|
Xoriyadda waa sheeyga ugu
qaalisan oo Qaran hanto,
Hadiyad looma bixiyo, dukuuna lagama
soo iibsado,dheelna
laguma helo ee Dhiig ayaa ku daata,naf
iyo maal ayaa loo
huraa,Xabsi iyo masaafurif ayaa loo soo
maraa,hanaan iyo Habsami halgameed Geesiyaal u kacaan ayaa
lagu hantaa oo
ku tiirsan taageeradda hiil iyo hoo ee
Ummadooda,Tawalka
Raxmaanka iyo tuugmadiisa ayaa lagu
halnaa Maqaamka Sare
iyo macaanka Xoriyadda,Gobanimada waxaa
qiimaheeda garan
karaayo midka leh Damiirka,Dareenka iyo
qiiradda dhabta
ee Wadaniyadeed iyo xaqa uu u leeyahay
Madax banaanidda
iyo maamulka Dalkiisa hooyo,waxaa amaan
iyo bogaadin ku
leh dhalinta Xoriyadda iyo jiraanka
Qaranka Somaaliyeed
guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed,gaar
ahaan Geesiyaashii
Shiday Shamacii iftiinka halganka.
Marka
Horre Hambalyo iyo bogaadiin
Munaasabada 26Jun Maalinta Xoriyadda
Somaaliyeed,laakiin
Waxaa ayaan daradeeda leh,Maalin madoow
ah,Naxdiinteeda
iyo muragadeeda leh Sanadkan oo
dalkeenii hooyo gacanta
ugu jiro Gumeeysiga Itoobiya iyo
raxanta u adeegta oo ah
kuwa nala sheeganaayo
Somaali-nimadda,waxaa qaran jab ah
marna la qaadan kareen Heeryadda
gumeeysiga 26Jun 60kii
la tuuray maanta Dib loogu soo
laabto,waa gun-nimo iyo
Dadnimo xumo in eey jiraan kuwa
durbaanka u garacaaya oo
la duuban Qushaashaha Tigreegga,kuwa
isku sheegaaya in
eey yihiin Madax Sare Somaliyeed,hoos
harsanaaya calanka
iyo Aslaanta Isticmaarka,gumaadaaya
Bulshadooda,Si Cadna
u dhiibeey Karaamadii iyo maqaamkii
xoriyadeed ee Dalka
Hooyo,Waxaana amaan mudan Kooxaha iska
caabinta Wadaniga
ah.
Xoriyada
weey soo laaban,Xurmaduna weey imaan,Dalka
Iyo Diinta waa la Difaacaa,Ummadu
Midnimadii Xaqa aheyd
iyo jiritaankooda weey
hanaan,gumeeysiga ,cawaantiisa
iyo kuwa gurbaanka xaaraanta tumaayaa
guuldaro weyn iyo
Khasaare ayeey ku dameeyn,Waxaan u soo
jeedinaayaa guud
ahaanba Bulshadda Wadaniyiinta
Somaaliyeed meel kasta oo
eey joogaan in eey la yimaadaan
dadaal,Midnimo dhab ah
iyo Difaacada Diintoda iyo dalkooda
qaaliga ahba,Guusha
Waxaa leh kuwa xaqa ku taagan,qiimaha
Xoriyada Garan oo
Diideey qaadida Kabaha iyo heeryada
Zanaawi iyo Dayeerka
Daba ka wada,Maqaaamkii iyo maamuuskii
Maalmaha Xoriyadu
weey soo laaban Inshaa Alle,Xuskii weyn
ee 26Jun iyo 01
Jully Halkoodii iyo ahamiyadoodii
Qarameed,Ciida hooyo
Karameeda iyo Sharafteeda weey
Heli,Farxad iyo Damaashad
Dalku wuu ku soo noqon-Inshaa Alle.
-Allah Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-26/06/2007-
|