Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda.Midnimad
iyo Cadaaladda
Cod nool oo Ummadda Somaaliyeed, Xaqa iyo
Qaranimadda u taagan oo
Sida joogtada ah uga gilgishadda
Tacadiyadda,Xasuuqyadda,Boobka
Hantida Dadweynaha,Fara Xumeenta Haweenka
Milgo gobeedka mudan iyo
Afduubka.Qafaalashada iyo bara-kicin
Muwaadininta Xaalaasha ah oo
Dalkoodii hooyo,Caasimadii Qaranka Muqdisho
Cadeey dhexdeeda lagu
Silcinaayo,iyadoo loo adeeganaayo Ciidamada
Gumeeysiga Duulimaadka
Qaawan,Xaq Daradda cadaanka ku qabsaday
Dalkii Hooyo iyo Raxanta
Adeegayaasha ah oo Magac Somaaliyeed
Sheeganaaya.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si
weyn uaga Xumaadeen,uguna
Qiiroodeey Tacadiyada Muwaadinka Caadiga ah
lagu hayo,Xasuuqyadda
iyo Dilalka Joogta ah oo
Hooyooyinka,Caruurta,Waayeelka iyo Dadka
Rayidka loo geeysanaayo oo eey Wadaan
Is-baheeysiga Gumeeysiga iyo
Xulufadooda,Madaaficda Saqda dhexe lagu
Garaacaayo Dadka Hooygooda
Sida nabada ah ugu Jiifo,cidna dembi ka
geliin,yoolka la dhigtay
oo Dilkooda la Xalaaleeystaay,laguna
Fulinaayo Amarka kuwa Madaxda
Somaaliyeed Sheeganayaa,Laakiin runtii la
heeystayaal,Khaayiniin
Gumeeysi raac ah.
Waxaa ayaan daro weyn ah Xasuuqa cad oo
Loo geeysteey Muwaanidda Somaaliyeed
XALIIMO JAAMAC qoyskeedii oo
Sida naxariis Daradda ah loola beegsaday
Madiic xoogan oo yoolkuna
Yahay Shacabka Somaaliyeed,Waxaa xasuuqaas
ku naf waayeey 3-caruur
ah oo Hooyadaas Somaaliyeed dhashay,Ubadka
Dalkeena,loona dilaayo
Diintooda iyo Dhalashadooda
Somaaliyeed,Waxaana dhaawac halis ku
Jirra 2-Gabdhood oo Xaliimo Walaalaheeda
ah,Su'aasha ayaa ah:-
1-Yeey Dembi ka Galeen Caruurtaas
Somaaliyeed.
2-Yeey Duulimaad iyo Weerar
Colaadeed ku Qaadeen.
3-Dalkooda,Degaankooda iyo
Gurigooda miyeey Xasuuq ku
Mudeeysteen.
4-Ma Dowlad Somaaliyee baa Mise Mid
Ummadda Xasuuqeeysa.
5-Yaa u Maqan Shacbka Somaaliyeed
oo Dhibaatooyinka iyo
Dilka Joogtadda ah lagu hayo.
5-Masuulinta Dowladu Ma Dhiiga
Dadkooda ayeey ku Naaxaan.
6-Maxaa Aamuusiyeey Shacabka Waxaas
Arkaayo,Xanuunka iyo
Silicaas Joogtadda ah ku Jirra.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkam
Cambaareeyn weyn uga
Soo jeedinaayaan Madaxdda Sarre ee Dowladda
ku sheega Somaaliyeed
oo ah kuwa Masuuliyadda Tooska ah
leh,Aamarkoodna lagu Gumaadaayo
Shacabka Somaaliyeed,Waana kuwa Gumeeysiga
Dalka u soo Horseeday
kuna Ridoobeey Diintooda iyo Xurmadii
Dalkooda iyo Dadkooda,Sidoo
Kalle Waxaan ugu Baaqeenaa Ciidamadda
Gumeeysiga Itoobiya in eey
Sida ugu Dhakhsaha Badan uga Baxaan Dalka
Somaaliyeed Guud ahaanba
kana waantoobaan Xasuuqyadda iyo Gumaadka
Muwaadiinta,Somaaliduna
waa in eeyy la Yimaadaan isku duubni iyo
midnimo xoogan iskana
Caabiyaan Gumeeysiga Dalkooda Heeysta,Waana
Xaq Is-Difaaca iyo
Illaalin Qaranimadooda iyo
Jiritaankooda,Xurmadda Diinteena iyo
Madax banaanideenba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Waxeey ka
Codsanaayaan,si weyna ugu
Boorinaayaan Haweenka Somaaliyeed oo
Damiirka Nool,Dareenka iyo
Qiiradda Wadaniyadeed ku caan baxay,una
Taagan Difaaca Diintooda
iyo Dalkooda Qaaliga ah,Taakuleynta Dadka
Dhibaateeysan oo Gudaha
Dalka ku sugan in eey u
gurmadaan,Caawiyaan,gacana u fidiyaan
Qoyskaas Somaaliyeed oo Dhibaatadda weyn
loo geeysteey,Murugeeysan
Qaarkoodana Dhaawaca Weyn La Jiifaan
Isbitaaladda,Isla Markaasna
Duruufaha Dhaqaalle heeystaan,Isu
Gargaariduna waa Waajiib Dadka
u Dhexeeya oo Shareecadeena Islaamku
Qeexeeyso.
-ALLAH MAHAD LEH-
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Nabada,Midnimadda
iyo Cadaaladda Somaaliyeed.
-04/08/2007-
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
Webmaster@calayaale.com