Taageeradda Iyo Soo Dhoweeynta Bayaanka Jaaliyadda Beesha Daarood-London.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-22/04/2007
Ra'yi
 April 22/ 2007
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda
oo ka duulaaya Masuuliyadda Qarameed,Akhlaaqeed oo ka Saaran Danha
guud iyo Maslaxada Qarameed,Midnimadda iyo wada jir Dadkeena iyo Dalkeenaba,sidaas awgeed waxaan halkan ku muujineeynaa Arrimahan
Hoos ku Xusan:-
 
 
     *Mar walba Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey soo dhoweeynayaan
Baaqaya,Bayaanadda iyo Talooyinka dhanka Wanaag iyo danaha guud ku
Saleeysan,hadaba waxaan si weyn oo xamaasad leh, farxadeeda leh u
Soo dhoweeyneeynaa Bayaanka Cad,Qiimaha weyn leh,niyad samida iyo Dareenka Somaaliyeed iyo qiiradda Wadaniyadeed leh oo eey London
ka Soo saareen Aqoonyahanka,Saraakiisha Sarre,Culimaa'udiinka iyo
Wax-garadka Jaaliyada Beel-weynta Daarood.
 
    *Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku amaanaayaan Xubnaha soo
saaray Bayaankaas Nuxunka weyn xan-baarsan,kana turjumaaya Wadda
jirka,Midnimadda iyo wada Dhalasha runta ah ee Dadka Somaaliyeed
ka dhaxeeysa iyo Xaaladda Maanta dalkeena hooyo ku sugan yahay,
dhibaatadda Dadkeena heeysta iyo duulimaadka qaawan oo Gumeeysiga
Itoobiyaanku ku soo qaaday,kuna Qabsaday Ciidna qaaliga iyo falka
Xasuuqeed ee loo geeysanaayo Bulshadda ku dhaqan Caasimada.
 
    *Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey u arkaan Bayaanka Beeshaas
ama Jaaliyadda Beeshaas in uu ahamiyadiisa leeyahay, dhiiri gelina
u noqonaaya Muwaadiniinta ku jira Difaaca iyo iska Caabinta Xaqa
ah,waana mid meesha ka saaraayo Wararka xun iyo howlaha eey inta
Yari wadaan oo lagu kala fogeeynaayo Dadka Somaaliyeed, Bayaankan
ayaa ayaa tusaale fiican u noqon karaayo guud ahaan Dadka, mudana
Soo dhoweeyn iyo taageero buuxdaba.
 
    *Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey qaban isla Fikrada ku cad
Bayaankaas oo ah in loo baahan yahay hanaan Mideeysan lagu Difaaco
Dalkeena, looguna Wajaho Cadoowga,Gumeeysiga Itoobiyaanka iyo Kuwa
u adeegaayaba(Khaayiniinka Waaweyn,Damiir Laa-wayaasha ah).
 
    *Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan Amaan,Bogaadiin iyo
Hambalyoba uga soo jeedinaayaan Xubnaha Jaaliyada Besha Bayaanka
Soo saaray,kuna boorineeysaa in eey kaalintooda ka qaataan guud
ahaanba Waajibaadka Diineed,Qaramiied iyo Akhlaaqeed oo Dalkooda
iyo Dadkoodaba ka Saaran eeyna ugu Muhiimsan yihiin Maanta Difaaca
iyo Howlaha Taakuleynta Dadka tabaaleeysan,kana Shaqeeyaan habka
Mideeynta iyo wada jirka Dadka Somaaliyeed.
 
-Fiiro Gaar Ah-Ka Akhrista Bayaanka Shebekadda Wadaniga ah-
 
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 21/04/2007-
 
 
 

_________________________________________________________