Cambaareeynta Xasuuqyadda Sida Wada Jirka Eey U Geeysanayaan(USA,ITOOBIA).

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-28/04/2007
Ra'yi
 April  28/ 2007
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada iyo Cadaaladda
Waxeey halkan ka soo gudbinaayaan ama ka soo jeedinaayaan Dhaliil
Culeeyskeeda leh, Cambaareeyn xoogaan kuna wajahan Falalka foosha
xun, xaquuyadda, gumaadaka iyo Bara-kiciinta argagaxa leh oo eey
ka geeysanaayaan Caasimadda Muqdisho Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya,
Mareeykanka(Cirka) iyo kuwa Dowlada Federaalka ahb.
 
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey qiraayaan in Dhibaatada ka
taagan Dalkeena hooyo,gaar ahaan Magaalada Muqdisho Xasuuqyo lid
ku ah Nidaamka iyo Salaamada Dadka Rayidka ah,Falal Heer Gumaad
ah oo u dhigma kuwii kacay Dalka-Ruwaanda,Bosniya,Shashniya iyo Dalka Falastiin,Kuwa ka Dhacaaya Dalka Ciraaq iyo Afgaanastaan
oo eey Dowladda Mareeykanka iyo Xulufadiisa,Dhibaatada Dalkeena
ka dhaceeysa waxaa Masuuliyadeeda leh-Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya
iyo kuwa Dowlada Federaalka iyo Mareeykanka oo Cirka ka Duqeynaya
oo Gumaadka doorkiisa ku leh,waana Fal Dembiyeed mudan in Baritaan
Heer Caalami ah lagu sameeyo,laguna Maxkamadeyo kuwa Masuliyadeeda
Yeesha.
 
 
       Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Cambaareeynaayaan Dowlada
Mareeykanka oo si cad uga qeyb qaadaneeysa Dagaalka iyo Weeradda
Xaq darada ah oo lagu Gumaadaayo Ummadda Somaaliyeed,Haweenka,
Ubadka yer-yerka iyo Dadka Waayeelka, Falkan Duyuuradaha USA eey
Geeysanaayaan waa xadgudub iyo gardaro cad,waana mid aan loo heyn
wax qiil ah,waxeeyna ku saleeysan yihiin aar-goosi iyo naceeyb eey
u hayaan Dadka iyo Dalka Somaaliyeed oo Sanadkii 93-dii Duruus u
dhigay Ciidamadii Mareeykanka iyo Awood sheegashadiisiiba.
 
      Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey dusha ka saaraayaan dhibka
Dadka Heeysta kuwa Sheeganaaya Masuuliinta sare ee Dowlada FKM ah
oo si cad ugu talaabsanaaya Xasuuqid xad dhaaf ah,waana Fal lagula
Xisaabtimi doono kuwaas,waana Gacan ku dhiiglayaal waaweeyn.
 
 
     Wxaanu halkan ku soo bandhigeeynaa Sawirada Dhaawacyadda iyo
Dhibaatadda Dadka Somaaliyeed laga gelaayo,Sawiradan oo aan ka soo
Qaatay www.Burtinle.com amaan iyo bogaadin Mudan.Bal Eega Sawirada
iyo rafaadka Dadkeena iyo dhibaatadda Dalkeena heeysta:-
     
PhotoPhotoPhotoPhotoPhoto
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
iyo Cadaaladda.
-England-UK- 26/04/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________