Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaaladda
oo Qadarinaayaa,Xeerinaaya,Xurmeeynaayaa
Maqaam,Sumcadda iyo
Sharafta-Xurmadle-Ex-Madaxweyne-Aden Caddulle
Cusmaan oo ahaa
Madaxweynihii ugu horeeyeey ee Qaranka Somaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn uga
Xun yihiin si
weyna u Cambaareeynaayaan kuwa Faafiyeey Wararka
Beenta ah xal iyo
Beer laheyn,Xaqiiqadda ka fog oo lagu faafiyeey
Shebekada qarkood
kuna Saabsanaaa-Geeriyadda Ex-Madaxweyne-Aden
Cadde,Nasiin Wanaag
in uu Weli nool yahay Aden cadde kuna Sugan yahay
Isbitaal Neeribi
ku yaal,Welina Nool yahay-Waana Alle Mahadi.

Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed
Waxeey Raxmaanka ka Rajeeynaayaan in uu Caafimaad
Buuxa siiyo
Geesiga Halyeeyga Qaran Ex-Madaxweyne-Aden Cabdulle
Cusmaan oo
Xaalad Culeeyskeeda leh, si weyna u Xanuunsan,Duco
Khaalis ah oo
Qabliga ka soo Baxeeysa Daacadnimo leh(Geeriduna
waa Xaq,Qof Walba
Waqtigiisa Ayuu Geeriyoonaa),
Halyeey Aden Cabdulle Cusmaan(Aden
Cadde)Wuxuu kaga jiraa
Taariikhda Ummadda Somaaliyeed Bog Dahab ah,Wuxuuna
Bulshadda
Dhexdeeda ku yeelay Xurmo iyo Qadarin weyn, waxaana
laga qaadan
karaa Tusaalaha Qaran-nimadda iyo Daacadnimada
Masuuliyadeed oo
uu ku Sifoobeey, Xurmadda Calankeen Qaaliga ah
Maanta Waxaa Mudan
Sadex Halyeey oo Nool oo Kala ah:-
1-Xurmadle-Aden Cabdulle Cusmaan(Aden Cadde).
2-Xurmadle-Shiikh Mukhtaar.
3-Xurmadle-C/Risaaq Xaaji Xuseen.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda
iyo Cadaaladda
oo ah Urur Wadaniyadeed oo u taagan Danaha guud iyo
Maslaxadda
Qaranka Somaaliyeed, Si Joogtona u Difaacaaya
Qaranimadda iyo
Jiritaanka Dalkeena iyo Xurmadda Dadkeena,Si weyna
uga Soo hor-
jeeda Heeryada Gumeeysiga Itoobiyaanka iyo
Khaayiniinta Cawaanta
ah,Laakliin Waxaa Nasiib Wanaag ah in
Halyeey-Xurmadle-Aden iyo
Wadaniyiintii Dhigiisa ahaa waxeey Mudan yihiin
Qadarin, Xurmo
Gobeed iyo Maqaamka Sare,Allah Caafimaad Buuxa ha
Siiyo Halyeeyga
Weyn-Ex-Madaxweyne-Aden Cabdulle Cusmaan-Aden Cadde
iyo Qof kasta
oo Somaaliyeedba.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 22/05/2007-
