Dhaq-dhaqaaa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo
Cadaaladda waxeey halkan Cambaareyn u soo
jeedinaayaan
Nidaamka Tegreega Iyo Kooxda u adeegta oo
Dowlad ku sheega
ah Falkoodii Xadgudubka ahaa,lidka ku ah
Xuquuqda iyo Xaqa
Muwaadinka Somaliyeed u leeyahay xoriyad u
Safarka Dalkiisa
Dhexdiisa,Karaamadiisa Ummadeed,Af-duubkii
gefka ahaa kana
Baxsanaa Nidaamka iyo Xeerarka Caalamiga
oo loo geeysteey
6da Muwaadin Somaliyeed oo Xooga looga
Kaxeeystay Degaamada
Magaaladda Buuhoodle 21/09/2007.
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu
cadeeynaayaa in Falkaasu
yahay Dembi cad oo laga galay Xoriyada
Jiritaanka Ummadda
Somaaliyeed,Xurmadooda Qarameed iyo Madax
banaanida Dhulka
Hooyo,Waana Talaabo ku cadeeyneeysa in aan
Jiriin wax lagu
Tilmaami karaayo Dowlad Somaaliyeed oo
Awood leh,Balse eey
Iska cadahay in Gumeeysigu Dalka
heeysto,sidii uu doono ka
Yeelaayo,waa arrin ayaan daradeeda
leh,Qaran jab weyn iyo
ku hoos jirida Heeryadda Gumeeysiga
Wayaanaha,Falkaas ayaa
Sharciyan Afduub Dembi ah,Waxaana
Dhaliishiisa iska leh
kuwo isku tilmaamaaya Madaxda Sare ee
Dowlada Maqaar-saarka
eeyna cadahay in eey yihiin Daba-dhilifyo
Shaqaale u ah
Keligii-Taliye-Zanaawi iyo Rajiimkiisa.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu Beesha
Caalamka,Ururadda
Illaalinta Xuquuqda Basharka Qaramada
Midoobay,Ururka Yurub
Midoowga Afrika,Jaamacadd Carabta Golaha
Ururka Islaamka
Iyo Guud ahaan Bahweynta Nabadda Iyo
Xoriyada Jeceyl in eey
La duubtaan Ummadda Somaaliyeed oo ku
jirta xiligan gacanta
Gumeeysiga Rajiimka Itoobiya,si joogto
ahna loo geeysanaayo
Tacadiyo,Xasuuqyo,Xadgubub
Xuquuqeed,Fara-xumeeynta Dumarka
iyo dhaca Hantida Dadweynaha,Taasoo
Cadeeyneeysaa in Beesha
Caalamka ka seexatay Masuuliyadii
Akhlaaqeed oo ka Saarneyd
Dalka iyo Dadka Somaaliyeed,waxeeyna si
cad u dhaawaceeysaa
Xurmada iyo Jiritaanka Ururadaas Magaca
Caalamiga ah Wata.
Dhaq-Dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Dhaliil
culeeyskeeda leh
Dusha uga Tuuraayaan Maamulada Degankaas
ku Hirmada,Madaxda
Sarre ee Kooxda Muqdisho
Fadhiya,Barlamaanka Fadhiidka ah
ee Baydhaba Qoomaara,Odayaasha
Dhaqanka,Culimaa'udiinka iyo
Waxgaradka ku Sugan Buuhoodle oo ka
jaabiyeey garashada iyo
Gudashada Masuuliyadood Diinteed,Qarmadeed
iyo Akhlaaqeed
oo ka Saarneyd Walaalahooda Somaaliyeed oo
Hortooda laga
Kaxeeystay inkastoo Xoogaa Dadaal ah eey
Bulshada Degaanku
Muujisay,iyadoo la wada ogyahay Taariikhda
Wadaniyadeed oo
Bulshadda degaankaas leeyihiin iyo
Doorkoodii geesinimo oo
laga Xusuusto Halyeeyadii Xoogagii
Daraawiishtii.
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed waxeey
Codkooda ku biirinaaynaa
Baaqa eey soo saareeyn Aqoonyahanada iyo
Waxgaradka Beelaha
Daraawiishta kuna soo baxay Shebekada
wadaniga ah,Xaqa sida
Cambaareeynaayo Fal Dambiyeedka
lagu Af-duubay 6-da
Muwaadin oo Somaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu u soo
jeedinaayaa Dadka
Somaliyeed intooda damiirka,dareenka nool
leh,Qiiradda
wadaniyadeed ku dameeysa in eey ka
gilgishaan heeryada iyo
Tacadiyadda Gumeeysiga Wayaanaha iyo
Adeegayaasha,isuna
taagaan dib u soo celinta Xoriyadii
qaaliga aheyd,Xurmadii
iyo Karaamadeena lagu Xad-gudbay iyo
Qaran-nimadeena luntay
Somaaliya kaca,Kaca oo Dadnimo
yeesha,Dulmiga iyo Gefka ka
Gilgisha,Heeryadda Gumeeysiga Iska
Tuura,Garta Qiimiha eey
Leedahay Xoriyadda iyo Jiritaanka
Somaalinimada.Midnimadda
Iyo Heeybada Dowlad Cadaalad,Sinaan Iyo
Sharci xaq ah ku
Saleeysan Nabadgelyo,Horumar Iyo Barwaaqo
Alle Raali ka
Yahay Dadkeedeeda Gaarsiisa.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaa Somaaliyeed
Nabadda,
Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK-23/09/2007-
