Baaq Bani-aadaminimo Kuna Wajahan Haweenka Somaaliyeed.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-23/04/2007
Ra'yi
 April 23/ 2007
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
 
 
 
      Anagoo ka duuleeyna Masuuliyadda Qarameed, Qiimaha Wadda
Jireed ee Ummadda Somaaliyeed,si weyna u daareensan dhibaatada,
Tacadiyadda xad dhaafka ah, Fara-xumeeynta Haweenka, Bara-kicinta
Dadka Rayidka ah iyo Gumeeysiga Dalkeenii Gacanta u galay,lana
Qeybsaneeysa Dhibka noocyadiisa kala duwan oo Dadka gudaha jooga
heeysta iyo rafaadka eey ku sugan yihiinba.
 
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan uga soo jeedinaayaan
Baaqa gaar ah(Khusuusi ah Guud ahaan Haweenka Somaaliyeed) gaar
ahaan kuwa Qurba jooga ah, iyadoo la wadda ogyahay kaalinta iyo
Doorka weyn oo Haweenka Somaaliyeed ka qaataan Howlaha Samafalka
iyo Taakuleeynta Dadka Tabaaleeysan,Sanadhii burburka iyo Dhibkana
waxeey muujiyeen Masuuliyad weyn iyo karti badan,waana ku amaanan
yihiin.
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku boorinaayaan Haweenka
Somaaliyeed ee Qiiradda Wadaniyadeed ku caanka ah,Halgankii iyo
Jihaadkii Xoriyadana u horay Naftooda iyo maalkoodaba,ahna:-
Hooyo Qaali ah,Marwo Xurmo mudan iyo Walaal ma hudhaan ahba,waxaa
Maanta la gudboon garashada iyo gudashada Waajibaadka Diineed,
Qarameed iyo Akhlaaqeedba oo ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda ku
Sugan xaaladda qalafsan,xanuunka weyn leh,gaar ahaan Haweenka,
Caruurta iyo Dadka waayeelka ahba, iyadoo si deg deg ah loogu
baahan gargaar la gaarsiiyo Dadkaas bara-kacay oo ku sugan dhulka
Duurka ah, hooy la'aanta,Cuntu la'aanta iyo Daryeel la'aanta ku
sugan, waana Walaaleheen, Ehelkeena, Xanuunkooduna waa ina wadda
Taabanaayaa, weeynu ka wada xumahay dhibaatada Dalkeena iyo Dadka
heeysta.
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku talinaayaan in Haweenka
Somaaliyeed qaadaan Ololle xoogan oo dhaqaale loogu ururinaayo
si loogu taakuleeyo Dadkeena Tabaaleeysan,Waxaan halkan ku xusayaa
Haweenka Maqaamka Wanaagsan ku leh Howlaha Gargaarka iyo Dadaalka
Sida:-Marwo-Asli Xassan Cabaade,Marwo-Sucdi Cosoble,Marwo-Sahra
Xassan,Marwo-Drs-Amina Saciid,Marwo-Ayaan Yaasiin,Marwo-Asli,
marwo Tirig Axmed,Marwo-Dahabo Dowlo, Marwo,Batullo Isaaq,Marwo-
Raaxo Ragge,Marwo-Drs-Asha Geesdiir,Xildhibaan Drs-Caasha X.Cilmi,
Xildhibaan-Drs-Fosiya Maxamed Sh,iyo Marwo-Madiino Genaraal iyo
kuwo kaleba..
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku rajo-weyn yihiin in eey
Haweenka Somaaliyeed sida ku haboob u fahmaan,una qiimeeyaan
Nuxurka weyn oo Wadaniyadeed oo uu Xambaarsan yahay,Ururkuna kama
Daali doono gudashada Masuuliyadiisa Qarameed iyo Wacyi gelinta
Ummadda Somaaliyeed meel kasta oo eey joogaan, Raxmaanka ayaanu
Tawakaleeynaa-Isaga ayaa Awood iyo Wax qabadba leh-Nacam-
 
-Nin Lagu Seexdoow Ha Seexan-
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 23/04/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________