FADLAN U GARGAAR WIILKAAN DHIBAATEEYSAN(AGOONKA AH)

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-29/09/2007
Ra'yi
 Septem 29/ 2007
U Gar Gaar Wiilkaan Dhibaateysan Allaha Kuu Gar Gaaree.
 
     Naxariista,isu-gargaaridda,is caawinta,is taakuleynta
iyo guud ahaan Camal suuban,kheeyrka leh ayaa ah Simooyinka
Wanaagsan ee Muslimiinta,Dadka Damiirka nool leh,Waajibka
Diineed garanaaya,Masuuliyadda Akhlaaqeed oo Walaalahoodda
Tabaaleysan ama dan-yarta og,Ajarka Alle iyo Abaal Marinta
ku Tartamaaya Waxaan halkan ugu soo gudbinaayaa Dhibaatada
Weyn,Xanuunkeeda leh oo Naafo ku Dhashadda Wiilkan Yar oo
ka Muuqdda Sawirkan,Gacmo la'aanta ku dhashay,ka soo jeedaa
Qoys Somaaliyeed sabool ah(Dan-yar),isla markaana Agoon ah
oo Abihii Geeriyoodeey(Alle Naxariistii Jano Ha Siiyo)amiin
 
 
        Cusmaan Xassan Xalane Wuxuu ku dhashay Gacmo la'aan
Sida ka Muuqata Sawirkaas,Isla markaasna waa Agoon waayeey
Abihiis,Qoyskiisuna Sabool yahay ah,Mana awoodan dhaqaalle
ahaan in eey Xaaladiisa wax ka qabtaan,xataa xaaladooda ama
Noloshaada Maalin laha ah ayaa aad iyo aad u adag,waana mid
Qofka kasta oo la socdda xaalada Dalkeena Hooyo dareemaayo,
Cusmaan Yarre Hooyadii:-Saciido Salaad Cali oo Caruur kale
oo Yar-yar ah heeysa,Wajigeedana Wel-wel iyo Xaalad tabar
yari ka muuqato,Indho Naxariis leh,Niyad Saafi ah iyo Codsi
Bani'aadaminimo u soo jeedineeysaa Bulshadaa Somaaliyeed,
Gar ahaan Waalidiinta Qurbaha jooga,Haweenka,Dhalinyaradda
iyo Guud ahaan Dadka Camal kheeyrka iyo howlaha Samafalka
ku jira in eey u Fidiyaan,Caawiyaan,Gacan Gar-gaar la soo
Gaaraan,Il-Naxariiseedna ku eegaan Wiilkaas Yare,Iyadoo eey
Masuuliyad Diineed,Qarameed iyo Akhlaaqeed ina saaran tahay
Agoomaha,Naafadda ,Dan yarta iyo Dadka Barakacsanba.
 
 
       Hooyo Saciido waa Muwaadinad Somaaliyeed,Waxeey Had
iyo jeer ku jirtaa Wel-wel iyo walaaca joogto ah,Waxeey ku
Seexataa Feker iyo Xanuun weyn joogto ah,Cusmaan yare oo
Horteeda fadhiya ayeey Indho Ilmadu buuxisay ku eegeeysaa,
Waxeeyna Raxmaanka ka Tuugeeysaa in uu Faraj Kheeyr leh ku
Maneeysto,Gargaar iyo Caawin wax ku ool u hesho Wiilkeeda
oo ah Nuurka Indhaheeda,Farxada Nafteeda iyo Beerkeeda oo
Horteeda ku dhibaateeynsan,Waa Xaalada lagu tilmaamo Xasra
ama wax qabad la'aanta,Anigoo Ah Xassan Carab Waxaan halkan
Codsi Bani'aadaminimo, Naxariistiisa leh uga soo gudbinayaa
Guud ahaan Jaaliyada Somaliyeed ee Qurbaha ku dhaqan oo aan
Filaayo in eey sida ku haboon ilaa dareemaayaan Baahida iyo
Xaaladda Xanuunkeeda leh ee Wiilkaas-Cusmaan Yarre,Waxaan
si weyn uga Cudur-daaranaayaa hadii Khalado Qoraal,Luqadeed
ama is-dhaaf xarfaha oo qoraalkanu yeelan karo-Waayo-Ilmo
Xad dhaaf ah ayaa Indhaha i Buuxisay,Wajigina Qooysay,Waxaa
laga Xiriir karaa:-
 
 
 Cabdifitaax Axmed Maxamuud Tel: 0025224455566 - iyo 0025265500099 Email: ugargaar@yahoo.com - Hargeysa .
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Englnad-UK-29.09/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

 

_________________________________________________________