War Saxaafadeed Rasmi ah

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-14/04/2007
Ra'yi
 April  14/ 2007
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda
waxeey halkan ku soo gudbinaayaan War-Saxaafadeed Rasmi Xaaladda
Somaaliya ku saabsan iyo Aragtidda Ururkan oo ku Wajahan.
 
 
    1-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn uga xun yihiin
Dhibaatadda Nabadgelyo,Dagaalo weli ka Socod Caasimada Muqdisho
iyo Falalka Tacadiyada xad dhaafka aoo eey geeysanaayaan Ciidanka
Gumeeysigga Itoobiya iyo Xoogagga Dowladda Federaalka ah oo isugu
Jirra:-
 
A-Xasuuqyo Badan.
B-Bara-kiciin Xad dhaaf ah.
C-Afduubyo Iyo Qafaalasho joogto ah.
D-Xinibaadda ama Is-hortaagidda Howlihii Gargaar oo Hey'adaha
Samaflka Caalmigga Qabanaayeen.
E-Hurinta Colaada Sokeeye Iyo Luqada Fidmadda Dadka lagu kala
Fogeeynaayo kana soo yeeraaya Masuulitiinta Xukuumadda.
 
 
    2-Dhaq-dhaqaaqa Waxeey si weyn u Taageersan yiihn si buuxdana
ula duuban yahay Qoraalka Rasmiga ah oo ka Soo baxay Khubarada ama
Golaha Xuquuqda ee Midoowga Yurub oo si weyn u Cambaareeyeey Falka
ama Falalka Xadgudub oo eey geeysteen Ciidanka Itoobiyaanka iyo
Kuwa Dowladda Federaalka ahba,kuna Tilmaameen heer Gumaad,runtiina
waa xaqiiqo dhab ah oo jirta,loona baahan yahay in wax laga qabto
la diiwan geliyo,Talaabona laga qaado Dembiilayaasha Dagaal.
 
 
   3-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn u Cambaareeynaayaan
Hadalka Been abuurka,Xaqiiqada ka fog oo uu sheegay Safiirka UOA
iyo Dalka Itoobiyaba Dowladda Federaalka u Fadhiya Mudane-Laqanyo
oo Muqdisho ku tilmaameey Goob Nabadeed,waana wax laga Xishoodo in
Masuulin Somaaliyeed waaqica jira been ka sheego,iyadoo la wada
ogyahay Dhibaatadda,Dagaalka,Xasuuqyadda iyo Bara-kaca ka Taagan
Muqdisho,waana u Masuuliyada Xumo,Si doo kale waxaan Dhaliileeyna
Ereyadii ka soo yeeray Ra'iisal Wasaaraha Proff-Geedi iyo sidda
uu u Daboolaayo Xaqiiqada Tiradda Dadka ku hoobteey Dagaalkaas.
 
 
    4-Sidoo Kalle Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu soo dhoweeynayaa
Hadalka ka soo yeeray Mudane-Xuseen Ceydiid Wasiirka Howlaha Guud
ee Xukuumadda geedi,uuna ku Cadeeyeey in waxyaabaha Muqdisho ka
Dhacaayaa yihiin Gumaad,kuwa geeysanaayaana yihiin Ciidamadda kala
Ah Itoobiyaanka iyo Kuwa Dowladda,waana Nasiib wanaag hadii Xuseen
Qirtay Fal dembiyeedka Dowladiisu geeysaneeyso,Laakiin ha ogaado
in uu Qeyb ka yahay Dhibaatadda Dalka heeysata,kana mid ahaa kuwii
Sharciyeey soo gelida Ciidanka Gumeeysigga, mudan yahay in lala
Xisaabto,Hab Dhaqameediisii iyo Hadaladiisina Keydsan yihiin.
 
 
    5-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxee si weyn u Cambaareeynaayaan
Sidii Khaldaneey,masuuliyadda ka baxsaneeyd oo uu u Hadlaayeey
Mudane-Salaad Cali Jeelle Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhiga Markii
uu ka qeyb qaadanaayeey Barnaamijkii Jimcaha BBC-da,iyo sidii wuu
u Taageeraayeey Dhibaatada Xad dhaafka ah oo Ummadda lagu hayo,
Sidoo kalle waxaanu ka Xunahay In Kooxaha Iska- Caabinta ka soo
Hor-jeedo Gumeeysiga iyo Xulafadiisa eey Adeegsadaan Magac Beeleed
waana Arrin Khaldan oo dhaawaceeysa Halganka Xaqa ah oo eey kula Jiraan Ciidanka Soo Duuleey iyo kuwa la duubanba,Waxaanu halkan
uga Soo jeedineeynaa in eey Howlaha Iska Caabinta siiyaan Magaca
Guud ee Kooxaha Xaq u Diririnka Iyo Iska Caabinta Somaaliyeed.
 
 
 
   6-Sidii Caadiga ahaa Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu Halkan
uga soo jeedinaayaa Baaqa Bani-aadaminimo Jaaliyadda Somaliyeed
ee Qurba jooga in eey ku dadaalan Taakuleynta.Gar-gaaridda iyo
Caawimo u fidinta Dadka Walaalahood ah oo ku Tabaaleysan Dalka
Gudihiisa Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho iyo Hareeraheedaba.
 
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-HAfhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK-14/04/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Muqdisho soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________