BURAANBUR WADANIYADEED QIIMO WEYN LEH

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-26/12/2007
Ra'yi
 Decem 26/2007
Buraanburkan Qiimaha weyn leh.Xikmad iyo Nuxurka
Wadaniyadeedka Xambaarsan waxaa Tirisay Muwaadinad
Somaliyeed  ku caan ah Dareenka nool,Damiirka iyo Qiirada
Wadaniyadeed-Marwo-SAHRA SH.CILMI oo ka dhiidhiday
kana gubaneeysa Xaalada Dalkeena Hooyo Waqtigan ku
Sugan yahay,Tacadiyda,Xasuuqayad iyo Fara-Xumeeynta
Haweenka Somaaliyeed,Bara kicinta Bulshada Rayidka ah
oo eey Habeen iyo Maalinba geeysanaayaan Gumeeysigga
iyo Kuwa Shaqaalaha u ah(maryo calasta ah).
 
 
      Sahro waxeey dhiiri gelineeysaa Ummada Somaaliyeed
oo Cudurka Qabyaalada ,Qabqablle u hiilinta,kala Qeybintu
Halkaas dhigtay,Maanta ku jira Gacanta Gumeeysiga Madow
Wayaanaha Injirleeyda ah iyo Qaba-qaadyada Dowlad ku
Sheega ah,Gun-nimadda Doortay,Karaamada iyo Xurmadda
Magaca Somaaliyeey ceebeeyeey-Maxaabista Baydhaba ku
Bahdilan-Marwo Sahra Mahadsanid-Ummada Somaliyeedna
Weey ku Tusaale qaadan doonaan Buraanburkaaga Qiimaha
weyn,Dalka Hooyo dib ayuu u hanaan Xoriyad Buuxda iyo
Helidda Dowlad Cadaalad leh iyo Hogaan Geesi ah,Daacad
ah,Diinta iyo Dalka Difaaca,Dadkana Daryeela-Inshaa Allah.
Buraanburkii Abwaanadda-Sahra Sh.Cilmi:-

 
1.bisinkaan  ka bilaabayaa  baaqi ina  faree ee burburka nagu dhacay rabiyo  waa mid baaxad wayn  oo beeshii  caalamkuna bushimahayn naga xirteen ee birmad xagaagaa ilaah baaqiyoow na sii.(aamiin).
 
 2.adaan  kuu cabanayee caadilow ilaah  qofkii aad  caawintaan rabin cudud kalee ee culayska nala dagay ilaah caadil naga dul qaad oo culayska nagu dagay rabiyow caadil  naga dul qaaaaaaad.
 
3.dambiyadii aan galnaa keenay daqaradee  oo dibin daabyadaan  wadnaa keenay  daqaradee oo diinta  aan daayacna keentay daqaradee war cafis ilaah doona oo daa,im wada baryooooy.
 
4.jihaadka  ragaa ku  jiroo jidda hore fadhiya oo janada rabbi tiigsanaayow ha joogsanina  ilaa janankooda lagu jiido jidadka xamar oo tigreeguna wda jabooy jaanta wada rogaaaan.
 
5.hadaad is gaashan sataan gaalka gaamuroow  nagama guulaysataan goobta layku helo,amxaarka wagubi naqaan guusha waan helaa ,waa  ragaad  garanaysid iyo geesiyada la hubo godeey kugu geeyey orod meelahaad garee oo guluf colaad kiciya meeshey mar soo galaan  ,guluf colaad qaada meeshey mar soo galaan ee melez garaad laawe colaadaad la gaardinee armeey gaartaayo geeskoo dhan wada gubtaa.
 
6.amxaarku nama  soo abaareeno waa ogyahay,addis inaan orod ku geeynayno waa ogyahay,inaan ka adkaano eryoonayno waa ogyahay ee ameericaa noo afduubaysa waa ogyahay,eedna inay naga galeen waa ogsoonyihiin.
 
7- hadaadan weer weerin oo aadan weero xiran ,hadaanad waagii baryaba waawarayda hyan,oo weerar joogtaa haddan waaaagu kuugu barin ,wareerka kugu dhacay haddan washinton la gayn,warla laga tabiyo wariye yaashu aysan qorin ,wadanka uma dhalanin wacadkiina waan ka bnaxay
 
7.amxaarkaan  colownay ninkii  ceersi moodayoo cudud u hoos joogbaa  cawa igala daran,cudud u hoos joogbaa maanta ila cajaba ee ilayn cabdulaahiyoow ceebi kuma dhibtaba.
 
8.amxaarku cadow  weeye ninkii ceersi moodayoow ee mideeya cududiina calankiini soo celiya oo calamkii nala yaabyayee mayra ceebta taal.
 
9.calanki oo cabanayoo ciil qabaa i yiri,cuqaashee meeday iyo ciidankaan lahaa?.
 
