Proff-Cabdi Ismaaciil Samatar Halyeey Somaaliyeed.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-25/04/2007
Ra'yi
 April 25/ 2007
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada iyo Cadaaladda
waxaa u sharaf iyo Maamuus wanaag ah in eey Halkan ku qeexaan
sida ku haboona ugu xusaan Aqoonyahanka Somaaliyeed,Ma Daalaha
Wadaniga ah,Damiir iyo qiiradda Wadaniyadeed u caan baxay Proff-
CABDI ISMACIIL SAMATAR-Halyeeyga Weyn,Aqoontiisa iyo Waqtigiisa
u Hibeeyeey Qadiyadda Somaaliyeed, sida ku haboona u difaaca, had
iyo jeer u taagan Wacyi-gelinta iyo tusaaleeynta Bulshadda.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Proff-Cabdi oo ka mid ah Aqoonyahanka
Somaaliyeed kuwa ugu caansan, ayaa Difaaca Danaha guud u taagan.
Qadiyadda Somaaliyeed siiya mudnaanta koowaad,waana sifooyinka
lagu yaqaano Dadka ama Shakhsiyaadka damiirka nool leh,garanaay
Wajiibka iyo masuuliyada Qarameed oo Dalka iyo Dadkaba ka saaran
waana sifooyin waqtigan laga heli karaayo in yar.
 
 
      Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey qiraayaan in Proff-Cabdi
yahay Muwaadiin Somaaliyeed oo xalaal ah, halyeey Taariikhda ka
Galay Dhankeeda Wanaagsan, kuna Qormaaya Bogaga Dahab ah,Ubadkuna
Iskuuladda klu dhigan doonaan taxanaha Halgankiisa ama Halganka
Iasaga iyo Shakhsiyaadka Dhigeeysa ahba, Cabdi beryahan Dame wuxuu
ku howlan yahay sidii uu Aduunka ugu soo bandhigi lahaa Xaalad ka
Jirta Gudaha Dalkeena hooyo iyo duulimaadka qaawan oo gumeeysiga
Iboobiyaanka ku soo qaadan, kuna Qabsadeen iyadoo kaashanaayo kuwo
Somaali sheeganaayo laakiin Daba-dhilif ah,Kulamo heer Caalami ah,
Kuwao heer Somaaliyeed ah iyo Muxaadaraad qiimahooda leh ayuu kaga
Qeyb galaa Cirifyadda Aduunka,waana Madaale Geesi ah,Xaq la duuban
Dulmiga diideey.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxee y soo jeedinaayaan Amaan iyo
Bogaadin Halyeeygaas Somaaliyeed, waxaanu Raxmaanka uga Rajeeyeey Guul iyo Cimri dheer,Waana ognahay oo Xurmeeyneeyaa Howlah badan
wax qabad  qiimaha weyn iyo Daadacnimadiisa maqaamka sarre ah,
waana Shakhsiyad aanu Tusaalle wanaagsan ka qaadanay,lehna ku Dayasho, agtayadana Xurmo Weyn iyo Milgo gobood ku leh.Guuleeyso.
 
 
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK 24/04/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________