Jeelasha Maamulkaas iyo
Guud ahaan Cadaalad daradda ka jirta xiligan Dalkeena hooyo
oo Taladiisa eey gacanta ku hayaan kuwa Qorshaha Gumeysiga
Itoobiya ku Shaqaale,kuwo Lumiyeey Damiirkii iyo Karaamadii
Somaaliyeed iyo Qiimihii Dowladnimo.
 
 
   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo Isha ku haya Xaaladda iyo
Xarigga Sharci daradda ah oo Jeelasha logu hayo Shakhsiyaadka
aan kor ku soo sheegnay,waxaan Mar Labaad ku baaqeeynaa in
Sida ugu Dhakhsaha badan loogu soo celiyo Xoriyadooda,mana
loo dul-qaadan karaayo dhibaateeynta Muwaadinka,iyadoo la
wadda ogyahay Xaaladaha Tacadi iyo Xasuuqyada xad-dhaafka
ah oo ka Dhacaaya Caasimadda Qaranka,anagoo ku Baaqeynaa
in Baaritaanu Rasmi ah lagu sameeyo Falalka Gabood falka ah
oo eey Geeysanaayaan Meleeshiyaadka Rajiimka Fadhiidka ah
iyo Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya,lana Abuuro Maxkamadda
Dembiilayasha Dagaal Somaaliya,iyadoo la wada ogyahay kuwa
Masuuliyadda koowaad leh(Masuuliyadda Diineed,Qaran-nimo
iyo Akhlaaqeed ayaa na fareeysa Sheegidda Xaqa).
 
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK-23/02/2008-

 

Webmaster@calayaale.com

 

 

_________________________________________________________