10.calankii iyo ciiddi hooyon ku cayshnayow ha ciil kaanbiyin wali caymo waa jirtaa curadyadaan kuu kacaa kuula tagan cudud cadowga kaa caabinaayoon cabsina ku jirin  ee cisadii aad lahayd rabbigeey ha soo celiyo.aaamin.
 
10.calanki  iyo ciiddi hooyon ku cayshayoow  hadal  aan celin waayey ban ku cadeynayaa,ee cudud waxaan tari kariyo cood waxaan hayaba inaanan kugu ciilin baaan kuu cadaynayaa,oo aan kugu caawinaayaan cadaynayaa oo aan kugu caawinaayaan cadaynayaa,cadowga wax ka caabinaayaan cadaynayaa, ee buluugloow caalnkayagiiyow carshiga ka nuuuur.AAAMIN.
 
11.ma wada sheegi karo shaqsiyaadka magaca  dheer ee sheikh shariif  iyo nimankii asmara ku shiray sharaf ineey leeyihiin shaahid ban ka  ahay eesharaf ineey leeyihiin yaa shakaali karo?.
 
12.shacabkii soomaaliyeed oo shidada ku jiray shaniba meel aaday dhaqso waa iyagii shukriyey ee sharaf inaad leedihiin shaahid baan ka  ahay.13.runta inuu sheego buu sheekhu  caan ku yahay oo diinta inuu shaaciyuu sheeku caan ku yahay
shahuur bilo dhawr ah baa uunki wada shukriyey.
 
 
13.mawada tiirn karo waxaan tiigsanayo e walaalkeey tarzan baan siinayaa tixdaan.
 
14.tiir dhexaad weeye ummaduu u taagan  yahay,tabaalada kuwa qabo buu u taagan yahay,gumaysiga inuu tirtiro buu u taagan yahay,tigreeguna naga  tagaan buu u taagan yahay,oo tabaaladaan nagu dhacaysuu u taagan yahay inuu tabiyoo adduunko dhan wada tusaa  oo taar qabadsiiyo buu noogu taagan yahay ,ee tajki booqrtooyadaan tarzan kugu xirnee inaad taariikh ka tagayso taaaaas ogooooooow.
 
15.wiilal  tolmoon oo tiirar ah ban qabnaa sidii xasan turki iyo mansuuron  lataaban karin ,taliye cayroona isgaan ku taaganahay, maray tabiyaan jihaad tiicyey cadawguye,anna markaas baan farxad taam ah aan helaa,Halyeeyga Shariif,
Hogaanka Ururkeena Alloow Noo Illaali-Aamiin.
 
16.war intaan isheefeynay  ummadii ka hoos marne,oo intaan in heefayna uunki horuu maree,ee haybta baaseed wadaan maad isga hartaanoo gumaysiga hayta dhulkiina u hawl gashaan,colkaan  soo wada hayaamay  u hawl  gashaan inay huleelan hungoobaan u hawl gashaaaaaaan.
 
17.damac nin uu keenay waa daadufloow Amxaar ee dacar ma liifteen adaa diiday nabadiye oo  darsin malgu siiyey hadaad diday daris wanaag ee adaa doqonoobayee soomaali waa dadkii,ee miyaa kala daadsanantiinna lagugu  dagay war dagalka anigaa lehee taas dubaakha  galiya.
 
18.dhinac u wada duula diif baa na gaartaye sow kuwa dadkiini daleeshaa cidlaa fadhiya,sidii duur joogta daliishaa  cidla fadhiya,oo dalkoodi amxaarku ku dakaynaayo oo dib jira miyaadna  damqaynina oo diir naxaba lahayn?.
 
19.ajal dhamaataad wadaa joog Amaxaarkanoow addunyadoy wada ogoow joog amxaarkanoow,ameericaa ugu afdheer gaaladaan arlada,oo argagixisada ugu afdheer gaaladaan arlada ee ameericaay joogi amxaarkaad abaabulee, oo  mareekaneey joogi aad aaladaada siiin.
 
20.annagu diin awood leh ilaah baynu  haysanaa,oo islaanimo wayn ashahaadadan qiraa,oo allahu akbar aan itaah weyn eryaa Amxaaaaarkan.
 
21.nimanka cadaw keenay miyaa ceersi laga sugaa,oo  waliba kala culusee amxaarkaas kenay ciidii Dalka Hooyo.
 
22.aynigaa lama baryo gaal itaal darane,adoo ka soo jeeda soomaali isir wanaag adduunkuna wada ogyahay geesi oday ahi dhalay,maxaa arxan  laawe amxaarkaanna iidn ag dhigay.
 
23.wax wada qaybsada wadadnkiinu waa qaniye,  oo qabiilka naga dhaafa isagaa na qaybiyee,oo qilaafka naga daaya isagaa naqaybiyee,oo qoontii aan wada daweynee quluubta fura  oo qoomameeyo qaladkiinni wada u saxa oo qaadirow adigu quwadaada nagu mideeeeee.aamiin.
 
24.qarankii soomaaliyeey sow qabiil mu dumin,qabkii lagu faani jiray qiimahii  ma lumin oo qaaradihii dunida magaciinni quursi noqoy,oo qaaradihii dunida magaciinni quus ka noqoy ee waa qoomamo iyo ciile soomaaliyeey is qabo,Qiimaha
Qarankeena Gartoo-Qurankaas Qabyaalada aan tuurno.
 
25.barwaaqadii waddanka taala la boobaya,oo badihi macdantii ka buuxdaa la boobayaa,badartan loo kala galaayaa la boobaya ee baylah noqoyee wadankeenni soo  birmada oo baylah noqoyee  wadankaan u soo birmada mis ebaryada duul kaleetad ka door bideeen.
 
26.dhul wada hoobaan ah ban heedhe wada qabnaa,waa dhul wada hoobaan ahoo geelu noo harsado,haldhaa gabdhaad moodid baan heedhe wada qabnaa,oo halyeeyo wada wiilal ah baan heedhe  wada qabnaa,ee nimanka u hibeeyey  amaxaarkaa laabtu ila hureeeeeeeeeee.
 
27.markii aan is wada dilnaa san u dabar go'nee dulimigii uu nagu bataan san u dabar go,nee,oo  xaqii la duud siyey ayaan saan u dabar go,nee,oo diintii aan daayacnaa saan u dabar go,ne war  caana daataba  dabaadigaa la caymiyaa ee intaan  lagu diimin   magaceenna daba  qabtooooooooy.
28.magac u yaal  dawladaan ban mid oranayaa,masaakiin shacab ha laysaan mid oranayaa,amxarka u madiiidinaa baaan mid oranayaaaaaaaaaaaaa.
 
28.mushkiladaan raagtayoo gaartay meesha wayn wixii hore mayra oo caynsha maatidee ama mas,uul lama noqdee keena magacayaga oo  aydan na  mideeyn karaynina dhiga magacaya.
 
29.qaxootigaan dhoobanoo sii hayaa dhabada oo aan laga dhiidhiyeen  sow dhag xumo ma ahan?
 
30.dhalaankaan wada dhiig baxaayoo dhamaanayana oo aan laga dhiidhiyeeen sow dhag xumo ma ahan?
 
30.dhag xumidaan nagu dhacaysoo  la dhawranaa oo an laga dhiidhiyeen sow dhag xumo  ma ahan?
 
31.anigu dhakafaaray soomaali yeyna dhalay?dhaga adaygiinna baa meesha ina dhigee,bal dhulkaan yeey noo dhisaayoo la dhawrayaaaaaa?
 
32.hablihii soomaliyeedow hurdada ka kaca,horseedo nabad hilinkiina muujiyoo,u heeliya  maanta calankiinna hoosta galay,hujuumo cadowga injireey habaaar ku rid(gura).
 
33.hadaan  qaadqaday qaladkiinni wuxuu ka yimid oo soomali kala qaybiyaan qiixayaa maqlooooooy.
 
34.waa quursiga reer hebel quursna kan  kale oo qaadirkay diidy qurankisa noogu sheeeeeeeeeeeeeegay.
 
35.danayste midaan ahayn doolar  raadinayn , dadkiyo dalka caymiyoo doora raadiyoo,colaada naga damiya oo doora radiyoo,oo diinta nagu dhaqahayana  doora raadiyoo,dooda aan soo dabree dooorka raadiyooooooy,ooo dooda naga soo dabroo doorka raadoyooooooooy.
 
36-intaan kala qaybsanahay oo qaarba meel jirna,o aydan quwadiina midaynaynin kala  qoqoban inaan qabaanownay soomaaliyeey qirtay,oo aan qabanownay baan soomaaliyay qiraa, oo qayrkeen aan ka hoos marnaa somalay qiraa,maxaa idin qadayoo qiiradii la tagay,ma qalbi jabkaan baan ku jirin qaadi waagan baaaaas.
 
37.hadaan dhuray oon dhuroo  dhiibay waano dheer ,oo dhigdhigay aan kala dhigdhigay oo wax aanan dhimin ,oo aydan dhaadaynin  misna sow dhib wayn ma ahan?dhagax dixeed wada tihiin sow dhib wayn ma ahan?bal maxaa idin dhiman maxaydeen dhamaystiraa???????????
 
38.anigoon soo tuugsan tobol caaro aan ku darin ma idin taabsiiyey hadal toosan oo wax taraaaaaaaaaa.
              DHAMAAD.WABILAAHI TOWFIIQ.WSCWRB
 
 
 
 
-Soo Gudbintii-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 26/12/2007-

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

_________________________________________________________